HomeXasan Ciise oo ku Baaqay Talo-Qaran oo Laysaga Yimaaddo Wax uu ku...

Xasan Ciise oo ku Baaqay Talo-Qaran oo Laysaga Yimaaddo Wax uu ku tilmaamay Tacaddi iyo Dulmi Badheedh ah oo ay Xukuumaddu ku hayso Saxaafadda iyo Muwaadiniinta

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Md Xasan ciise JaamacHargeysa (SLpost)- Muj. Xasan Ciise Jaamac, ayaa wax laga xumaado iyo Sawir aan loo dul-qaadan Karin ku tilmaamay hawl-gallada Xukuumaddu Ciidamada Ammaanka iyo Garsoorka dalka ugu adeegsanayso cabudhinta Saxaafadda iyo Xoriyadda Muwaadiniinta.

Muj. Xasan Ciise Jaamac waxa uu ku baaqay in wada-tashi laysaga yimaddo wax u ugu yeedhay tacaddiyo iyo Dulmi ay Xukuumaddu ku hayso Qaybo ka mid ah lama-huraanka Dalka.

Xasan Ciise waxa uu sidaas ku sheegay War-saxaafadeed uu caawa ka soo saaray magaalada Hargeysa, kaas oo u dhignaa sidan: “Waxa isoo gaadhay warka sheegaya in wargeyskii Hubaal la xidhay oo amar lagu bixiyey inaan la daabicin lana iibin, talaabada noocan ah iyo tii ka horaysay ee wargeska iyo shaqaalihiisa hubka lagu weeraray waxa weeyaan talaabooyin distoorka, sharciga iyo dhaqankaba ka baxsan.

Talaabooyinkan marka lagu daro sidii foosha xumeyd ee loogu dhacay guriga Cismaan Awr liqe iyo sidii argagaxa lahayd ee loo weeraray meelo Burco ka mida iyo sidii taageerayaasha Xaqsoor ee aan hubaysnayn rasaasta loola dhacay Hargeisa iyo Zeilac doorashooyinkii ka dib, waxa soo baxaya sawir aan loo dulqaadan Karin.

Waxa muuqanaya in xukumada maanta ka jirta Somaliland ay u deegsanayso ciidamadii loogu talagalay inay amaanka sugaan, qorshayaal lid ku ah amniga, midnimada, xoriyada iyo dimuqaraadiyada qaaliga ah eey shicibka reer Somaliland u soo hureen naf iyo maalba.

Waxa muuqata oo lagama maarmaan ah in intii lexejeclo ka qabta walaalnimada reer Somalailnd iyo madaxbanaanideeda ay dhakhso uga wadatashadaan tacdiga iyo dulmigan badheedhka ah eey xukumada ku hayso qaybo badan oo ka mida lama huraanka reer Somaliland.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories