HomeXanaftii ka Dhalatay Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka Hargeysa oo Saamayn ku yeelatay...

Xanaftii ka Dhalatay Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka Hargeysa oo Saamayn ku yeelatay Ciyaaraha Gobollada Dalka oo Muddo 6 Bilood ah dib loogu Dhigay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal ayaa maanta ku dhawaaqay in tartanka ciyaaraha goboladda oo lagu waday inay ka qabsoonto Hargeysa 15-ka Bishan dib loo dhigay illaa 2-da Bisha June ee sanadkan 2013-ka.

Cali Siciid
Cali Siciid

Wasiirka oo Faahfaahiyey sababaha dib-u-dhaca ee Ciyaaraha gobollada oo lagu waday in magaalada Hargeysa lagu qabto, ayaa yidhi, “Runtii waad la socoteen Ciyaaraha mar baanu dib u qaadnay oo waxay ku qorshaysnayeen 15-ka January 2013-ka, markaa waxaan doonayaa inaan sababaha u sheego si ay Dadkiina fariintu u gaadho. Runtii waxa weeye iyada oo ay dhibaato jirin wax walba xilliga ay ku haboon yihiin ayaa daruuriya in la socodsiiyo dhibina kumajirto wixii ay wax ku haggaagayan sida ay bulshadu ay jeclaysato in la yeelo ayaa wacan oo wax dhiba kumajiraan. Waxay ahayd qorshahayagu in Golaha Degaanka ee cusub ay soo an-bibixiyaan Gobalada iyo Degmooyinka Dadka Ciyaartoyga ah oo ay iyagu soo habeeyaan Ciyaartoyga ka qayb qaadanaaya Ciyaaraha Gobalada ayay ahayd. Anaga ka Wasaarad ahaan Masuuliyada guud ayaanu leenahay, lakiin arrintu markay timaado Ciyaaraha Gobalada waxa kow ka ah Golaha Degaanka. Markaa waxa dhacday in Golayaashii Deegaanka ilaa iyo hadda ay qaar maamuladii u gacan galin oo hawshii u fulin ayna halkaasi ay qabyo ka tahay oo ay ku soo diyaarin Ciyaartoygii.”

Wasiirku waxa uu ka hadlay wakhtiga la qaban doono Ciyaaraha gobollada dalka, “Waxaan markii hore aan ku talo galay in Xilliga yar ee fasaxa bisha ah ee teramka Imtixaanka yare e ardayda la fasaxo bisha ay Ciyaaruhu ku beegmaan ayaanu ku wadnay. Waxaana dhacday in Fasixii uu yaraaday oo muddo 15 cesho ah ayuu noqday dabadeed arday badan oo Dugsiyada Sare dhiganaaya oo Ciyaartooyga ka mid ah ama doonaaya inay dawadaan ay mudadii ku yaraatay dabadedna iyada oo 15-kii aanu Ciyaaraha u qabanay la gaadhin uu fasixiiba dhamaaday oo Ardaydii Dugiyada Sare iyo Jaamacadihiiba ay dib ugu noqdeen. Waxayna noqotay duruuf soo korodhay oo Gobaladii ay u Ciyaarilahayeen ayaa waxay keneen cabasho, waxayna leeyihiin Dadkii noo ciyaarilahaa ayaa Iskuulka kujira fasixiina muddo gaaban ayuu noqday oo ardaydiina dib ayay ugu noqdeen Iskuuladii, markaa waxaanu Wasaaradda Ciyaaraha ka codsanaynaa in muddada fasaxa naloogu beego Ciyaaraha oo Dadkii ayaa ku noqday Jaamacadihii iyo Iskuuladii waana qodob muhiima oo Gobalkastaba waxa uu doonayaa inuu badiyo oo waxa uu doonayaa inuu qofkasta oo meel kaga mash-quulsan uu is odhanaayo waxbaa kamaqan oo ah arrin muhiima madaama oo ardaydii ay wax dhiganayso way adag tahay inay ka qayb-galaan,” ayuu yidhi Md Cali Siciid Raygal.

Marka laga yimaaddo hadalka wasiirka, waxa maalmihii u dambeeyey kulamo is-daba-joogi dhexmarayeen Xubno ka tirsan Xukuumadda iyo Madax-dhaqameedka Degmada Axmed oo Garoonka Kubadda Cagtu ku yaallo, waxaana la sheegay in laysla qaatay in dib loo dhigo ciyaaraha gobollada dalka, maadaama ay sii qoyantahay raadkii ay ka tagtay doorashadii Goleyaasha deegaanka ee dhiiggu ku daatay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories