HomeXasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaannada labada Aqal baarlamaan ee Soomaaliya, ayaa madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya u doortay Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib tartan saddex wareeg qaatay oo maanta ilaa caawa dhexmaray murashaxiinta ku tartamaysay xilka madaxweynaha Soomaaliya oo tiradoodu kor u dhaaftay 15 murashax.

Tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ku qabsoomay xerada Afisyoone ee Muqdisho, waxa codkooda lagu tartamayay 329 xildhibaan, waxaana wareegga 2aad ee doorashada isugu soo hadhay Afar murashax oo kala ah Xasan Sheekh Maxamuud, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, Xasan Cali Kheyre iyo Siciid Cabdilaahi Deni.

Haseyeeshee loollan adag oo Afarta murashax ku dhexmaray codadka mudaneyaasha, waxa wareegga 3aaf isugu soo hadhay Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 110 cod iyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo helay 83 cod.

Wareegga Saddexaad ee doorashada waxa ku guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 214 cod halka madaxweynaha xilka ka dagaya ee Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ka helay 110 cod.

Tartanka caawa dhexmaray labadan siyaasi oo ka dhigan markayga ii jaro, ayaa dib inoo xusuusinaya doorashadii xilka madaxweynaha loogu doortay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo sannadkii 2017-kii xilligaas oo Farmaajo sidan oo kale tarntanka uga guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligaas ahaa madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya yeelato.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore loogu doortay madaxweynaha Soomaaliya sannadkii 2013kii xilligaas oo uu xilka kala wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ahaa murashaxiintii caawa u tartamay xilka madaxweynaha balse ku hadhay wareegga 1aad.

SOMALILANDPOST.NET

CONTACT@SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories