HomeXamaas waa urur Noocee ah? - Sooyaal iyo Falanqayn: ...

Xamaas waa urur Noocee ah? – Sooyaal iyo Falanqayn: Q.2aad – W/Q: Cali Cabdi Coomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kacdoonkii labaad (Second Intifada)

Sannadkii 2000 waxa bilaabmay kacdoonkii ay shacabka reer falastiin kaga soo horjeedeen qabsashada yuhuud ee dhulkooda. Mudadii uu socday kacdoonku dadka shacabka ee ku dhintay waxa lagu qiyaasay 5,500, halka yuhuuda dhimatay lagu qiyaasay 1,100 iyo 64 shisheeye. Weeraradan waxa qaaday guutada Al-Qassam oo ah garabka hubaysan ee Xamaas.

Sannadkii 2001-dii ayaa bamboo lagu weeraray hudheel ay ka cunteeyaan yuhuudu, waxaana qudha lagaga jaray 15 yuhuud shacab ah. Markii falkaasi dhacay ayuu af-hayeen u hadlay ururka Xamaas ayaa sheegay inay iyagu ka dambeeyeen, oo ay kaga aargoosanayeen dilka ay Israa’iil u geysatay laba hogaamiye oo ka tirsan ururkooda.

Sannadkii 2004-tii ayuu Sh. Axmed yaasiin ku dhawaaqay inay Xamaas joojisay dagaalkii ay kula jirtay dawlada Israa’iil iyagoo ku bedeshay dawlada ay falastiin yeelato oo fadhigeedu yahay daanta Bari, Bariga Jerusalem iyo Qasa. Intaasi ka dib sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Al-Rantissi ayaa sheegay inay jirto 10 sanno oo heshiis ahi, oo lagu bedelanayo dhammaan dhulkii ay Israa’iil ka qabsatay falastiin dagaalkii lixda cisho ee dhacay 1967-kii ee dhexmaray carabta iyo Yuhuuda. Si dhakhso ah ayay Israa’iil uga jawaabtay hadalka Al-Rantissi waxaanay ku micnaysay hadal aan daacad ahayn oo been ah. Waxay sheegtay inaanay marnaba ka baxayn dhulka ay qabsatay.

Isla-sannadkii 2004-tii ayay Israa’iil weerar qorshaysan oo dhinaca circa ah ku dishay Sh. Axmed yaasiin oo ahaa hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Xamaas. Bishii afraad ee 2004-tii ayay weerar kii la mid ah ku dishay Al-Rantissi.

Doorashooyinkii Xamaas ku guulaystay

Sannadkii 2006-dii waxa la qabtay doorashadii dawladaha hoose ee falastiin. Ururka Xamaas wuxuu hore ugu gacansaydhay doorashadii M/weynaha ee la qabtay sannadkii 2005-tii, taaso uu ku guulaystay Maxamuud Cabbaas oo uu bedelay Yaasir Carafaat. Xamaas waxay cod aqlabiyad ah ka heshay magaalooyiinka Baytu laxam, Rafax, Qasa iyo Qalqilyah oo ka tirsan daanta Bari. Xamaas waxay kaga adkaatay ururka Fatax dhammaan deegaankaasi. Kuraasta ay ku guulaystay ayaa ahayd 74 kursi, halka kuraasta loo tartamayay ka ahayd 132 kursi.

Waxa kale oo Xamaas gacanta ku dhigtay askari yuhuudi ah oo la odhan jiray Gilad Shalit, markii dambe ay ku bedesheen maxaabiis fara badan.Badhtamhii sannadkaasi ayuu is-casilay Raysal wasaarihii falastiiniyiinta Axmed Qureec iyo golihii wasiiradiisa, si ay ururka Xamaas u soo dhisaan dawlad bedesha. Muddo yar ka dib Xamaas waxay doorteen Ismaaciil Haniya inuu noqdo Raysal wasaaraha cusub ee falastiin. Ismaaciil Haniya ayaa ku dhawaaqay golihii wasiirada ee dawladiisa, waxa ay ahaayeen 24 wasiir oo intooda badani ahaayeen xubno ka tirsan ururka Xamaas. Maxamuud cabbaas ayaa diiday inuu ku biro dawladan ay Xamaas isku koobtay.

Dagaaladii dhexmaray Xamaas iyo Fatax

Dabayaaqadii 2006-dii ayay isku dhaceen laba kooxood oo hubaysan oo kala taageersan Xamaas iyo Fatax. Dagaalka ayaa ka bilaabmay khilaaf soo kala dhexgalay wasiir ka tirsan dawlada Ismaaciil Haniyo iyo kooxo taageersanaa ururka Fatax oo Maxamuud Cabbaas hogaamiyo, oo diidanaa dawladan ay Xamaas isku koobeen. Garabka hubaysan ee ururka Fatax oo la yidhaa”Al-aqsa Brigade” ayaa af-duubay sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan, balse way sii daayeen markii dambe. Dagaalada ka dhexqarxay labada urur waxa ku dhintay dad lagu qiyaasay 600 oo falastiiniyiin ah.

Sannadkii 2007-diiayay dawlada Sacuudigu u qabtay labada dhinac shri dib-u-heshiisiin, waxaana lagu heshiiyay in la sameeyo dawlada midnimo qaran. Muddo ka dib waxa lagu dhawaaqay golihii sharci dejinta oo ka koobnaa 83 xubnood. Wixii intaasi ka dambeeyey Xamaas ayaa toos ula wareegtay maamulida magaalada Qasa.

Sannadkii 2007-dii sidoo kale ayay Xamaas sii kordhisay weerarada dhinaca gantaalaha ee lagu garaaco Israa’iil, waxaana lagu qiyaasay 40 sayruuq iyo 70 hoobiye. Israa’iil ayaa weerarada kaga jwaabtay duqayn dhinaca cirka ah, oo ay ku qaaday Qasa.

Sannadkii 2009-kii ayuu Khaled Mashaal ayaa sheegay inuu ururka Xamaas diyaar u yahay inuu wadahadalo la furo dawlada M/weyne Obama, sababta ayuu ku sheegay inuu ka fiican yahay maamulkii ka horeeyey ee W. Bush.

Sannadkii 2011-kii ayuu ismaaciil Haniy oo gacanta ku hayay maamulka Qasa tacsi u diray dilkii loo geystay hogaamiyihii Al-Qaciida Osama Binu laden. Wuxuu ku tilmaamay inuu ahaa geesi iyo mujaahid xalaala ah oo ka dhashay carab (Holy Warrior).

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories