Home"Xannuunkan Covid-19 dalkeena aadbuu ugu fidayaa oo waxaad mooddaa inuu halkii u...

“Xannuunkan Covid-19 dalkeena aadbuu ugu fidayaa oo waxaad mooddaa inuu halkii u sarreysay marayo” – Madaxweynaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xannuunka Xannuunka Covid-19 uu si xawli ah ugu baahay dalka isla markaana uu marayo halkii sarreysay, isagoo xusay in tirada dadka ee xannuunku ku dhacay ka badan tahay tirada kiisaska ee la xaqiijiyey sababo la xidhiidha inaanay jirin tiro ku filan oo mishiinnada xannuunka lagu baadho ah.

blankGuud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ka hawl-gala oo yaalla Hal Mishiin oo ah nooca lagu baadho Xannuunka Covid-19, kaas dhawaan laga hawl-galiyey cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa, kaddib markii ay badhtamihii bishii April dalka keentay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo Somaliland ugu deeqday.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dalku u baahan yahay Mishiinnada Xannuunka lagu baadho oo laga hawl-galiyo magaalooyinka waaweyn ee dalka si loo ogaado tirada rasmi ah ee dadka xannuunku asiibay, waxaanu xusay inay xukuumad ahaan ku hawlan yihiin si loo helo Mishiinnada Covid-19 lagu baadho oo ku filan guud ahaan dalka.

“Xannuunkan Adduunka Saameeyey ee Covid-19, dalkeena aadbuu ugu fidayaa, waana caadadiisa oo marka hore lama dareemo inta aanu fidin oo marka dadka u horeeyey uu soo rito ayaa la dareemaa. Markaa waxaad moodaa inuu maanta halkii u sarreysay marayo. Walina waxaanu raadinaynaa oo in aynu helno ay tahay mashiinnada lagu baadho xannuunkan oo aynu u helno magaalooyinka waaweyn, hawshoodiina waa lagu jiraa, kala go’a diyaaradaha iyo adduunyadan kala xidhan awgeed way adag tahay in wixii la dalbaday la keeno,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu u mahad-celin u jeediyey isla markaana hawsha ay qaranka u hayaanna ku ammaanay Guddiga Xakamaynta Covid-19 ee uu guddoomiyaha ka yahay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay shaqo wacan qabateen.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu u mahad-celiyey maal-qabeennada iyo Ganacsatada Somaliland ee ka qayb-qaatay taakuleynta Covid-19, kuwaas oo guddiga Covid-19 ku wareejiyey Lacago Kaash ah iyo Agab Caafimaad.

Dhinaca kale, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa maanta xaqiijiyey 18 kiis oo Coronavirus ah oo laga helay dalka, kuwaas oo mid ka mid ahi u geeriyooday xannuunka Covid-19.

Tirada kiisaska Coronavirus ee la xaqiijiyey guud Somaliland, ayaa gaadhay 121, kuwaas oo Siddeed (8) ka mid ahi ka bogsadeen, halka dadka u dhintay xannuunka uu caabuqani sababo ee Covid-19 yihiin Sagaal (9) qof, sida ku xusan warbixinta wasaaradda Caafimaadka Somaliland u soo bandhigtay warbaahinta.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories