HomeXasuuqii Iyo Mar Kale Maya - W/Q: Cabdiraxmaan Cadami

Xasuuqii Iyo Mar Kale Maya – W/Q: Cabdiraxmaan Cadami

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankMaalmahan waxa warbaahinta iyo baraha bulshada lagu qaada dhigayay aragtida koox London, Boqortooyada Ingiriiska kaga dhawaaqday in ay ka shaqayn doonaan midnimadii Soomaaliya oo hal-ku-dhiggoodu yahay Midnimo iyo Mar kale.

Lama yaqaanno xubnaha kooxdan waxa se hor boodaya nin lagu magacaabo Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo sheegtay in uu yahay xidhiidhiyaha kooxda. Waraysiyo uu siiyay qaar ka mid ah warbaahinta wuxuu ku dooday in uu waligiiba ka soo horjeeday gooni-isu-taagga JSL hadalkaas oo aan u malaynayo in aanay waxba ka jirin ee ay tahay ged cusub oo uu hadda la soo baxay, sababta oo ah 29 sannadood oo Somaliland jirtay maalinna lagama maqal in uu isagu aamminsan yahay Soomaaliweyn balse wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu firfircoona ee sida weyn u taageeri jiray madaxweyneyaashii iyo xukumadihii loo doortay in ay xaqiijiyaan himilada umadda oo ah jiritaanka iyo madax bannaanida Somaliland, mar kale mabda ahaan in uu Somaliland ka soo horjeeday wuxuu markhaati ka dhigtay dhawr buug oo uu qoray.

Waxa aan akhriyay laba ka mid ah buuggaagta uu xusay, dad kalena way akhriyeen sida aan filayo haseyeeshee kuma aan arag weedh kaliya oo tibaaxaysa xiisaha qoraagu u hayo midnimada Soomaaliya.

Maxamed Baashe wuxuu sheegay in madaxdii SNM aanay raalli ka ahayn gooni-isu-taagga Somaliland iyo go’aankii lagaga dhawaaqay Burco 1991 sidiisa oo kale laakiin, uu ahaa go’aan lagu degdeggay iyo caadifad dadweyne oo la soo abaabulay.

Tabliiqiga cusub ee midnimada Soomaaliweyn waxaan ku baraarujinaya masiirka ummaddu kuma xidhna dhawr siyaasi oo danaysteyaal ah balse go’aanka waxa iska leh shicibka iyo madaxda loo doortay in ay ku hoggaamiyaan rabitaankooda. Sidaa daraadeed waxay cod midaysan ku yidhaahdeen “Xasuuqii iyo mar kale maya.”

Haddaba waxa la is waydiinaya mujaahidka maxaa bedelay mawqifkiisii iyo taageeradii uu u hayn jiray madax bannaanida JSL? Qofku haddii uu aamminsan yahay damaciisa iyo waxa calooshiisa galaya wax lala yaabo ma aha in maalin ba lagu arko midab iyo mawqif hor leh. Qofku wuxuu saluugi karaa arrimaha qaarkood sida ay u socdaan, waanu dhalliili karaa laakiin, kama weecin karaan haddii uu si dhab ah mabda’iisa u aamminsan yahay.

Ninkan ka riddoobay qaddiyadda Somaliland, 10-kii sannadood ee u dambeeyay wuxuu quudaraynayay in uu mansab ka helo xukumadihii Somaliland, wuxuu aad u rumaysnaa in uu isagu kaga habboona rag uu iska bidayay oo xilal waaweyn lagu taxay markiise uu ku hungoobay wuxuu arkay in xukumadda Farmaajo baahi weyn u qabto dad Somaliland ka soo jeeda oo midnimada la xoojiya waxa sii hunguri geliyay markii uu arkay inamo iyo hablo yaryar oo sidii madaxda Farmaajo ugu qaabilayo madaxtooyada.

Si kastaba ha ahaatee Maxamedow adiga hortaa Xamar waxa tagay rag miisaankooda leh iyo siyaasiyiin ruug caddaa ah oo kaa dagaal iyo af lagaado badnaa oo haddana waxba yeeli kari waayay Somaliland, oo xattaa aan saamayn ku yeelan habayaraatee, markii ay soo hungoobeenna cafis kadib iyaga oo aan bulshada sharaf ku lahayn dib ugu soo laabtay dalkoodii hooyo. Waxa xusid mudan in haddana qaar kale u waydaarteen kuwii hore.

Waxa aan ku soo gabogabaynaya odhaahda tidhaahda “Geel, geel waydaartay waa geedo la’aan.”

odhaah kalena waxay tidhaahda “Saca Faarso tegay saddex maalinta uu qado sandulle ayuu ku soo noqon.”

W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami33@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories