HomeXarun Laga Maamulayo Hawada Soomaaliya iyo Somaliland oo Muqdisho Laga Dhagax Dhigay...

Xarun Laga Maamulayo Hawada Soomaaliya iyo Somaliland oo Muqdisho Laga Dhagax Dhigay Iyo Maamulka Soomaaliya Oo Afduubay Maamulka Hawada Si aan Heshiishkii Laba Dal Waafaqsanayn

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

 

Muqdisho(SLpost)- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wasiirka gaadiidka Soomaaliya iyo duulista Cali Jaamac Jangali ayaa axaddii waxay dhagax dhigeen xarun loo qoondeeyay in laga maamulo hawada Somaaliya iyo Somaliland Somaliland, taasi oo laga binaynayo magaalada Muqdisho.

 

 

Hadal Ra’isal wasaare Cumar ka jeediyay dhagax dhiga wuxuu sheegay in Muqdisho laga dhisaayo xarunta maamulka Hawada, halka Hargeysa laga dhisayo qayb haddii ta Muqdisho xumaato laga maamulo, arrintaasi oo u muuqata mid ka soo horjeeda heshiiskii Somaliland iyo Somaliya ee ahaa in la wada maamulo hawada.

 

“Halkani waa meesha laga hagi doono diyaaraddaha Somalia dul mara. Waa talaabo loo qaaday dhinicii wanaagsanaa. Si hawada Soomaaliyeed halkan looga hago waa in halkan laga dhiso daarta sawirkeeda aad halkan ku aragtaan. Waa la qalabaynayaa oo qalabka casriga ah ee ugu dambeeyay ayaa la dhigayaa. Mid kale oo tan la mid ah ayaa Hargeysa laga dhisayaa, si haddii halkan wax ka dhacaan maamulka hawada ay ula wareegto meel kale oo Somalia ka mid ahi,” ayuu yidhi Wasiir Jangale.

 

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ayaa isna hadalka kadaba maray wasiir Jangali waxaanu yidhi “ Hawada Soomaaliya wataa Soomaalida u soo noqotay ee maanta dhagaxeeda la dhigayo, siduu sheegay wasiirkuna Hargeysa waxa laga dhisi doonaa mid tan la mid ah oo haddii tan ay wax ku dhacaan bedel u noqon doonta,”  waxaanu ku dooday inay Soomaalida oo dhan guul u tahay.

 

Haddaba qodobkan oo ka mid ahaa heshiiyadii lagu gaadhay turkiga ayaa ahaa in labada dal si wadajir ah u maamushaan hawada ilaa inta la kala baxayo, Sida ay sheegayaan maamulka Xamarna waxa ay ka dhigayaan in Somaliland ay wali ka mid tahay Somalia isla markaana ay maamulka Muqdisho u hogaansato arrimaha hawada oo dhan.

 

Dhanka Kale Xukuumadda Somaliland ayaan wali arrinkan iyo in ay jirto xarun Muqdisho laga maamulayo oo Hargeysa laga dhisayo ka jawaabin. Sidoo kale Waxa la rajaynayaa in labada dal uu dhawaan wada hadal dib uga furmo waddanka turkiga

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories