HomeXarunta Daryeelka Dadka Dhimirka Qaba ee Sahan oo Lagu Wareejiyay Kaalmo Raashin...

Xarunta Daryeelka Dadka Dhimirka Qaba ee Sahan oo Lagu Wareejiyay Kaalmo Raashin oo Ka Timid Jaaliyadaha Sweden Iyo Denmark

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xarunta Sahan ee daryeelka dadka qaba xanuunka Dhimirka, ayaa lagu wareejiyay gargaar ka yimi qaar ka mida Jaaliyadaha Somaliland ee ku nool dalalka Sweden Denmark, taasoo loogu talagalay dadka  bukaanka ah ee ku jira xaruntaas.

Deeqdan oo dhan $1,820 (Kun, Siddeed Boqol iyo Labaatan Dollar) oo lagu soo hagaajiyay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Aadan Siiro) oo si rasmi ah ugu wareejiyay maamulka xarunta Sahan, waxaana ay labada dhinacba sheegeen in  ay wax ka tari doonto baahida ka taagan xaruntaas.

blank

Sheekh Aadan  oo ka hadlay munaasibad lagula kala wareegayay  kaalmadan, ayaa lacag dhan $1,000 ay ka soo gaadhay gabdho ku nool dalka Sweden, kuwaas oo  soo wakiishay Maymuuna Sheekh Cismaan, halka $820 ee kalena oo ay ka timi Cabdiwahaab Sheekh Xasan.

Sheekhu waxa uu sheegay in lacagtaas ay ku iibiyeen raashin  ay quutaan dadka ku jira xarunta Sahan oo qaarkood qoysaskoodu aanay iska bixin karin raashinka ay quutaan, isla markaana  aanu maamulku awood u lahayn in uu dabool baahida jirta.

“Waxa aan aad ugu mahadcelinaynaa hablaha ku nool Sweden oo ay ka wakiil tahay Maymuuna Sheekh Cismaan, $1,000 ayay hablahaas ugu soo deeqeen xarunta Dhimirka, alaabtii la soo siiyay waa taa aad arkaysaan raashinkii loogu talagay dadka, waxa oo aanu aad iyo aad ugu mahad naqaynaa Cabdiwahaab Sheekh Xasan isaga xaaskiisa Safiya iyo waalidkooda oo runtii ah  dadka ka warhaya  sannad walba dadkooda jilacsan, labadaa lacagood ayaa maanta la sii siiyay,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

blankGuddoomiyaha xarunta Sahan Bashiir Maxamed  Jaamac oo isna ka hadlay halkaas, ayaa sheegay in ay deeqdan dabooli doonto qayb ka mida baahida  taagan, isaga oo u mahadceliyay  jaaliyadaha dalalka Sweden iyo Denmark.

“Hablaha uu Sheekhu sheegay iyo Cabdiwahaab  dadka ay ka wakiilka yihiin iyo dadka qurbaha jooga oo dhan waanu mahadcelinaynaa, alaabtaasina Sheekhu sida uu idiin wada sheegay waa ay na soo wada gaadhay waxweyn  bay naga taraysaa, baahi weyn bay daboolaysaa,“ ayuu yidhi Bashiir Maxamed Jaamac.

SOMALILANDPOST.NET

Hargeysa, Somaliland

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories