HomeXasan Sheekh Oo Ka Hadlay Cafiskii U Somaliland U Fidisay Siyaasiyiinta Aminsan...

Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Cafiskii U Somaliland U Fidisay Siyaasiyiinta Aminsan Mabda’a Soomaaliweyn

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SL.Post) Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inaan Siyaasadda Soomaaliya ka socota go’aannadeeda lagu salaynin hadallada Hargeysa yaalla, isla markaana Cafiska ay sheegtay Somaliland inay u fidisay Siyaasiyiinta u dhashay ee Muqdisho ku sugan, Diyaaradana u dirayso ay waxaas iyo wax ka xunba hore u odhan jirtay.

blank

 

 

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu sheegay inaanu illaa hadda caddaynin Karin in la dilay iyo in kale hoggaamiyaha guud ee Kooxda Al-Shabaab oo warar aan la xaqiijini tibaaxeen in lagu dilay Duqayn Diyaaradeed oo Koonfurta Soomaaliya Millateriga Maraykanku ka geystay, balse waxa uu ku dooday in weli dowladdu ay baadhitaan arrintaas la xidhiidha waddo, waxaanu sidaa ku sheegay Waraysi gaar ah oo uu Muqdisho kula yeeshay Weriye Cabdiqaadir-Dulyar oo ka tirsan Horn Cable TV.

 

 

 

Wuxuu Xasan Sheekh oo su’aasha laga weydiiyey dilka hoggaamiyaha Al-Shabaab, ku jawaabay; “Abu-cubayda magac jira maaha, toban magac oo kale ayuu leeyahay, kii Hooyadii iyo Aabbihii u bixiyeenna waa u dheer yihiin, markaa laguma deg-dego go’aanka ah Jaamac waa la dilay ama dagaalkuu ku dhintay, maaddaama oo ay toban magac iyo toban aqoonsi leeyihiin, dowladdu arrimahaas way baadhaysaa, weli baadhis baa ku socota, xaqiiqada kama dambaysta ahna waa la soo saari doonaa haddii Illaahay yidhaahdo.”

 

 

 

Xasan Sheekh oo la weydiiyey safarkii ugu horreeyey ee Madaxweyne Soomaaliya xil ka hayaa ku tago dhulka dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo dad badani aamminsan yihiin inuu yahay dhul Soomaali ka maqan sababta uu ku tegay iyo sawirka siyaasadeed ee socdaalkaas Jigjiga muujin karo, ayaa ku dooday inaanu aamminsanayn fikirkaas.

 

 

 

“Anigu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaan ahay, dowlad-deegaankaasina dalka Itoobiya ayay ka tirsan tahay, iyadoo aanan martiqaad ka haysannin dowladda dhexe ee Itoobiya anigu ma tegi kareen, markaa Raysal-wasaaraha dowladda Itoobiya ayaa Marti-qaadkaas noo fidiyey. Hal mid oo mabda’ ah inay caddahay baan rabnaa, dadka noloshooda ciddii carqaladaynaysaa cudur-daar malaha, horumarka iyo wanaagga meeshaa aannu ku soo aragnay maanta cidda dhahaysa waannu xoraynaynaa, ma raacsanin, mana ayidsanin, in la carqaladeeyo iyo in la mushkuladeeyo ma qabno.” Sidaa ayuu yidhi oo uu ku jawabay Xasan Sheekh.

 

 

 

Waxaanu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Jawaabta uu ka bixiyey su’aashaas sii wataa, waxa uu yidhi; “Rayi siyaasadeed dadkii qabaa inay wadahadal iyo si nabad ah ku cabbiraan baan qabnaa. Markaa, dad baa dalkaas hadda xoraynaya ra’yi annaga noo yaalla ama aannu aqbalsannahay ama aannu soo dhawaynayno maaha. Dadkaas xorriyad loo raadinayo iyo nolol maanta loo raadinayo oo ka maqani ma jirto, cidda u raadinaysa ma garanayno, ninka waxaad kaga fiican tahay baa loo raadiyaa ee waxaanad adiguba haysan looma raadin karo. Markaa, deegaanka horumar weyn oo laxaad leh baa ka muuqda.”

 

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo wax laga weydiiyey saluugga ay muujiyeen Siyaasiyiin iyo Xubno Somaliland u dhashay oo Muqdisho ku sugani ka muujiyeen Saamiga Xubnaha Baarlamaanka laga siiyey, kuwaasoo Somaliland sheegtay inay cafis u fidisay, Diyaarado soo qaadana u dirayso iyo waxa uu kala socdo, waxa uu ku jawaabay; “Warka aad sheegayso ee diyaarado ha naloo soo diro ayey yidhaahdeen anigu ma hayo. Somaliland baa laga yidhi waan maqlayey oo hay’adaha xogta isiiyaa way iigu sheegeen in dowladda Somaliland tidhi diyaaradaan dad u soo diraynaa iyo Maraakiib iyo Cafis baan u fidinnay. Somaliland maalin walba wax bay dhihi jirtay, waxaas iyo wax ka sii xun. Siyaasadda Soomaaliya ee meeshan ka socota go’aannadeeda laguma saleeyo Hargeysa waxa laga leeyahay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

 

 

 

 

Somalilandpost.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories