Home“Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu mahad-naqay Guddida Arimaha Gudaha iyo Amaanka ee...

“Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu mahad-naqay Guddida Arimaha Gudaha iyo Amaanka ee Golaha Wakiilada wax-ka-bedelka qiimaha leh ee ay ku samaysay xeerka Booliiska” – WARSAXAAFADEED

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HRCHargeysa (SLpost)- Xarunta Xuquuqal Insaanka ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa soo dhaweysay wax-ka-beddel ay sheegtay in Guddiga Arrimaha ee Golaha Wakiilladu ku sameeyeen Xeerka Booliska.

Warsaxaafadeedkaas, ayaa u dhignaa sidan: “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ku amaanay Gudida Arimaha Gudaha iyo Amaanka ee Golaha Wakiilada wax-ka-bedelka qiimaha leh ee ay ku samaysay xeerka Booliiska. wax-ka-bedelka ay soo jeediyeen Guddidu waa mid wax wayn u ah ilaalinta xuquuqal insaanka iyo kobcinta Booliis ay leedahay dawlad dimoqraadi ah oo dastuurka ku dhaqanta.

Abuuridda Guddi madax-banaan oo dhegaysta cabashooyinka ka dhanka ah Booliiska iyo awoodaha maxkamadaha caadiga iyo kuwo ciidanku waa qodobo aad ugu muhiim ah xuquuqal insaanka.

Dastuurka Somaliland oo ah xeerka u sareeya xeerarka dalka sida ku cad qodobka  128 ee dastuurka Somaliland, wuxuu sheegayaa in maxkamadaha ciidanku aay gaar u leeyihiin dhegaysiga dembiyada ciqaabta ah ee lagu oogo xubnaha ciidanka qaranka. Dastuurku wuxuu si cad uga reebay maxkamadaha ciidanku inay dhegaysataan dacwadaha lagu soo oogo xubnaha Booliiska, Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Ilaalada Xabsiyada, sida ku cad qodobka 104(1) ee Dastuurka.

Xaruntu waxay aad u soo dhowayanaysaa in Guddidu waafajisay xeerkan cusub dastuurka ayna hoos u eegtay welwelkii ay hore u muujiyeen ururada xuquuqal insaanku iyo bulshada rayidka ah.

 Waa masuuliyadda Xeer-dejinta inay mar walba oo ay xeer cusub samaynayaan ay waafajiyaan dastuurka dalka iyo mabaadidiisa.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si xushamad leh uga codsanaysaa Golaha Wakiilada inay ansixiyaan soo-jeedinta Gudida Arimaha Gudaha iyo Amaanka.

 Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories