HomeXarunta Xuquuqul Iinsaanka Oo Baarlamaanka Uga Digtay Inay Ansixiyaan Xeer Ay Xukuumadda...

Xarunta Xuquuqul Iinsaanka Oo Baarlamaanka Uga Digtay Inay Ansixiyaan Xeer Ay Xukuumadda U Gudbisay Oo U Ogolaanaya Inay Dhagaysato Teleefanadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xeerkan Ka Hortagga Iyo La Dagaalanka Argagixisada Ayaa Ogolaanaya In Dacwadaha Loo Dhegaysto Si Qarsoodi Ah, Dawladda-Na Siinayaa Awoodo Badan Oo Ay Ku Mamnuucdo Mu’asasaadka

latest SL newsHargeysa (SLpost)- Xarunta Xuquuqal Iinsaanka (Human Rigthts Center) xafiiskooda magaaladda Hargeysa ayaa baarlamaanka uga digay inay ansixiyaan xeerka ka hortaga iyo la dagaalanka argagixisada oo ay xukuumadu u gudbisay golaha wakiiladda, kaas oo xadidaya xuquuqo badan oo distuurku u damaanad-qaaday muwaadiniinta Somaliland.

Xeerka ayaa sidoo kale dhabarka ka jabinaya xoriyatul-qawlka, isla markaana dawladda u ogolaanaya inay dhexgasho oo ay dhagaysato telefoonadda, abuurayana in dacwadaha loo dhegaysto si qarsoodi ah, halka uu xukuumadda siinayo awoodo badan oo ay ku mamnuucdo mu’asasaadka.

Waxaana sidaasi lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay xarunta xuquuqal iinsaanka oo nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyeen Somalilandpost ayaa waxa ku saxeexan Agaasimaha fulinta Mowlid Farah Mouse. Kaas oo isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:- “Dawladda Somaliland waxay Baarlamaanka u gudbisay xeerka ka hortagga iyo la dagaalanka argagixisada oo ah xeer ku xadgudbaya xuquuqda aadanaha

Golaha Wasiirada ee Somaliland waxay u gudbiyeen Golaha Wakiilada Xeerka ka Hortagga iyo La-dagaalanka Argagixisada. Xeerkan cusubi wuxuu ku yahay xad-gudub dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka. Wuxuu jebinayaa xoriyaadka iyo xuquuqaadka aasaasiga ah oo ay ku jiraan xorriyadda ra’yi dhiibashada, xoriyadda is-gaadhsiinta, xoriyadda bannaan-baxa, dacwad qaadis xaq ah iyo xaqa is-difaaca, xoriyadda dhaqdhaqaaqa iyo xoriyadda is-abaabulka.

Xeerkan qabyada ahi wuxuu u qeexayaa argagixisonimada si balaadhan oo daba furan. Qeexidda aragagixisonimo ee ku jirta xeerkan waxay keenaysaa cadibaad iyo in lagu dabaqo ficilo balaadhan oo aad u kala duwan.

Xarunta Xuquuqal Insaanku arimaha badan ee ay ka welwelsan tahay ee ku jira xeerka waxa ka mid ah:

1. Wuxuu abuurayaa in dacwadaha loo dhegaysto si qarsoodi ah iyada oo aanay ka soo qayb-galin cidda la eedaynayo iyo cid metelaysa tooni

2. Wuxuu siinayaa dawladda awoodo badan oo ay ku mamnuucdo mu’asasaadka

3. Wuxuu ogolanayaa in la dhexgalo oo la dhegaysto is-gaadhsiinta dadka sida telefoonada, boostada IWM kadibna loo adeegsado cadayn ahaan

4. Wuxuu awood baaxad leh u siinayaa Booliiska inuu dadka xidho isaga oo aan wadan amar qabasho

5.Wuxuu ogolaanayaa in la qabto oo lala wareego hantida dadka iyada oo aan loo marin hanaan sharci

6.  Wuxuu abuurayaa hab dacwadeed siinaya booliiska iyo xeer-ilaalinta awoodo fara badan islamarkaana wuxuu xadidayaa xaqa dastuurku damaanad qaaday ee dadku u leeyihiin inay iska difaacaan maxkamada horteeda

7.  Xeerku waa mid madmadow badan oo aan cadayn

8.  Ciqaabaha ku jiraa waa kuwo naxariista ka fog oo aan u dhigmin ficilada dadka lagu ciqaabayo

9.   Wuxuu ogolaanayaa in la diido diiwaangelinta ururada samafalka ah iyo in lagala noqdo diiwaangelinta ururada samafalka ah

10. Wuxuu ku yeelan doonaa saamayn xun xawilaadda lacagaha

11. Waxa ku jira dembiyo ay maamulayaan xeerar kale sida dembiyada la xidhiidha duulista madaniga ah kuwaas oo ku jira xeerka duulista madaniga ah oo isna horyaal Golaha Wakiilada

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa:

• Golaha Wakiiladu inuu diido Xeerka ka Hortagga iyo La-dagaalanka Argagixisada

•  Dawladdu inay dib ula noqoto xeerkan ku xadgudbaya xuquuqda aadanaha

•   In xeer kasta oo loogu talo galay in lagula dagaalamo argagixisada uu noqdo mid waafaqsan dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka.”

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories