HomeXasan Sh Maxamuud oo hirgelinta Midnimada Soomaaliya u qabtay muddo laba sanno...

Xasan Sh Maxamuud oo hirgelinta Midnimada Soomaaliya u qabtay muddo laba sanno ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay in dalkiisu khatar ugu jiro amni-darro iyo deggenaansho la’aan wakhtigan soo food-saartay, waxaanu ku baaqay in la sii wado taageerada beesha caalamku ka geysato xoojinta ammaanka iyo dib-u-dhiska dalkiisa.

Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey fadhigii 69aad ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxayso oo shalay ka furmay xarunta guud ee Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada New York ee Maraykanka, waxa uu sheegay in Soomaaliya kaga dhabayn doono rabitaanka iyo taageerada beesha caalamku la garab-joogto, isaga oo sheegay in wakhti koobani ka hadhsan yahay Soomaaliya oo mar kale noqoto qaran jira oo loo midaysan yahay.

madaxweynaha soomaaliya

“Waxaanu leenahay waddan immika ku socda inuu u midoobo Qaran ahaan, annaga oo hindisahayagu in sannadka 2016-ka la helo Soomaaliya oo midaysan.”

Waxa uu sheegay in dawladdiisa Federaalka ahi guulo wax ku-ool ah ka gaadhay inay isu-keento isla markaana ay Soomaalida oo dhan wada-shaqayn kala yeelato geeddi-socodka siyaasadeed ee dhismaha qaranimada, hadday yihiin haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.

“Guushayadu waxay u baahan tahay taageerada saaxiibadayada adduunka, laakiin inteeda badani waxay u baahan tahay lahaanshiyaha iyo daacadnimada shacabka Soomaaliyeed.”

Khudbadda madaxweynaha Soomaaliya jeediyey, ayaa ku soo beegantay dhowr maalmood ka hor arrimaha Soomaaliya lagaga hadlay Shirweynaha Qaramada Midoobay oo ay ka soo qayb-galeen wufuud heer caalami ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo kulanka ka hadlay, ayaa xusay in dedaallada nabadeynta Soomaaliya u baahan tahay taageero gacmo wada-jir ah oo wax lagaga qabto, haseyeeshee waxa uu ka digay inay shaqo badani u hadhsan tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu khudbaddiisa ku soo qaatay dhibaatooyin bani’aadamnimada oo soo waajahay dalkiisa, isaga oo xusay in 3.2 milyan oo shacabkiisa ahi macaluul u dhimanayaan isla markaana u baahan yihiin gargaar deg-deg ah oo nolosha lagu badbaadiyo.

Waddanka Soomaaliya oo taageero ka helay beesha Caalamka, ayaa la qorsheeyey in sannadka 2016-ka laga qabto doorashadii u horeysay ee shacabka dalkaasi si dimuqraaddi ah ugu dareeraan muddo Afartan Sanno, taas oo qayb ka ah yoolka dhinaca horumarka ee loo dejiyey in la gaadho xilligii la dhisay dawladda uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud sannadkii 2012-kii.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories