HomeXaqiiqada Calanka Somalia iyo Cidda Samaysey!

Xaqiiqada Calanka Somalia iyo Cidda Samaysey!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Maadaama ay maanta ku beegan tahay, Kow iyo lixdan guuradii maalinta ay Somalidu tidhaahdo waxaa la sameeyay Calanka Buluuga ah ee xidigta shanta gees lihi dhexda kaga taalo oo ku beegan 12.October,1954. iyadoo la yidhaahdo waxaa sameeyay, Mudane Maxamed Cawaale Liibaan.

Haddaba Astaamaha aad halkan hoose  Sawiradooda ku aragtaan Bidix ka bilow: Astaantii Somalia, Waxa ku xiga Astaantii,Waddankii Cyrenaica oo caasimadiisu Bangaasi ( Benghazi).ahayd. Iyo Astaantii Tripolitania oo caasimadeedu Tripoli ahayd, labbadan waddan ee danbe labbaduba Waddanka Libya ayay maanta ka tirsan yihiin.

Haddaba Astaamahan aad halkan ku aragtaan, wuxuu talyaanigu u sameeyay waddamadaas uu guumaysan jiray, 03.April.1919. Waa mudo iminka laga joogo lix iyo sagaashan sannadood. Waxay saddexdan astaamood ka siman yihiin, Calanka Buluuga ah iyo Xidigta cad ee shanta gees leh..

Wuxuu talyaanigu isla maalintaas iyana Astaan u sameeyay waddanka Erateriya. lakiin iyada astaanteedu waxay ahayd Calan midab cad leh, oo dhaxda ay xidig Cas oo shan gees lahi kaga taalo, Libaaxna dhexda kaga sawiran yahay.

Sidaas aad Sawirka ku aragtaan Astaanta Somaliya uu Talyaanigu u sameeyay, waxay ka kooban tahay Labba qaybood, qaybta hoose oo Casaan ah, Labba xidigood oo lix gees ahina ka taagan yihiin iyo qaybta sare oo ah Calan Buluug ah oo Xidig cadi dhexda kaga taalo.Xidigtaas waxaa ka hooseeya, (Shabeel ama harimacad.Hadba sidaad u taqaanan), oo ah xayawaan dhulka Somalida aad u joogi jiray amaba ay Caan ku ahayd Somalidu siiba tii uu talyaanigu guumeysan jiray..

Haddaba Calankan Buluuga ah iyo Xidigta Shanta Gees leh, muxuu Talyaanigu uga jeeda?

1.Calanka Buluuga ah iyo Talyaaniga.

Midabka Buluuga ah oo talyaanigu u yaqaanan midabka Qaranka Talyaaniga, waa midab ay ka curaafeystaan oo ay aad u jecel yihiin, wuxuuna ka soo bilawdaa mudo siddeed boqol oo sano laga joogo, Waana Midabkii ay Gurigii reer Boqor ee “‘Hous of Savoy” lahayeen, Isaga iyo mibadka Casiba. Waa astaamahii reer Boqorkii Talyaanigu lahayeen ee caanka ku ahayeen.. Taasi waxay keentay in Kooxaha Ciyaaraha Talyaaniga oo dhan Midabkooda ama dharka ay ku ciyaaran, Buluug laga dhigo, Sida Kooxda Xulka Qaranka Talyaaniga ee Kubada Cagta. Xulka Qaranka Talyaaniga ee Basket Ballka, Kuwa Rugby-da, Kuwa Berefka ku Ciyaara ee Ice Hokey-da la yidhaahdo. Iyo qaar kaloo baddanba. Aduunyada oo dhan ayaana isla og in Midabka Buluuga ahi uu yahay Midabka Qaranka Talyaaniga… Hadda ku darsoo Calanka Talyaanigu waa saddex midab oo kala ah, Cagaar iyo Cadaan iyo Casaan… Waxaase ka qiimo baddan oo shacabka Talyaaniga ku dheer Midabka Buluuga.

  1. Xidigta Shanta Gees leh iyo Talyaaniga.

Xidigta Shanta gees leh ee Cad, oo Talyaaniga iyo Aduunkuba u yaqaano Xidigtii Talyaaniga (Stella d’Italia). ama Xidigtii Weyneyd ee Talyaaniga (Stellone d’Italia). Waa xidigta keliya ee lagu aqoon sado Talyaanigii hore. Shacabta Talyaaniguna waxay aamin Sanyihiin inay Xidigtaas, Qaranka Talyaaniga Ilaaliso,Difaacdana!. Waa xidig ilaa Boqortooyadii Roomanka ay Talyaanigu ka soo curaafaysan jireen.. Waana Xidigta Astaantooda ah ilaa Maanta. Halkan ka Akhri faahfaahin dheeraada oo xidigtaas ku saabsan.
https://en.wikipedia.org/wiki/Stella_d%E2%80%99Italia.

Haddaba Talyaanigu isagoo dhaqankiisa iyo wixii uu jecelyahay Tix-gelinaaya ayuu Afartii waddan ee uu guumeysan jiray ee Afrika ku yaalay, Saddax ka mida, u sameeyay Astaamo ka kooban Calan Buluug ah iyo Xidig cad oo shan gees leh..wuxuuna ku daray wixii waddamadaasi ay caanka ku ahayeen oo Somaliya wuxuu siiyay, Shabeel oo uu astaantii dhexda kaga sawiray.

Markii UU Xukunka Talyaaniga,Qabsaday, Xisbigii Faashiistaha ee Museliini hogaaminayay,1924-kii. Astaanta waddamadan qaybta sare ee koofiyada Boqortooyadu saaran tahay, wuxuu ku bedelay, Astaan Midab cas leh oo Faashkii uu Xisbigiisu caanka ku ahaana dhexda kaga sawiran yahay. Markii Dagaalkii labbaad ee aduunku dhamaadayna, ee Ingiriisku Qabsaday Waddamadii Talyaanigu Gumaysan jiray, Astaamahoodii waxba kamuu bedelin, ee keliya wuxuu ka tuuray Calaamadii Xisbgii Faashiistaha..

Haddaba Calankaas Buluuga ah iyo Xidigtaas cad ee Lix iyo sagaashanka jir satay, ayaa waxay rag ku andacoonayaan waxaanu sameynay 1954-kii. Hadda 35 SANO Ka hor xiligaas ay sheegayaan ayuu Talyaanigu sameeyay oo ASTAAN uga dhigay Somalida uu guumeysan jiray.

Waxaa keliya ee kuu soo baxayaa waxa weeye, in Maxamed Cawaale illaahay ha u naxariistee uu Astaantii Talyaanigu Somalida u sameeyay Qaybteedii Sare soo gooyey, Shabeelkii dhexda kaga yaaleyna ka jaray. Xidigtii Shanta Gees lahayd ee Talyaanigu ka curaafeysan jirey ee Stella d’Italia.. uu ku sheegay inay Shantii Soomaaliyaad u taagan tahay.. kABAX!
Odaygu Caqli badnaayee!! Allaw kuu Naxariiso..

Haddal iyo dhamaan waxaa halkas ka cad in Calankan Soomaaliya uu sameeyay talyaanigu, Midabka Buluuga ah iyo Xidigta Shanta Gees ahina ay Dhaqankiisa ku arooraan.

 

Raad-raac.

https://en.wikipedia.org/wiki/Stella_d%E2%80%99Italia
https://en.wikipedia.org/wiki/Italian_Somaliland
http://www.hubert-herald.nl/Somalia.htm
https://en.wikipedia.org/wiki/Italian_Tripolitania
https://en.wikipedia.org/wiki/Italian_Cyrenaica

 

 

W/Q. Suleyman Yusufdhakhtar.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories