HomeXasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga

Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qaybtii 1aad

Sheekh Cabdirisaaq X.Rabkoub

Sheekh Cabdirisaaq X.Rabkoub

Maalinku geeriyooday Rasuulku ilaa maanta diintu halkeedi ayey taagan tahay; arrin wal oo aannu ogayn oo dib laga keenay Ilaahay wuxu u soo saara rag toosh ku muujiya oo u diida in saxar lagu soo kordhiyo diinta, sidoo kale waxna laga saaro oo mid kala dhantaalan ka dhigta.

Rabbi idil ahaantood raali haka ahaade, nin walba dhankii u muuqday in diinta tashuush laga galinayo ayuu u banbaxay inu difaaco. Calanka ragga waxa u siday Cumar ina Cabdicasiis oo xukunkiisi ka dhigay mid caddaalad ku dhisan.

Afartii imaam ee dhigaalada u sameeyey fahanka bud-dhigga u ah diinta ‘Fiqiga’ ayaa iyaguna door shariif ah ka qaatay ku toosnaanta xaqa. Raggii aqoon ruugga ahaa ee taariikhaha inoo ururiyey ayaa iyaguna ku lammaan oo u calanka u sido ina Kasiir. Sidoo kale Kasiir raggii ino kala dhigdhigay sharaxa Quraanka hormuud buu ka ahaa.

Ilaabi mayno doorkii muuqday ee ay lahayeen innamadii isu taagay hufidda iyo hubinta axaadiista iyo doorkoogi; Bukhaari, Muslin iyo ilaa maantada Ilaahay u soo saaray rag ka daba taga sugnaanta axaadiistaa oo Al-Baani ka mid yahay.

Sidoo kale raggii la dagaalamay khuraafaadkii lagu soo kordhiyey diinta ee aan salka lahayn ayaa iyaguna noqday rag sida xiddiga uga dhex muuqda dadyowgii kale. Raggaa waxa aynu ka magacaabi karna; ina Taymiya iyo Maxamed Cabdiwahaab.

Culimo badan baa jirtay oo ragga aynu tirinnay la saf ah sida; suldaankii culimada Cisi ina Cabdisalaan, Nawawi, ina Xasmi, ina Cabdi Bar, ina Mundir, Dahabi iyo rag door ah oo aynaan halkan ku soo wada koobi karin, Rabbi haku abaaliyo adeegidooda’e.

Raggaasi waxa ay wada dabaqeen xadiiski Suubbanuhu ku lahaa, “Korreeye boqolkii sannadood ba wuxu u soo saara ummaddiisa mid dib u soo nooleeye diinta.” Ee u soo saaray Daa’uud, Albaani xasanka ku sheegay.

Qof kasta oo tilmaantaa helay wuxu noqday mid u ban baxa inu noqdo mid difaaca qarnigaa been abuur diimeed oo la samaynayo sida; axaadiis aan jirin inu iftiimoyo beennimadooda. Waxqabadyo aan diinta waafaqsanayn inu ka digo samayntooda. Fahanno qalloocan oo diinta lagu luqin-jibaadhayo inu caddeeyo inay yihiin fikir gurracan. Aayaddo iyo axaadiis si khaldan loo macnaysanayo in u fahankii saxda ahaa ku soo celiyo iyo inu isku taago soo celinta hab-xukunkii suubbaha.

Qarnigna aynu joogno waa qarni ka duwan qarniyadii hore ee inna soo maray siyaasad ahaan; waa qarnigii ugu horreeyey ee Muslinku noo yahay hoggaan la’aan, waa qarnigii ugu horreeyey  ee Muslinku meel wal oo uu joogo yahay mid itaal daran oo laga adag yahay.

Tataarku kolku qabsaday Baqdaad ee u dhiiga badan daadiyey, dawladdi Cismaaniyiintaa sii qabsanayey Ustandiiniya. Andalus kolkii ay gacanta Muslimiinta ka baxday dhulka hadda loo yaqaan Shishaan ayaa Muslimiintu qabsanayeen.

Labadaa dhacdo waxa aynu u soo qaadannay waa xilli la odhan karayey Muslinku quus buu taagna, haddana waadigaa arkaya inay wax sii noolayeen oo furasho iyo soo Islaamayni socotay. Maanta se garbo siman baa la yahay oo dhibta iyo eedaynta un baa lagu kala badan yahay ee dulinnimada waa la wada hadhsanaya.

Haddaba qarnigan Rabbi wuxu soo saaray halyeey qaab-fikirkaa ku baraarugsan oo isku taagay baraarujin inu ku sameeyo ummadda Muslimiinta oo uu u sheego sida xaal yahay iyo xalka lagaga bixi karaa inu yahay hoggaan mid ah oo la helo. Laakiin haddii qoloba ardaageeda iska doyeysato, kolka duul lala haadayana isha u marto in cid hadhaysaa aanay jiri doonin.

La soco qaybta labaad……

Tallo iyo tusaale ba waa xaggina

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan-Rakuub

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories