HomeXARSHIN: Magaca Marxuum la Af-duubay oo Meydkiisa la helay, Cabsi laga qabo...

XARSHIN: Magaca Marxuum la Af-duubay oo Meydkiisa la helay, Cabsi laga qabo Xiisad colaadeed oo mar kale qaraxda iyo wararkii u dambeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xarshin (SLpost)-Ciidamada Liyuu Booliska ee dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, deegaanka War-yuugle oo dhinaca Koonfureed kaga beegan Degmada Xarshin ku dilay Marxuum Magaciisa la odhan jiray Cabdilaahi Cabdi Meygaag oo ka tirsan shacabka xoolo-dhaqatada ah ee deegaanka Xarshin.

Wararka aanu ka helaynay deegaankaas, ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay Meydka Marxuumka laga helay meel ku dhow deegaan ka tirsan dhul-beereed ay fadhiisin ka dhigteen Ciidamada Liiyuu Booliska oo hawl-gallo nabad-ilaalineed loo dhex-dhigay beelo Ood-wadaag ah oo tiraba dhowr jeer dagaallo ku dhexmareen deegaankaas.

som (1)Ma jiraan warar madax-bannaan oo dhacdadan ku saabsan, dowladda Ismaamulkuna kama hadal, haseyeeshee sida ay shabakadda CodkaHargeysa.com u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaankaas, rag ku lebbisan dirayska ciidamada Liyuu Booliska, ayaa subaxnimadii hore ee maanta ka kaxaystay Marxuumka isagoo ku dhex-jooga Beer uu leeyahay oo ku taalla deegaanka War-yuugle.

Warku waxa uu intaas ku daray in isla xalayba la aasay meydka Marxuumka la dilay, isla markaana ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo iyo diyaar-garow laga cabsi qabo inay colaado hore leh ka abuurto deegaankaas oo tiraba dhowr jeer dagaallo saddex-geesood ahi ka dhaceen, kuwaas oo shacabka deegaankaasi la galeen ciidamada Liyuu Booliska oo garabsiinaya Xoolo-dhaqatada dhalasho ka soo jeedda degmada Dhagax-buur.

Deegaanka Gadhka War-yuugle oo ka tirsan degmada Xarshin oo hore dagaallo ugu dhex-mareen Beelo wada-dega deegaankaas oo ka soo kala jeeda Degmooyinka Xarshin iyo Dhagax-buur, ayaa ciidamada Liyuu Boolisku hore uga geysteen tacaddiyo ka dhan ah bani’aadamnimada iyaga oo lagu eedeeyey inay garab-siinayaan Xoolaha Dhaqatada dagaalladu ku dhex-mareen deegaankaas, iyagoo dagaal fool-ka-fool ah la galay shacabka xoolaha-dhaqatada ah ee deegaankaas.

Horaantii sannadkan, waxa sidan oo kale weerar afduub ahaa loogu dilay Marxuum ay walaalo ahaayeen marxuumka maanta la dilay, waxaana laga cabsi qabaa  in dhacdadani mar kale colaado ka dhaliso deegaanka Koonfurta degmada Xarshin oo dhowrkii bilood ee u dambeeyey xasilooni iyo degganaansho shacabku ku diirsadeen laga dareemay, kaddib dagaallo dhexmaray ciidan-beeleed ay samaysteen si ay isku difaacaan dadka xoola-dhaqatada ah ee ka soo jeeda degmada Xarshin iyo ciidamada Liyuu Booliska oo garab-siinaya ciidan-beeleedyo ka soo jeeda deegaanka Dhagax-buur.

som (2)
Meydadka Dad Shacab ah oo Ciidamada Liyuu Boolisku ku Xasuuqay deegaanka CILMI XIRSI (Photofile)

 

Ciidamada Liyuu Booliska, ayaa deegaanka Cilmi Xirsi oo ka tirsan degmada Xarshin hore ugu xasuuqay dad shacab ah oo ka tirsan xoolo-dhaqatada ku dhaqan deegaankaas oo ay ku weerareen reerahooda, iyadoo markii dambe iska-horimaad shacabku kala hortagay khasaare ku gaadhsiiyeen ciidamada Liyuu booliska oo loo arkayey inay garab-siinayaan mid ka mid ah beelaha ood-wadaagta ah oo xurguf salka ku haysa dhul-daaqsimeedku u dhexeyso. 

XIGASHO: Codkahargeysa.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories