HomeXaraaradda Siyaasadda Oo Kor U Kacday, Miisaanka Soo Kordhay Ee Waddani, Saamaynta...

Xaraaradda Siyaasadda Oo Kor U Kacday, Miisaanka Soo Kordhay Ee Waddani, Saamaynta Ay Ku Yeelanayso Muuse Biixi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SL.Post) Xaraaradda siyaasadeed ee Somaliland ayaa si kedis ah oo aan la filayn kor ugu kacday, waxaana mar keliya isbedel muuqda laga arkay xisbiyada dhexdooda.

1-52-150x150

Siyaasiyiinta Isbahaysiga ee toddobaadkan ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka mid ah sababaha kor u kiciyey siyaasadda Somaliland, waxaana markii ay ku dhawaaqeen inay ku biireen xisbigaas la arkay siyaasadii Somaliland oo dhaqdhaqaaq badani ku soo biiiray. Sidoo kale siyaasiyiin ka soo jeeda Koonfurta Hargeysa oo miisaan culus leh oo iyaguna maalmahan ku biiraya xisbiga Waddani ayaa qayb ka ah in xaraaradda siyaasadeed ee Somaliland kor u kacdo.

Waxa ay labadan kooxood ee siyaasiyiinta ah uu ku biiritaankooda Waddani saamayn siyaasadeed ku yeeshay xisbiga xukuumiga ah ee KULMIYE. Laba sababood ayaanay saamayno ugu yeesheen xisbigaas.

Waa marka koowaad’e kooxda isbahaysiga ayaa u badnaa wasiiradii hore uga tirsanaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo weliba hoggaankii xisbiga KULMIYE, waxaanay isugu jiraan siyaasiyiin ka soo kala jeeda deegaano kala duwan oo u badan deegaano xisbiga KULMIYE   u ahaa xarumo siyaasadeed oo uu si gaar ah ugu tiirsanaa, marka codka doorasho laga hadlayo.

Kooxdan isbahaysiga waxa kale oo ku jira rag miisaan ku dhex lahaa xisbiga KULMIYE, kuwaas oo loo tiriyo inay qayb libaax ku lahaayeen guushii uu KULMIYE ka gaadhay doorashadii madaxtooyada ee 2010, islamarkaana ah rag waayo arag ku ah doorashooyinka iyo xeeladaha loollanka xisbiyada.

Waxaa la aaminsanyahay inay raggani miisaan iyo waayo aragnimo siyaasadeed ku soo biirin doonaan xisbiga curdinka ah ee Waddani oo aan isagu weli ka qayb gelin doorashooyin aan ahayn tii golaha deegaanka ee uu ku soo baxay.

Waa marka labaad’e siyaasiyiinta labaad ee iyaguna laba maalmood ka dib ku biiraya xisbiga KULMIYE, ayaa ah siyaasiyiin ah reer Hargeysa oo ah deegaanka uu ka soo jeedo murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE. Siyaasiyiintan ayaa iyaguna ah kuwa waayo arag ah oo miisaan iyo khibrad siyaasadeedba ku soo kordhin doona xisbiga Waddani.

Sidaas daraadeed xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, ayaa si weyn u eegaya isbedeladan siyaasadeed ee bilaabmay, oo dadka qaar u arkaan in doorashada ka hor ay wax weyn iska beddeli doonaan miisaanka siyaasadeed ee xisbiyada  waxaana la filayaa in murashaxa ahna guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kale oo ka mid ah weftiga Madaxweyne Siilaanyo ay Arbacada toddobaadkan oo ah 12 Oktoobar ku soo laabtaan Hargeysa.

Lama garanayo in Muuse Biixi socdaalkiisa u soo gaabiyay isbedelada siyaasadeed ee soo kordhay oo uu safarkiisii Ingiriiska ku soo koobay toban maalmood oo keliya iyo in soo noqoshadiisani aanay ahayn mid ay siyaasadi sababtay ee ay tahay mid hore u qorshaysnayd.

Si kastaba ha ahaate, xiisihii siyaasadeed ee Somaliland waxa ku soo kordhay dha-dhan siyaasadeed oo kulayliyay xaraaradeedii, waxaanu hadda xisbiga Waddani ku jiraa dabaal-deg siyaasadeed oo ay xubnahan ku biiray ku soo kordhiyeen.

Iyada oo la eegayo jawaabta uu xisbiga KULMIIYE ka bixiyo iyo qorsheyaasha siyaasadeed ee uu la yimaado si uu u waajaho isbedeladan siyaasadeed ee soo kordhay.

 

Somalilandpost.net

Source Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories