HomeXASAN CIISE: ‘Wadahadaladii u dhexeeyey Xaqsoor iyo Xukuumadda waxa ka baxay dhinacii...

XASAN CIISE: ‘Wadahadaladii u dhexeeyey Xaqsoor iyo Xukuumadda waxa ka baxay dhinacii Xukumadda’

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Md Xasan ciise JaamacHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Ururka Xaqsoor ee Doorashadii Goleyaasha ku hadhay, ayaa sheegay inaanu madaxweynuhu hoggaanka Xaqsoor kala tashan magacaabista masuuliyiinta ururka Xaqsoor loogu daray golaha Wasiirrada, waxanau sheegay inay xukuumaddu ka baxday wada-hadalladii labada dhinac.

Guddoomiyaha Xaqsoor waxa uu xukuumadda ku eedeeyey inay ka baxday wada-hadalladii u socday labada dhinac isla markaana ay iska dhego-marisay soo-jeedin Ururka Xaqsoor ku shaaciyey inay diyaar u yihiin wejiga labaad ee wada-hadallada.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray guddoomiyaha Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac, kaas oo u dhignaa sidan: “Ka dib Markii uu Guddigii laba geesoodka ahaa ee wadahadalada ku jiray uu isla soo qaaday qodobbo guud ayaa  ururka Xaqsoor ku dhawaaaqay inay diyaar u yihiin wareeggii labaad ee loogu geli lahaa tafaasiisha qodobada guud, hadii laga helo dhinaca xukumadda.  Iyada oo aanay xukuumaddu ka soo jawaaabin soo jeedintaas ayay imika magacowday Wasiir iyo Wasiirudawle ka tirsanaa hoggaanka Xaqsoor ayaga oon magacaabistooda waxba ka waydiin hoggaankii Ururka.

Shicibka Somaliland waxaan u sheegaynaa in ururka Xaqsoor daacadnimo ku galay wadahadaladaas.  Waxaan ogolaanay inaanu la hadalo xukuumadda ka dib markii ay ayagu ku taliyeen inaanu wadahadalo yeelano.  Waxaanu sidaas u yeelay anaga oo dadka iyo dalka la jecel isafgarad iyo horumar iyo anaga oo ka cararaynay in naloo sawiro urur Garmaqaate ah.  Waxa se noo muuqatay inaanay xukuumaddu daacad ka ahayn wadahadalada. Imika Xukumadu talaaabadan, magacaabida waxay ku cadaysay  inay ka maarantay heshiis dhamaystiran ooy la gasho ururka Xaqsoor.

Waxaanu halkan ku cadaynaynaa  mar kale, inaan Xaqsoor cidi uga lexejeclo badnayn Somaliland oonu sidii hore iyo si kasii wanaaagsan ugu sii shaqayndoono midnimada, sharafta, cadaalada iyo xaqsoorka iyo horumarka dadka iyo dalka qaaliga ah ee Somaliland.”

Hadalkan ka soo yeedhay Muj Xasan Ciise, ayaa ku soo beegmaya wakhti madaxweyne Siilaanyo xilal kala duwan u magacaabay qaar ka mid ah hoggaanka Ururka Xaqsoor, kuwaas oo qayb ka ahaa isku-shaandhayn baaxad leh oo madaxweyne Siilaanyo xalay ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories