HomeXASUUS-QOR: Sooyaalka Marxuum Maxamuud Gaheyr Warfaa (Kabadheere) 1aad.‏

XASUUS-QOR: Sooyaalka Marxuum Maxamuud Gaheyr Warfaa (Kabadheere) 1aad.‏

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
siciid maxamuud
SICIID M GAHAYR

Awowgiisa labaad waa Warfaa Dibad Maxamed-digirin. Waxa uu ka mid ahaa raggii ku xijaabtay colaaddii u dhexaysay Daraawiishta iyo beelaha Somaliland. Sida ay werisay taariikhda afka la isugu gudbiyaa, waxa uu ka dagaallamay in geeliisa la dhaco, isaga oo aan aamminsanayn in xabbadu wax disho “waa dhuuso (neef) biqbiq leh” ayuu yidhi!. Abtiyaalladii waxa ay ahaayeen beel-weynaha dega Gobollada Maroodijeex, Hawd, Togdheer iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya (Arab Sheekh Isaxaaq). Qoys magac iyo maamuus leh ayay hooyadii ka soo jeedday.

La-yaab ma aha in Warfaa kaftan u arko xabbad qudh-gooyo ah! Reer guuraaga iyo xoolo-dhaqatada Soomaalidu waa dar ceeb u yaqaannay fulaynimada. Waagaa uu noolaanaa waxa geyiga ku cusbaa rasaasta nool ee lagu diriro. Sida uu Abwaan Muuse Cali-faruur sheegay waxa loo yaqaannay “farriin”. Markii koowaad ee la isku dilo gumac, waxa uu yidhi nin ka gabyay

Farriin baa raggii lagu dilee, fool ismay arage

Wuxuunbaa fadhiga nagu qabsaday, buurti fagaraade

Diriryahan kale oo ka muraara-dillaacay ragga shanta mayl laga toogtay iyaga oo sita gaashaan iyo warmo waxa uu yidhi

Nimankaa la xaaqiyo raggaas, xalay la soo sheegay

Ee xoolo-daaq laga dilaan, xayski duubnahaye

Xanuun may lahaateen hadday, rag is xamaasaane

Warfaa waxa uu la dhashay illaa toddoba wiil. Shan ka mid ahi waxa ay ku geeriyoodeen doobnimo. Waxa tarmay isaga iyo walaalkii Sharmaarke Dibad Maxamed-digirin. Gaheyr waxa uu ahaa madi aan wax wiil ah la dhalan! Keligii ayuu aabbihii ifka kaga tegay. Sida aynu taariikhda ku haynno waxa socon jiray colaado u dhexeeya beelaha ood-wadaagta ah ee reer Sheekh Isaxaaq iyo Ogaadeen, dagaallo caan ah ayaa dhex-maray beelaha Reer Isaaq iyo Ciidagale. Gaheyr waxa uu ka mid ahaa ciidankii ka qayb-galay gulufkkii Dhurwaale oo si xun loogu jebiyay Cabdi Ciise. In dharaar keliya la dilay illaa boqol nin oo ilmaadeer ah ayuu sooyaalku xusaa. Cadhadii uu ka qaaday jabka reerkiisa ayuu xammili waayay, waxa uu goaansaday in uu daldoorsado oo tolkii ka guuro.

Waxa uu ka fekeray halkii uu u dalandool ku aadi lahaa. Xilligaas cidina cid ma bixin jirin, xidid iyo xigaal ayaa la isku xeerin jiray. Sahankiisi waxa uu dhaafi waayay in uu u tago walaashii Xaliimo Warfaa Dibad oo u dhaxday Beelaha Awdal, Selel iyo Gebiley (Samaroon/Reer Nuur). Deegaanka Galbeed ee Somaliland ayuu degay. Alleylehe halkaas ayuu ku ciil-beelay waxaanu ka helay soo-dhaweyn iyo naxariis gacal. Deegaanka Gobol-weynaha Gebiley ayuu ku guursaday Mako Badar Buux (Ina Badar Xakame), guyaalku waxa ay noqonayaan hilaad ku siman 1926kii, waxa uu Alle kala siiyay saddex wiil oo tarmay iyo gabadh.

Saddexda ugu weyn carruurtiisa oo kala ahaa.

Marxuum Aw Muxumed Gahayr Warfaa (Sheekh Indhoole), Marxuum Cali Gahayr Warfaa iyo Marxuumad Qadiija Gahayr Warfaa oo dhashay 1926kii illaa 1935kii waxa ay ku dhasheen deegaanka Awdal/Gebiley. Muu noqonnin nin maqan oo aan la tebin, sida ay taariikhdu weriso waxa loo diray guurti ay tol yihiin, kuwaas oo ku qanciyay in uu dib ugu soo laabto deegaanka Gaaroodi ee tolkii ku nabad iyo caano-maalay, isaguna wuu aqbalay. Sidaas darteed wiilka u yar carruurtiisa oo ahaa Maxamuud Gahayr Warfaa (Kabadheere) waxa uu ku dhashay Gaaroodi. malaha waxa ka yaraa wiil saqiiray.

Qoyska reer Gaheyr waxa ay dhanka guurka iyo gacalnimada weli ku xidhan yihiin Gebiley. Waxa ay ka guursadeen afar dumar ah oo dambe, kuwaas oo kala ah

Caasha Muuse Badar

Marxuum Ardo Muuse Badar

Deeqa Cabdi Muuse Badar iyo

Farduus Mursal

Waa xikmad Alle, hidde-raacii dhaqan ayaa meesha ku jiray. Haweenka reer Gaheyr ee u dhaxay deegaanka Gebiley waxa ay kala yihiin

Marxuumad Qadiija Gahayr Warfaa

Saado Maxamuud Gaheyr

Marxmuumad Kawsar Aw Muxumed Gaheyr iyo

Aamina Maxamuud Gaheyr

Magaciisa rasmiga ahi waa Yuusuf Warfaa Dibad “Gaheyr”. Sababta loogu bixiyay naanaystu waa in uu ahaa nin adag wadne ahaan, mabda’ ahaan iyo jidh ahaanba. Eddaday Qadiija Gaheyr marka ay eegto xoogganaanta wiilashiisa iyo ubadkooda waxa ay odhan jirtay “idinkuma ma jiro nin u dhaw aabbahay, xagga quwadda jidheed. Dhudhunkiisa oo kale waxa leh Aw Muxumed Gaheyr”.

Xilliga uu Maxamuud Gaheyr dhashay waxa ay ku beegmaysaa 1938kii sida uu ii sheegay intii uu noolaa. Noloshii markaas jirtay ee miyiga ayuu kaalintiisa ka galay. Muuqaal ahaan waxa uu ahaa nin dheer oo xooggan, waxa uu ahaa xilkas is-dira. Aabbihii Gaheyr ayay maalin wada qabanayeen hawl ah samaynta xeradii geela, walaw ay da’diisu yarayd waxa ay garashadiisu siisay in aanu cidna ku hallaynnin waajibaadka ay gacanta ku hayaan, isla markaana aanu adoogii ku daawan culayska shaqada. Si uu kartidiisa u muujiyo waxa uu tunka u ritay ood-dhacmeed ay adag tahay in ay gankiisu qaadaan. “Malaha aabbo adigu ma aad qaadin ooddii weynayd” ayuu Gaheyr Warfaa yidhi! Inta uu waayay dhacantii aanu inankiisa ku aammineen. Waa dareen gacaltooyo.

La soco qaybta labaad haddii Alle idmo

Imaam Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories