HomeXasan Sheekh Iyo Prof Jawaari Oo isku Gacan Saaray Mooshinka Maamuus Ka...

Xasan Sheekh Iyo Prof Jawaari Oo isku Gacan Saaray Mooshinka Maamuus Ka Xayuubinta madaxweynaha Oo Noqday Xaasaasi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Muqdisho(SLpost)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cismaan  Jawaari ayaa isku fara saaray kulan ay habeen hore ku yeesheen xarunta madaxtooyada.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Xasan iyo Jawaari ay habeen hore yeesheen kulan la doonayay inay kaga wada hadlaan mooshinka, laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka cadhaysnaa go’aanka uu guddoomiye Jawaari xildhibaanada kaga guddoomay mooshinka, ayaa markiiba waxa la sheegay inuu feedh iyo gacan ka hadal kale kula booday guddoomiyaha Baarlamaanka oo isna la sheegay inuu feedh iska soo horaysiiyay. Waxaana isla markiiba ku kala guntaday Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo ka mid ah dadka Xasan Sheekh aadka ugu dhow dhow oo goobta ku sugan, waxase markiiba iyana qolkii ay rabshadu ka dhacday soo gashay Xaaska Xasan Sheekh Maxamuud oo la sheegay inay iyaduna ereyo aflagaado ah ku bilowday guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen ereyo ay nasabkiisa ku quudhsanaysay. Markaas ka dibna waxa madashii ka baxay guddoomiyaha Baarlamaanka oo inkastoo ergo is xilqaantay ay isku dayday inay dhexdhexaadiso haddana ku hanjabay inuu falka dhacay u gudbin doono Baarlamaanka.

Waxase socda dedaal la doonayo in dagaalka gacan ka hadalka ah lagu qaboojiyo laguna dhameeyo waan-waan iyo in Xasan Sheekh laga qaado xaal maadaama oo goobta uu dagaalka ku bilaabay tahay hoyga uu ka degenyahay madaxtooyada Somaliya ee Muqdisho.

Geesta kale, waxa uu Madaxweynaha Somaliya ku mashquulsanyahay sidii uu u wiiqi lahaa mooshinka ay xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo horjeedaa ka gudbiyeen ee maamuus ka xayuubinta ah. Inkastoo ay adagtahay in mooshinku guulaysto marka la eego caqabadaha sharci ee horyaala haddana waxa uu Xasan Sheekh bilaabay inuu ka saso mooshinka, waxaana suuqyada Muqdisho laga dareemayaa xaamiga kala iibsiga xildhibaanada Baarlamaanka oo uu Xasan Sheekh lacag badan ku baayacayo halka ay dhinacooda dedaalka wadaan xildhibaanada mooshinka soo gudbiyay.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories