HomeXatooyada iyo Lumista Telefoonnada SMARTPHONES oo laga reystay

Xatooyada iyo Lumista Telefoonnada SMARTPHONES oo laga reystay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

New York (SLpost)- Xatooyada iyo lumitaanka Telefoonnada loo yaqaano Smartphones-ka oo lagu iibsado Lacago adag, ayaa dhibaatooyin ku hayn jiray dadka iibsada, haseyeeshee waxa immika fursad loo siiyey dadka macaamiisha ah inay xannibi karaan telefoonada laga xado ama ka luma, iyaga oo isticmaalaya farsamo casri ah oo shirkadaha sameeyey barnaamijyada ay ku shaqeeyaan Mobile-llada Smartphones-ka ah.

Adeeggan ayaa qofka dhibbanaha ah u saamaxaysa inuu gebi ahaanba xannibo isticmaalka telefonkiisa oo aan qiimo ah u yeelan doonin qofka xada ama hela Mobile-ka hallaabay, iyada oo qofku isticmaalayo khadka Internetka oo laga xidhi karo.

SMATPHONESTirada dhacdooyinka xatooyada ah ee Moobillada iPhones loo yaqaano ee ay samayso shirkadda APPLE, ayaa kala badh hoos u dhacay 12-kii bilood ee u dambeeyey, kaddib markii ay shirkaddu soo kordhisay barnaamij cusub, kaas oo dadka macaamiisha ah u oggolaanaya inay gebi ahaanba bakhtiiyaan (Demiyaan) telefoonkooda iyaga oo khadka Internetka isticmaalaya, taas oo ka dhigaysa wax aan qiime ugu fadhiyin qofka xaday telefoonkaaga.

Shirkadaha Apple, Samsung iyo Google, ayaa dhammaantood ku soo kordhisay telefoonnada adeeggan cusub. Halka shirkadda Microsoft ay ballan-qaadday inay dhammaadka sannadkan soo saarayso adeeggan cusub.

Telefoonnada iPhones, waxa addeeggan ama barnaamijkan (App) loo yaqaanaa ACTIVATION LOCK, kaas oo shirkaddu soo kordhisay bishii September ee sannadkii 2013-kii.

Barnaamijka ay samaysay shirkadda Google ee Android oo ay ku shaqeeyaan inta badan Telefoonnada Smartphones-ka ahi ku shaqeeyaan sida Samsung oo kale, ayaa isna loo yaqaanaa Lillipop, in kasta oo aanu adeeggani wada-gaadhin isla markaana aan lagu cusboonaysiin (Update) telefoonada isticmaala Barnaamikja Android ee shirkadda Google.

Adeeggan cusub oo dadku soo dhaweeyeen, ayaa lagu heli karaa iyada oo la Update-gareeyo barnaamijka telefonku ku shaqeeya, gaar ahaan Android, in kasta oo shirkadda Apple ay iyadu soo raacisay telefoonadeedii u dambeeyey ee soo baxay wixii ka dambeeyey markii ay samaysay adeeggan bishii September ee sannadkii 2013-kii.

XIGASHO: Madadaalo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories