HomeXARSHIN: Magacyada dad lagu xidh-xidhay iyo tacaddiyada joogtada ah ee Liyuu Booliis

XARSHIN: Magacyada dad lagu xidh-xidhay iyo tacaddiyada joogtada ah ee Liyuu Booliis

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Jigjiga (SLpost)- Dawladda kililka shanaad ee Itoobiya, ayaa dad shicib ah ku xidh-xidhay deegaannada Xarshin  hoos yimaadda qaarkood, halkaas oo ay hore dil ugu geysteen dad kale oo shacab ah, ka dib markii ay dadka deegaanku  isku dayeen inay dhismayaal dhistaan.

Siday sheegayaan wararka ka imanaya deegaannadaasi, sagaal qof oo ka mid ah dadka deegaankaas ayay dawladdu xidh-xidhay, isla markaana u dhaadhicisay magaalada Jigjiga ee xarunta kililka shanaad ee Itoobiya, ka dib markii ay dadka deegaannada hoos yimaadda Xarshin qaarkood ay isku dayeen inay berkado ka qotaan deegaannadaas.

Muuqaalka Degmada Xarshin
Muuqaalka Degmada Xarshin

Deegaanka dadkan laga xidh-xidhay ayay Ciidamada Liyuu Booliis hore ugu dileen dadweyne tiradoodu 13 qof dhan tahay oo mid ka mid ahi ay haweenay tahay. “Imika waxa loo dhaadhiciyay dhinaca magaalada Jigjiga oo laba meelood oo kala duwan lagu xidhay, waxa lagu haystaana waa waxaad dhisteen deegaankiinii oo baraago aad ka qodayseen,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka deegaanka u dhashay oo warbaahinta khadka telefoonka ugu warramay.

Xadhiggan ayaa ku soo beegmaya wakhti ay magalada jigjiga ku sugan yihiin guddi ka kooban dadka deegaanka iyo qurbo-joogta deegaanka ka soo jeeda oo socdaal xaqiiqo-raadin ah ku maray deegaannada ay tacaddiyada ka geystaan ciidamada Liyuu Booliis. “Waxa jirta In gudigii odayaasha ahaa ee arinkan dibada uga yimid quus ka taagan yihiin arintii ay u yimaadeen. Sababtoo ah, dawladda Federaalku waxay u sheegtay guddidan in ay madaxweynaha Killilka Cabdi Iley ka wada hadlaan tacaddiyada ka taagan deegaanka, isaguna wuu ka meeraystay oo balamihii uu u qaadayna ma fulin.” Waxa sidaa yidhi mid ka mid ah odayaasha deegaanka oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Fulinta ballamadaa bedelkoodiina wuxuu Ina Iley dalalka dibedda u diray wefti ka socda xukuumaddiisa, si ay been ugu soo sheegaan dadka qurbaha ku nool.”

Ciidamada Liyuu booliis oo qorshahoodii hore ee loo sameeyay ay ahayd sidii ay deegaanka ugala dagaallami lahaayeen jabhadda ONLF ee deegaanka ka dagaallama, ayay dadweynaha ku dhaqan deegaannadaasi u arkaan in ay ka baydheen ujeeddadii loo aasaasay, isla markaana iyaga oo fulinaya amaro ka soo baxaya madaxda sare ee Killilka ay ku kacayaan dil, xadhig iyo xad-gudubyo kale. “Dadweynaha u dhashay deegaanka ee qurbaha ku dhaqan waxaan leeyahay, ciidamada tacaddiyada wada ee dhibta ka geysanaya deegaanka waxa caawiya oo lacagta siiya dawladaha dalalka aad joogtaan. Tusaale ahaan, DFID (UKAid), USAID, Baanka adduunka iyo kuwo kale, ayaa ka mid ah kuwa caawiya. Waxaad waydiisaan in caawimadooda ay ku bixiyaan in la laayo shacab aan waxba galabsan. Una gudbiya in haddii ay sii socoto caawimadaasi ama aan wax laga qaban dhibta ay geysanayaan ay iyagu masuul ka yihiin dhimashada iyo xadhigga macno-darrada ah ee shacabka loo geysanayo.” Sidaa waxa yidhi qof ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo oo ka mid ah dadka deegaanka ka soo jeeda.

 Magacyada dadka la xidhay:

1-Iimaan Cismaan Xasan

2-Maxamed Cali Dheere

3-Bashiir Aw-Dayib Sh. Xasan

4-Cali Sheekh Khaliif

5-Colaad Maxamed Cilmi

6-Xasan Cabdi Wayd

7-Axmed Yuusuf Cawl (Afweyne)

8- Cabdicasiis Daahir Xuseen

9-Xasan Cabdi Aadan

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories