HomeXannuun Astaamihiisu la mid yihiin Cudur-sidaha EBOLA oo Cabsi hor leh ku...

Xannuun Astaamihiisu la mid yihiin Cudur-sidaha EBOLA oo Cabsi hor leh ku abuuray Galbeedka iyo Badhtamaha Afrika iyo Tirada Dadka u dhintay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kinshasa (SLpost)- Xannuun noociisa la garan-waayey, ayaa 13 qof ku dilay deegaamada Woqooyi-galbeedka waddanka Congo oo ku yaala Badhtamaha Qaaradda Afrika, sida uu sheegay wasiirka Caafimaadka ee dalkaas.

Cudurka ay dadku u dhinteen oo aan ilaa hadda la aqoonsan noociisa isla markaana astaamihiisu u egyihiin Cudurka Ebola ee faraha baas ku haya Galbeedka qaaradda, ayaa saamayntiisa laga dareemay waddankaas ilaa 11-kii bishan, waxaana laga cabsi qabaa inuu ku fido waddamada kale ee ku yaala.

Fever Killed 13 people in Congo“13-ka Qof ee xannuunka u dhintay waxay haystay xummad aad ah, shuban, matag aan kala go’ lahayn oo qofku matagayo wax madow,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Caafimaad Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Dr Felix Kabange Numbi. Si loo xakameeyo isla markaana loo xaqiijiyo nooca cudur-sidaha (Virus) sababta xannuunka, waxa ay dawladda Congo guryahooda ku karantiimaysay isla markaana baadhis lagu wadan 80 qof oo la tuhunsan yahay inay xidhiidh la sameeyeen dadka cudurka u dhintay, sida uu wasiirku sheegay.

Haseyeeshee saraakiil u hadashay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka iyo Ururka Dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn, ayaa sheegay in aan wakhtigan lagu deg-degi karin nooca cudur-sidaha sababay geerida dadka, waxaanay khatartan caafimaad ku soo beegmaysa xilli ay waddamada Galbeedka Afrika la tacaalayaan cudurka Ebola oo ilaa immika ay u dhinteen dad tiradoodu kor u dhaafayso kun qof.

“Dad intooda badani waxay u dhinteen wax u eg astaamaha nooc xumadda ka mid ah, laakiin waxa sidoo kale jirta Kaneeco khatar ah oo sababi karta nooca astaamahan oo kale ama xumadda Tayfoodhka,” sidaa waxa wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay sarkaal ka tirsan WHO oo ka hawl-gala magaalo madaxda DRC ee Kinshasa.

“Waxaanu wali ka dhur-sugaynaa baadhis caafimaad oo noo xaqiisa nooca uu yahay cudurku,” sidaas waxa tidhi Amandine Colin oo ka tirsan ururka dhakhaatiirta ee MSF oo shaqaalaheedu ka hawl-galaan gobolka Boende oo dadka cudurka u dhintay ku noolaayeen.

Wasiirka Caafimaadka ee dalka Congo, ayaa sheegay in qaybo ka mid ah cudur-sidaha sababay xannuunka loo qaaday Xarunta Baadhis caafimaad oo ku taala waddanka Gabon, isla markaana ay maalmaha soo socda ka war-sugayaan natiijada ka soo baxda. Cudur-sidaha Ebola oo ka dillaacay Galbeedka Afrika, ayaa lagu sheegay inuu yahay kii ugu ballaadhnaa ee isaga gudba xuduudaha waddamada, waxaana u dhintay 1,350 qof oo ku kala noo waddamada Liberia, Guinea, Sierra Leone iyo Nigeria tan iyo bishii March ee sannadkan, sida lagu sheegay warbixin ay shaacisay WHO.

Cudurka Ebola waxa markii u horeysay sannadkii 1976-kii lagu arkay gobolka Equateur ee waddankii la odhan jiray Zaire oo haatan ah dalka Congo ee wakhtigan cudurka aan la aqoonsani ka dillaacay.

XIGASHO: Codkahargeysa.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories