HomeXarrunta Xuquuqal Insaanka oo Qabatay Kullan lagaga Hadlayey Cabudhinta Saxaafadda Somaliland

Xarrunta Xuquuqal Insaanka oo Qabatay Kullan lagaga Hadlayey Cabudhinta Saxaafadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargaysa(SLpost)-Xarunta xuquuqal iinsaanka Somaliland ee HRC ayaa qabatay kulan lagaga hadlay cabudhinta saxaafadda Somaliland, iyadoo lagu faahfaahiyay caqabadaha ay keensan karto haddii warbaahinta loo adeegsado xeerka ciqaabta.

Xarunta ayaa sheegtay in suxufiyiinta Somaliland loo adeegsado qodobo ku jira xeerka ciqaabta .

“Marar badan baa xadhig iyo maxkamadayn lagula kacaa suxufiyiinta Somaliland iyada oo la adeegsanayo Xeerka Ciqaabta. Inta badan waxa lagu eedeeyaa af-lagaado ama faafin war been ah ama la buun buuniyay. Qodobadaas oo ku jira Xeerka Ciqaabta. Suxufiyiinta iyo difaacayaasha xuquuqal insaanku waxay ku doodaan in la joojiyo dacwadaha ciqaabta ah ee la daba qaado suxufiyiinta islamarkaana la dabaqo Xeerka Saxaafadda. Dhinaca kale, saraakiisha dawladdu waxay inta badan ku doodaan inay tahay daruuri in la dabaqo Xeerka Ciqaabta”HRC

Waxaanay sheegeen in loo baahan yahay in wada hadal laga galo intaan suxufiga la xukumin ama loo adeegsan xeerka ciqaabta.

“In labada dhinac la isugu keeno hal miis si ay qaab degan uga wada hadlaan arinka waxay gacan ka gaysan kartaa in xal loo helo dhibaato mudo dheer bar madow ku ah diiwaanka xuquuqal insaan ee Somaliland. Sidaas darteed, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay 8dii ilaa 9kii November ku qabatay Hargeysa kulan wada hadal ah oo ay isugu yimaadeen daneeyayaasha muhiimka u ah xorriyadda hadalka oo ay ka mid yihiin suxufiyiin, qareeno, xeer-ilaalin, arday dhigata sharciga iyo kuwo dhigta saxaafadda iyo aqoon yahan jaamacadeed.”HRC

Maxamuud Xuseen Faarax oo ah hormoodka kulliyadda qanuunka ee Jaamacadda Hargeysa ayaa ka hadlay arimaha sharci ee la xidhiidha ciqaabista saxaafadda. Wuxuu tilmaamay muhiimadda ay xorriyadda saxaafadda iyo hadalku ay leeyihiin sida ku cad dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee ay ka mid yihiin Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka. Si loo ilaaliyo mabaadidaas waxa muhiim ah ayuu sheegay in la qaato siyaasad lagu joojinayo ciqaab saarista saxaafadda.

Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa isna la wadaagay ka soo qaybgalayaasha khibradiisa balaadhan ee uu u leeyahay saamaynta xun ee ay ku yeelan karto ciqaabtu in suxufiyiintu ay u gutaan shaqadooda si haboon. Xuuto oo ah tafatire isaga laftiisa hore dacwad ciqaab ah loogu soo rogay oo loo xidhay, wuxuu tusaaleeyey sida dacwadaha ciqaabta ahi ay xanibaad ugu yihiin inay suxufiyiintu go’aan qaataan iyaga oo aan cabsi ka qabin xadhig ama dacwad oogis. Wuxuu taageeray in la fuliyo Xeerka Saxaafadda si loo horumariyo war-baahinta Somaliland.

Qaar ka mid ah ka soo qayb-galayaasha ayaa sheegay in Xeerka Saxaafaddu aanu dhamaystirnayn. Waxayna ku doodeen in hadii aan wax laga bedelin Xeerka Ciqaabta ama la laalin ay adag tahay sida loo joojin karo sharci ahaan ciqaabta la saaaro warbaahinta. Sidoo kale waxa la isla faaqiday dhinaca anshax wanaagga iyo xirfadda wanaagsan.

Ciqaabta la saaro war-baahinta waa dhaqan caqabad ku ah xorriyadda war-baahinta. Sidaasdarteed, in la joojiyo ciqaabtaas waxay muhiim u tahay xorriyadda warbaahinta iyo in laga ilaaliyo warbaahinta inay iyagu isku soo rogaan faaf reeb (self-censorship). Maadaama oo ay Somaliland tahay dal dimoqraadi ah oo leh dastuur damaanad qaaday xuquuqda dadka, waxa haboon oo shardi ah in Somaliland aqbasho oo ay dabaqdo siyaasad lagu joojinayo ciqaabta war-baahinta.

Wada hadalada, doodaha iyo ra’yi is waydaarsiga ku aadan mawduucani wuxuu noqon doonaa kuwo sii socda si dhinacyadu isu fahmaan, korna loogu qaado wacyi gelinta.

Ardayda iyo aqoon yahanka jaamacadaha ayaa gaar ahaan lagu dhiirigeliyay inay sameeyaan cilmi baadhisyo ku aadan arinkan si qaab cilmiyaysan loogu faaqido.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories