HomeXasan Sheekh Oo Dedaal Ugu Jira Inuu Imaaraadka Carabta Ku Qanciyo Inuu...

Xasan Sheekh Oo Dedaal Ugu Jira Inuu Imaaraadka Carabta Ku Qanciyo Inuu Isagu Ka Kireeyo Madaarka Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho(SLpost)-Madaxweynaah Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guclo iyo orod ugu jira sidii uu madaarka Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland uga kirayn lahaa dawladda Imaaraadka Carabta, gaar ahaan qaybtooda ciidamada.

Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay, ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu dhawaan magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta u diray wasiirkiisa khaarajiga Cabdisalaan Hadliye si uu dawladda Imaaraadka ugu qanciyo inay isaga siiyaan lacag uu ugu ogolaanayo in Imaaraadku heshiis la galo dawladda Somaliland; taas oo sida wararku ay sheegayaan uu ku tilmaamay awood sharciyeed.

Wuxuu kaloo Xasan Sheekh arrintan ka dalbaday inuu fududeeyo safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, waxaanu Xasan Sheekh doonayaa inuu Imaaraadka Carabta ku qanciyo in marka uu isagu u sameeyo saxeexa foojariga ah, uu ka dib Imaaraadka Carabtu dawladda Somaliland ka codsado inay la gasho heshiis labaad. Si rasmi ah looma oga jawaabta ay dawladda Imaaraadku ka bixisay dalabka Xasan Sheekh.

Hase yeeshee, toddobaadkan dhammaaday waxa madaarka Berbera timid diyaarad milatari oo la sheegay inuu leeyahay dalka Imaaraadka Carabtu, taas oo ay saarnaayeen saraakiil milatari oo Imaaraatiyiin ahi, waxaana la sheegay inay madaarka Berbera ku kulmeen saraakiisha Imaaraatiyiinta ah iyo masuul ka tirsan madaxtooyada oo Hargeysa ka tagay, lamana oga nuxurka ka soo baxay wada hadalkaas.

Masuuliyiinta dawladda Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino bal inay wax xog ah ka hayaan arrintan iyo in kale, ayaanay noo suurtogelin.Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan safar ugu baxo dalka Imaaraadka Carabta, lamana xaqiijin karo ujeedada safarkiisa.

Imaaraadka Carabta ayaa siyaabo kala duwan xidhiidho ula leh dawladaha Somaliland iyo Somaliya, waxase ay Somaliya ku leedahay safiir iyo safaarad, halka aanay Somaliland ku lahayn xataa wakiil. Laakiin dawlada Somaliland ayaa Imaaraadka Carabta ku leh wakiil.

Xigasho geeska

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories