HomeXamaas waa urur Noocee ah? - Sooyaal iyo Falanqayn: W/Q: Cali Cabdi...

Xamaas waa urur Noocee ah? – Sooyaal iyo Falanqayn: W/Q: Cali Cabdi Coomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Horaantii sannadii 1987-kii ayaa lagu dhawaaqay Aas-Aaska ururka Xamaas. Maxamuud Zaharayaa horood ka ahaa bilowga yegleelida ururka Xamaas. Sababta keentay in la aas-aaso ururka ayaa lagu sheega dhawr sababood, balse waxa ugu weynayd, markii dad fara badan oo falastiiniyiin ahaa uu gaadhi jiidhsiiyay dirawal yuhuudi ah, si ula kac ah, laakiin dawlada Israa’iil ayaa ku macnaysay shil gaadhi, taaso ayaa dhalisay cadho weyn iyo isu-soo-baxyo ka dhacay Gaza iyo daanta Galbeed (West Bank).

cali coomayKacdoonkan waxa calanka u siday Sh. Axmed yaasiin iyo lix kale oo falastiiniyiin ah. Sh. Axmed yaasiin wuxuu hore uga mid ahaa ururka ikhwaanu Muslimiinka reer Masar, balse markuu Xamaas ku dhawaaqay ayuu ka baxay. Markii dambe Sh. Axmed yaasiin wuxuu noqday hogaamiyaha Ruuxiga ah ee ururka Xamaas.

Sannadkii 1989-kii ayuu ururka Xamaas qaaday weerarkii ugu horeeyay ee ay ku qaadan ciidanka Israa’iil iyo shacabkooda. Weeararka waxay af-duub ahaan ugu dileen laba askari oo yuhuud ah. Iyagoo arrintaasi kaga jawaabaya ayay dawlada Israa’iil xidhay Sh. Axmed yaasin, waxa ay ku xukuntay xabsi daayin ( life in persion).

Waxa kale oo mastaafurisay Maxamuud Zahar iyo 400 oo ka tirsan ururka Xamaas dhinacaa iyo koonfurta Lubnaan, oo wakhtigan ay haysatay dawlada Israa’iil. Markii ay tageen koonfurta Lubnaan waxay heshiis hoose la galeen ururkii Xisbulaha oo wakhtigaasi dagaal dhuumalaysi ah kula jiray dawlada Israa’iil.

Sannadihii 1987 ilaa 1991 ururka Xamaas magaalada Gaza ku soo rogeen inay dumarku xidhaan xijaabka, si looga hortago inay faafto xumaantu loona fuliyo sharciga ilaahay. Dumar badan oo arrintaasi ka dhaga-adaygay waxa loo taxaabay jeelasha.

Ku-dhawaaqistii Garabka Hubaysan

Sannadkii 1990-kii waxa ay Xamaas aas-aastay garabka hubaysan ee ururka oo loogu wanqalay Din Al-Qassam Brigades. Garabkan Milataray waxay si rasmi ah u hawlgaleen sannadkii 1991-kii, ka dib markay in muddo ah tababar qaadanayeen. Garabkan hubaysani waa qayb ka tirsan ururka Xamaas siyaasad ahaan iyo fikir ahaanba, balse waxay u shaqeeyaan si madax banaan.

Horaantii sannadkii 1992-kii ilaa 1993-kii ayuu garabkan hubaysani(Al-Qassam wuxuu qaaday shan weerar oo waaweyn oo isugu jira qaraxyo, is-miidaamin iyo weerao toos ah. Waxa ay ku laaheen shacab yuhuu ah iyo askar yuhuud ah. Markii weerarku dhacay waxa markiiba masuuliyada weerarka toos u sheegatay ururuka Xamaas. Shantan weerar ayay Xamaas ku noqotay caan adduunka oo dhami indhaha ku soo jeediyeen.

Dabayaaqadii sannadkii 1992-kii ayay ururka Xamaas weerar qaadmo ah ku dileen sarkaal sare oo booliska Israa’iil ah oo xuduuda ku sugan. Israa’iil ayaa kaga jawaabtay weerarkaasi inay mastaafurisay 415 ka mid ah xubnihii ugu firfircoonaa ururka Xamaas waxaanay geysay dalka Lubnaan. Falkan mastaafurinta waxa qaraar ku cambaareeyay golaha ammaanka ee qaramada midoobay, oo siday imika yihiin wakhtigaasi dhaamay.

Sannadkii 1993-kii ayuu M/weynihii Falastiiniyiinta ee wakhtigaasi Yaasir Carafaat wuxuu heshiis kula galay dawlada Israa’iil dalka Norway magaalada Oslo, heshiiskaasi oo ay ugu weynayd in xabbad joojin iyo nadab lagu wada noolaad, waxa ku gacansaydhay ururka Xamaas.

Sannadkii 1996-kii ayay sirdoonka Israa’iil khaarajiyeen Yaxye Yash oo ay Israa’iil ku sheegtay inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay qaraxyadii iyo weeraradii lagu soo qaadayay muddo dheer.

Sirdoonka Israa’iil oo ku fashilmay isku-day-dil ee Khaled Mashaal

Badhtamihii sannadkii 1997-kii ayuu sirdoonka Israa’iil ku fashilmay inay shirqool ku dilaan hogaamiyaha Xamaas Khalid Mashaal isagoo ku sugan dalka Urdun. Khaled Mashaal wuxuu ka qaybgalayay shir ay lahaayeen Falastiin iyo Urdu. Shirka ayaa lagaga wadahadlayay sii daynta hogaamaha ruuxiga ah ee Sh. Axmed yaasiin.

Laba sanno ka dib Xamaas ayaa laga mamnuucay dalka Urdun, ka dib markii ay culus saareen Maraykanka, Israa’iil iyo dawlada Falastiin. Muddo yar ka dib ayuu boqor Abdullaha Urdun sheegay inuu ka cabsi qabo xidhiidh uu sheegay inuu ka dhexeeyo mucaaradka Urdun iyo ururka Xamaas.

Sannadkii 1999-kii ayay dawlada falastiin xidhay hogaamiyaha Xamaas Khaled Mashaal iyo Ibraahim Ghosheh iyagoo ka soo noqday safar ay ku tageen dalka iiraan. Waxaana lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin urur sharci darro ah, oo gobolka dagaal ka hurinaya. Waxa kale oo lagu eedeeyay inay Iiraan hub iyo khuburo tababarayaal ah kala soo heshiiyeen. Waxaana lagu xukumay dambiilayaal, balse Khalid Mashaal wuxuu ku tilmaamay falkaasi mid sal iyo raadtoona lahayn. Aakhirkiina waxa loo mastaafuriyay dalka Suuriya, halkaasina wuu degay.

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

 

La soco Qaybaha dambe…………………………

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories