HomeXarun Dawladda Ingiriisku u dhistay Waaxda Dambi-baadhista Booliska oo Xadhigga laga jaray...

Xarun Dawladda Ingiriisku u dhistay Waaxda Dambi-baadhista Booliska oo Xadhigga laga jaray iyo Saraakiil British oo ka qayb-gashay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa maanta furay Xarun cusub oo loo dhisay ciidanka Dambi-baadhista Somaliland ee CID-da, taas oo dawladda Ingiriisku maalgelisay.

Munaasibad loo sameeyey xadhig-ka-jarista dhismaha cusub oo lagu qabtay isla xaruntaas, ayaa waxa ka qayb-galay Safiir ku-xigeenka Dawladda Ingiriiska u fadhiya magaalada Addis Ababa, Chris Alen, Saraakiil ka socotay waaxaha ammaanka ee dawladdas, Wasiirrada Madaxtooyada iyo Maaliyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska iyo saraakiil ka tirsan Booliska Somaliland.

Ms Jennifer Anderson oo hoggaaminaysay weftiga dawladda Ingiriiska, isla markaana madax ka ah waaxda la dagaalanka argagxisada u qaabilsan Bariga Afrika ee wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa ugu horeyn ka hadashay munaasibadda, waxaanay sheegtay in hawshan ay ku qalabeeyeen xafiiskan cusub ee CID qeyb ka yahay iskaashiga dhow ee Somaliland iyo Ingiriisku wadaagaan.

“Waan ku faraxsan nahay u diyaarin goob iyo qalab ku haboon helitaanka baadhitaano lagu kasloonaado ciidamada baadhitaanka dembiyadda Somaliland,” ayey tidhi Ms Jennifer.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkaas ka hadlay, ayaa ku ammaanay dawladda Ingiriiska kaalinta ay ka qaataan dhismaha hay’adaha dawladda ee Somaliland ee dhinacyada ammaanka, maamulka iyo adeegyada bulshada.

HALKAN KA DAAWO WARKAN

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories