HomeXanjadii Aqoonyahanka

Xanjadii Aqoonyahanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Aniga oo Macalin Computer ah oo arday wax u dhiga ayaa Ardayda,  waxa ka mid ahayd kurayad alle qurux u dhameeyey,nin Suudaan markaasi ka soo qalin jebiyey oo dhawr galabood meesha iigu yimid ayuubaa maalin kasta xiliga aan Casharka dhigayo qaybtan xiligii isna soo xaadira,yaabay oo idhi waar hebel Ma Xiisadda ayaad is qori lahayd,  Maya,e Yartaasi sideen ku gaadhaa,inaad iila hadasho ayaan doonayaa,Waar walaalkay Macalin baan u ahay oo odhan kari maayo ninbaa ku raba,e, adigu kartidaada wax ku meel marso, Waayahay,e,beri ayaan imanayaa.

Casharka marka ay ka baxdo 5ta galabnimo Gaadhigii Xaafadda ayaa hor taagan,Waqti ma jiro,Waa qof hankeeda iyo Hadafkeeduba muuq dheeri ka muuqado,Carcaraaf aduuyno iyo Kadeedna Saxar kama soo gaadhin,Waxa dhalay Laba Waalid oo Waxbarasho Fiican leh,tayadeeda iyo tacliinteeduna u tahay Waxa ugu way nee ay ku taamayaan,Wiilku waa inuu Xiisadda dhexdeeda wax u sheegi karaa,sida wax loogu sheegi karaana way adagtahay,sababtoo ah Ardaybaa jilbaha isu wada haysa,Saacadda ay Goobta soo Gasho,Marna waydiin bay ku jirtaa,oo waan dhex taagnahay,Marna Casharkay nakhtiimaysaa, oo shaashadda iyo libiqsiga indhaheedu waa laba is laasimsan,Doonistiisu waa mid dhab ah, se iyadu waa Hadhkeed la ciyaar, oo uma bilawna, Wax kale uma qaban karo,Aqoonyahanka soo qalin jebiyey e,Afarta Cisho Foodlayda aan Macalinka u ahay ku caashaqay,e waa inaan Waqti siiyo aan xiisadda dibadda uga yara baxo 2daqiiqo si uu uga gun gaadho arintan habeen iyo maalin uu ka seexan waayay.

Waxay dani baday inuu Xanjo soo iibiyo,ka dib Galka Xanjada, uu Warqad ku soo dhex rido,fariintiisana uu halkaasi ujeedkeedii ku dhameeyey, iyada oo Mashquulsan oo halkan Wordka Shapes iyo wax ku sawiraysa ayuu u dhiibay Xanjadii  intay yaabtay bay ku tidhi Xanjada ma cuno? Mayee Hoo?Waxay ku celisay Ma cuno oo hadana waxay isaga Jeedsatay, Dhululubo yar oo ay Midabyo dhexdeeda ku sharaxaysay,iyo habka Casharka loogu sameeyo quful kuu gaar ah( security tab) inta uu Dhidid Dhafoorada iyo cidhbaha ka hooray,buu dabadda ula soo booday Xanjadiisii,  Waxaanan gartay in Qorshihiisii Fashilmay,Waxa uu igu yidhi Waqtiga ii kordhi waan Fashilanahay,e, ,Degenaansho Muuji oo is fahma,inta uu ku noqday markuu yara neef tuuray, ayuu miiskeedii warqadii ku tuuray,kuna yidhi “Check it”Nasiib darro isna aqoonyahan buu ahaa iyadna Luuqadanba Waxba ugama bilawna,oo warqadana waxay u haysataa Xanjo iska silcaysa,baahi u haysaana ma jirto,sidii nebi Muuse hooyadii Wiilkeedii yaraa ugu dardaartay Walaashii ee ay ku tidhi bal iska garab soco,halka uu ku dambeeyo ayuu igula dardaarmay inaan gaadh ka hayo Xanjada hubiyana falcelinta marka ay Furto warqadda Xanjada  galkeeda ku jirta,nasiib talo waayay bay noqotay Xaajadu yartii sidii ay ugu fooganayd Shaashaddii ayay ku war heshay hoonkii Xaafadda,saaxiibkay imtixaanka kama foga, oo meel dhaw ayuu ku sugayaa natiijada,ma akhridy ayuu igu yidhi,waxaan ku idhi waan mashquulay e,hubi inay wax ku jiraan,nasiib daro waa sideedii oo kaamba lama odhan inta uu madoobaaday buu igu yidhi saaxiib waxaan ka dhiganahay ninkii Ciidamada Suudaan haysta ee lagu yidhi Madaxweynihii ayaa ku Casilay,ee yidhi “اه لقد سقطت”.

 

Mahdi Sheekh

Hargeysa,Somaliland.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories