HomeXasuustii Xanuunka Badnayd!

Xasuustii Xanuunka Badnayd!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Aadamaha waxaa noloshooda ku gadaaman arrimo kala gadisan oo hadba si ay u waajahaan xalintooda qofkastaa waxa uu raadiyaa sidii ugu haboon ee uu u maareyn lahaa mashaakilka soo food saara si uu u helo xasilooni dheeraad ah ugana soo kabto wayihiii soo marey ee xanuunka badnaa nolosha waxaa sune u ah farxad iyo murugo is garab yaala oo wakhtigu la socda.

 

Hase yeeshee dhalinyaronimada ayaa ah ta ugu nugul waayaha adduunka kiisa adag ama qalafsan qalbiga da yarta waxaa uu u dabacsan yahay arrimaha jaceylka wiil ama gabadh kuu doonaba ha ahaadee marka laga hadlayo aruumaha badweynta caashaqa si toos ah ayuu u taabtaa quluubta da’yarta isagoo hadba heer gaadhsiiya..

 

Jaceylku waxa uu noqdey maaddo loo caalo waayay xalintiisa ama ka gun gaadhkiisaba qofkasta oo dubida korkeeda ku nool saamayn ayuu kaga tagey caashaqu ama jamashadu iyadoo shaqsi kastaa si uu u tabtey jaceylka lamaanuhu.

 

Dadka qaar ayaa aaminsan in dumarku ay u nugul yihiin arrimaha jaceylka marka la barbar dhigo ragga halka shaqsiyaadka qaar iyadu ay aamin san yihiin in raggu uu u daran yahay jaceylka guul daradiisa si ku soo wada duuboo jaceylku waa amuur gil gishay qalbiyada dadyowga caalamka.

 

Hadii aan u gundo dago ujeeda qormadeydan ah Xasuustii Xanuunka Badnayd waxaa diirsa ku saarayaa aragtideyda arimaha xidhiidhka lamaanaha jaceyl wadaagta ah iyo saamaynta uu ku yeeshay aaladaha kul misa bulshada ee Social Media loo yaqaano sida Facebook, Twitter, Instgram,Viber, Whatsapp, Gmail,Hotmail,Imo,Outlook.E.t.c.

 

Baraha bulshadu ay ku wadaagto arragtidooda iyo falanqaynta fikirkooda ayaa saamayn taban ku yeeshay arrimaha jaceylka dhalinyarada wakhtigan xaadirka ah tusaale waxaad arkeysaa nin dhalinyaro ah oo laga guursadey inan uu aad u jeclaa oo uu qalbigiisa u sheegay in ay tahay mid uu nolosha la wadaagayay, balse xanuunka qalbigiisa ay ku beertey qofka uu waayay waxaa u sii dheer meelaha bulshadu aaraartooda isku weydaarsadan ee social media waxa qofku bogga uu ragaba ku arkayaa sawiro qurux badan oo lagu hambalyaynayo  inantii calafku dhaafiyay ee uu aadka u jaclaa sidoo kale waxaa jira gabadh waydey lamaanaheedii nolosha ee dhanka caashaqa ayaa kolba bagga bulshadu isticmaashu ku arkeysa wiilkii waayaha calafku isasa seejiyay talaabadan ayaa ugub ku ah nolosha caadiga ah ee bulshada casriga ah   ee wakhtidan cajiibka ah waayadii hore ma jirin qof indhihiisu ay arkaan marar badan qof uu aad u jeclaa oo ay is waayeen arrintani waxay dhaawac labaad ku tahay bukaanada caashaqa ee magaalo kasta iyo tuulo walba u yaala nabadarada xanuunka badan ee jaceylku ku reebey.

 

Akhrista lama dafiri karo baraha bulshadu ku kulanto sida ay xanuun badan ugu yihiin qalbiyada dadka is jeclaa ee waayuhu kala kaxeeyay run ahaantii arrintani waxa weeye mid aad u khatar badan oo hadana dadku ay dhaadan yihiin ama ay moogan yihiin halisnimadeeda. Bal adba ka waran qof aad jeclayd oo calafku idin kala irdheeyay oo hadana bogga aad furtaba aad ku arkeyso muuqaalkeedii iyo nolosha sida aad u kala fogaateen arrintan oo kaliya ma ah laakiin waxaa jira in dhacdooyinka murugada ahba ay sidan yihiin sida geerida oo qof aad aad iskugu dhaweydeen ama aad aqoon u lahayd ama ehelkaagii ahiba markasta aad baraha ku aragtida qalbigaaguna wuu is badano talaabadaasina ay dhaawac kuu keento.

Halista Aan La Ogayni waa baraha bulshadu ku kulanto.

 

 

 

Wa bilaahi Tawfiiq

Qalinkii Suxufi Ridwaan Caydiid Ismaaciil (Akiid)

Email : akiid14@gmail.com  ama twitter @ridwaan_akiid

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories