HomeXarunta Xuquuqal Insaanka oo Baaq u Jeedisay Maxkamadaha Ciidamada iyo Golaha Wakiillada...

Xarunta Xuquuqal Insaanka oo Baaq u Jeedisay Maxkamadaha Ciidamada iyo Golaha Wakiillada oo uu horyaallo Xeer Awooddiisa Fulineed wel-wel laga Muujiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xarunta Xuquuqal Insaanka ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa wel-wel ka muujisay awoodda Maxkamadaha Ciidanku u leeyihiin inay ka garsooraan dacwadaha ka dhanka Xubnaha Ciidamada Booliska ee Dambiyada geysta.

Warsaxaafadeed maanta xaruntu soo saartay, ayaa lagu shegay in Dastuurka Somaliland laga reebay in Maxkamadaha Ciidamadu dhegaystaan Dacwadaha lagu oogo Booliska, iyada oo sidoo kale wel-wel lagaga muujiyey Xeer Boolisku yeelanayo oo horyaalla Golaha Wakiillada, kaas oo aan awood u siinayn maxkamadaha Ciidamada inay ka garsooraan dacwadaha noocan ah.

Xaruntu waxa ay Golaha Wakiillada ugu baaqday inay wax ka beddel iyo Kaabis ku sameeyaan xeerka loo gudbiyey, qaadista dacwadaha booliskana waafajiyaan Maxkamadaha Madaniga ah ee dalka, halka sidoo kale Maxkamadaha Ciidamada loogu baaqay inay dacwadaha xubnaha Booliska ee ay hayaan u gudbiyaan Maxkamadaha Madaniga ah.

HRCWarsaaxafeedkaas oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xaruntan, ayaa u dhignaa sidan:- “ Xeer cusub oo Boolisku yeelan doono ayaa la horkeenay Golaha Wakiilada si ay u ansxiyaan.  Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka welwel san tahay awoodda xeerka cusubi u siiyay maxkamadaha ciidanka inay qaadaan dacwadaha ka dhanka ah xubnaha Booliiska sida ku cad qodokba 38(1) ee xeerka cusub. Waxa intaas dheer in hadaba maxkamadaha ciidanku ay qaadan dacwadaha lagu soo oogo Booliiska.

 Dastuurka Somaliland ayaa ugu sareeya xeerarka dalka, xeer kasta oo aan waafaqsanaynina wuxuu noqonayaa waxba kama jiraan, sida ku cad qodobka 128 ee dastuurka.

Qodobka 104(1) ee dastuurku wuxuu sheegayaa in maxkamadaha ciidanku aay gaar u leeyihiin dhegaysiga dembiyada ciqaabta ah ee lagu oogo xubnaha ciidanka qaranka. Dastuurku wuxuu si cad uga reebay maxkamadaha ciidanku inay dhegaysataan dacwadaha lagu soo oogo xubnaha Booliiska, Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Ilaalada Xabsiyada.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad uga walaacsan tahay dhegaysiga ay maxkamadaha ciidanku dhegaystaan dacwadaha ciqaabta ah ee lagu soo oogo xubnaha Booliiska iyo Ilaalada Xabsiyada.

Talo soo jeedin

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay soo jeedinay:

1. In Golaha Wakiiladu ay ka saaran qodobka 38(1) ee xeerka cusub ee horyaal ayna ku bedelaan in qaaddida dacwadaha ka dhanka ah Booliiska ay leeyihin maxkamadaha madaniga ah.

2. In maxkamadaha ciidanku ay u gudbiyaan dacwadii xubin Booliis dhinaca ka tahay ee ay hayaan maxkamadaha madaniga ah sida uu dhigayo qodobka 104(1) ee dastuurka Somaliland.”

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories