HomeXarunta Xuquuqal Insaanka oo ka Deyrisey Xaaladda Shaqaaleweynaha Somaliland, kuna baaqday in...

Xarunta Xuquuqal Insaanka oo ka Deyrisey Xaaladda Shaqaaleweynaha Somaliland, kuna baaqday in Xuska Maalinta Shaqaalaha looga Faa’idaysto Baraarujinta Caqabadaha ku gedaaman

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xarunta Xuquuqal Insaanka ee fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa, ayaa warsaxaafadeed ay maanta soo saartay kaga deyrisay xaaladda nololeed iyo Xuquuqeed ee Shaqaalaha dalka, waxaanay soo jeedisay in xuska maalinta Shaqaale weynaha Caalamka oo Berri ku beegan looga faa’idaysto in laysku baraarujiyo Wax-ka-qabashada duruufaha ku xeeran Shaqaalaha Somaliland.

Warsaxaafadeedkan lagaga deyriyey shaqaalaha Somaliland, ayaa sidoo kale lagu sheegay inaanu jirin xeer xadaynaya xaddiga lacageed ee tirada Saacadaha Shaqada.

HRCWarsaxaafadeedkaas ayaa u dhignaa sidan: “Shaqaalaha Somaliland waxay ku shaqeeyaan xaalado shaqo oo dhiilo leh. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay codsanaysaa in looga faa’iidaysto xuska maalinta shaqaalaha aduunka in lagu baraarugo dhibaatooyinka waawayn ee haysta shaqaalaha Somaliland.

Xaaladaha shaqo ee goobo badan ayaaa ah kuwo liita oo ku xun aadantinimada. Hababka shaqaalaysiinta ayaa ah kuwo ku salaysan qabyaalad, afkaaro dimeeed, kala sooc lab iyo dhedig ah iyo takoorro kale taas oo ka soo horjeedda qodobka 7 ee Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah.

Ma jiro xeer xadidaya mushaharka u hooseeya ee lagu shaqayn karo saacadii, sidaas darteed, loo shaqeeyayaashu waxay bixiyaan mushahar aad u liita oo aan u dhigmin shaqada ay qabtaan shaqaaluhu.

Dhibta u badan waxa geysta shirkadaha iyo ganacastada oo iyaga oo ka faa’iidaysanaya kormeer la’aanta iyo xisbaabtan la’aan, caado ka dhigtay inay ku tuntaan xuquuqda shaqaalaha ayna ku tacadiyaan dadka u baahan shaqada. Waxa taas fududaysay shaqa la’aanta ba’an ee ka jirta dalka.

Eriga shaqaalaha ayaa ah isna mid baahay oo si ka soo horjeedda xeerka shaqalaaha loo sameeyo.

Shaqaale badan ayaa shaqeeya saacado ka badan 8da saacadood ee xeerka Shaqaalaha Rayidku dhigay, lamana siiyo lacag dheeraad ah (overtime payment), sida ay noo sheegeen shaqaale aanu warayasannay.

Waxa werwer aad u wayn leh caruurta yar yar ee la shaqaalaysiiyo, taas oo ka soo horjeedda qodobka 38 ee xeerka shaqaalaha. Haweenka ayaan la siin xuquuqdooda shaqo ee ay ka mid yihiin fasaxa dhalmada, iyo fasaxa naasnuujinta sida ku cad qodobada 15 iyo 16 ee Xeerka Shaqaalaha. Xaruntu waxay ogaatay inay jiraan ganacsiyo aan fasixin shaqaalaha maalmaha fasaxa qaran ee qodobka 11(3) ee Xeerka Shaqaaluhu waajibiyay in la fasaxo shaqaalaha. Shirkadaha ganacsi qaarkood ayaa doorbida inaanay shaqaalaysiin haweenka.

Guud ahaan xuquuqaadka shaqo ee ay ka mid yihiin fasax sanadeedka, fasaxa bukaanka, xaqal ciidka, xaqsiinta iyo daawaynta ayaanay helin inta badan shaqaalaha Somaliland. Shaqaalaha Somaliland ma laha urur shaqaale, sidaadarteed, ma jirto cid xuquuqdooda u dooda. Qodobka 52 ee Xeerka Shaqaalaha Rayidka ahi wuxuu jideynayaa aasaasidda urur shaqaale.

Waxa si gaar ah u dulman shaqaalaha ajnebiga ah, gaar ahaan Ethiopian ka oo ku shaqeeya mushahar ka hooseeya ka muwaadiniinta.

Talo-soo jeedin:

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay soo jeedinay:

  1. In shaqo bixiyayaashu ka waantoobaan hababka xeerarka ka soo horjeeda ee ay u maamulaan shaqaalaysiinta, shaqada iyo shaqaalaha
  2. In Agaasinka Shaqada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshadu uu qaato doorka uu siiyay Xeerka Shaqalaaha Rayidka ah si loo ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha
  3. In la abuuro urur waynaha shaqaalaha Somaliland
  4. In la sameeyo wacyi gelin lagu ogaysiinayo shaqaalaha xuquuqdooda shaqo
  5. In wax ka bedel lagu sameeyo Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah
  6. In la hawlgeliyo korrmeerayaasha shaqada si ay  si joogto ah u kormeeraan, ganacsadayaasha iyo xaalladda shaqaalaha waddanka guud ahaan

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

dafac02@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories