HomeXasan Sheekh Maxamuud oo Mar Kale la Wareegay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud oo Mar Kale la Wareegay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Madaxweynaha ay dhawaan doorteen Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

blankMunaasibad ku qabsoontay madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa labada madaxweyne si rasmi ah xilka isugu wareejiyeen, isagoo madaxweynihii hore Maxamed Cabdilaahi Farmaajo halkaas ku wareejiyey Documents uu hore ula wareegay iyo qaar cusub oo ku saabsan wax-qabadkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahad-celiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya muddo Afar sanno iyo dheeraad uu xilka hayey, waxaanu halkaas ku ballan-qaaday inuu isaguna ammaannada ku wareejin doono marka ay xilligeeda gaadho.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa isugu soo hadhay wareeggii 3aad ee Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo 15-kii May 2022 ku qabsoomay Xerada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, waxaanay guushu raacday oo xildhibaannadu codkooda siiyeen Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 214 Cod oo ka mid ah 334 xildhibaan ee labada Aqal baarlamaan ee Soomaaliya, halka Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ka helay 110 Cod.

Tartanka Dhexmaray labada siyaasi ayaa noqonaya markii labaad ee ay tartameen xilka madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale markii labaad ee ay xilka isku-wareejiyaan.

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa sidan oo kale xilka ugala wareegay Xasan Sheekh Maxamuud doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee sannadkii 2017-kii, kaddib markii uu codadkii u badnaa ee mudaneyaasha baarlamaanka ku guulaystay Maxamed Cabdilaahi Farnaajo oo wareeggii saddexaad ee Doorashada ay isugu hadheen Xasan Sheekh Maxamuud oo markii dambe u tanaasulay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka madaxweynaha Soomaaliya loogu doortay sannadkii 2012-kii, xilligaas oo uu xilka kala wareegay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynihii nidaamka dowladnimada ku-meel-gaadhka ah ka saaray Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo noqonaya Madaxweynihii 10aad ee Soomaaliya, ayaa taariikhda ku galay siyaasigii u horreeyey taariikhda dowladnimada Soomaaliya ee laba Jeer loo doorto xilka madaxweynaha tan iyo markii dalkaasi xornimada ka qaatay guumaystihii Talyaaniga sannadkii 1960-kii.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories