HomeXamaas iyo Israa'iil oo Dagaal laba bilood qaatay ka dib Heshiis shuruudo...

Xamaas iyo Israa’iil oo Dagaal laba bilood qaatay ka dib Heshiis shuruudo xabbad-joojin ah oo Shuruudo ku xidhan yihiin kala Saxeexday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpos)- Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan Ururrada Xamaas iyo Islamic Jihad ee ka dagaalama Marinka Gaza, ayaa shaaca ka qaaday in ay dawladda Israa’iil heshiis kula galeen joojinta dagaalka labada bilood ka socday marinka Gaza oo galaaftay nolosha in ka badan 2,000 oo Falastiiniyiin ah.

Ziad Nakhala oo ka tirsan Kooxda Islamic Jihad, ayaa sheegay inay la gaadhay Heshiis habbad-joojin ah oo soo afjaraya dagaalka Gaza, isla markaana ay dhinaca Israa’iil kaga beddesheen in qayb ahaan laga qaado cuna-qabatayn saaran Gaza si loo helo goobo loo soo mariyo dadka qaxoontiga ah gar-gaarka hay’adaha iyo qalabka dhismaha.

Gaza_Israel (2)Waxa uu sarkaalkani sheegay in muddo bil gudaheed ah loo ballaamay wada-hadallo xambaarsan qodobbo miisaan culus oo ay ka mid yihiin dhismaha madaar iyo deked loo sameeyo Qaza, kuwaas oo ka mid ah shuruudo ay kooxda Xamaas ku xidhaysay tiroba dhowr jeer oo wada-hadallo uga bilaabmeen labada dhinac magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Sidoo kale, sarkaal ka tirsan Xamaas oo codsaday inaan magaciisa la xusin, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyey jiritaanka heshiiska xabbad-joojinta ah ee dhexmaray Gaza iyo Israa’iil.

Dawladda Masar oo tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay bishii 8-dii bishii July waan-waan ka dhex-wadday labada dhinac, ayaa ka shaqaysay heshiiska cusub oo shalay gelinkii dambe si rasmi ah u dhaqan-galay. Balse ma jirto war arrintan ku saabsan oo laga xaqiiyey dhinaca dawladda Yuhuudda.

Gaza_Israel (4)“Maanta waxaanu shaacinaynaa guusha ay gaadheen xoogagga Wax-iska-caabintu, maanta waxaanu bayaaninaynaa guusha ay gaadhay Gaza,” sidaas waxa yidhi afhayeen u hadlay Xamaas Sami Abu Zuhri.

Shaacinta heshiiska ayaa ku soo beegantay wax yar ka dib markii ay ciidamada Israa’iil shalay subaxnimadii ay duqeyn u geysteen laba dhisme oo midkiiba 15 dabaq ka koobnaa, kuwaas oo hoy u ahaa qoysas badan iyo meherado ganacsi. Dhismayaasha ay diyaaradaha Israa’iil shalay bar-tilmaameedsadeen waxa ka mid ah dhismaha Al-Basha Tower oo ka kooban 15 dabaq, kaas oo gebi ahaantiisa dhulka lala simay isla markaana dhaawacyo soo gaadhsiiyey dhismeyaal kale oo dhinacyada kaga yaalla, haseyeeshee ma jirto cid ku dhimatay weerarkaas iyada oo dadkii ku jiray hore uga baxeen. Waxa ku dhaawacmay 25 qof oo ku jiray dhismeyaal uu leeyahay Ganacsade u dhashay Talyaaniga oo ku dhejisan sarta Al-Basha.

Ilaa bilowgii todobaadkan, diyaarada Israa’iil waxa ay burburiyeen shan dhisme oo dhaadheer oo ku yaalla Gaza, waxaana tallaabadaas lagu tilmaamay farsamo cusub oo dawladda Israa’iil cadaadiska ugu sii kordhinayso Xamaas.

Haseyeeshee, dawladda Israa’iil kamay hadal sababta ay u bartilmaameedsatay dhismeyaasha, halka markii hore yoolkoodu ahaa goobo cayiman oo ay uga shakiyaan inay dagaalyahannada Xamaas ka hawl-galaan.

Gaza_Israel (3)Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay shalay oo kaliya ah, wax yar ka hor xilliga uu soo baxay warka heshiiska xabbad-joojinta ah, ay diyaaradeedu duqeeyeen 15 bartilmaameed, halka Kooxaha Falastiiniyiinta ahi ay gudaha Israa’iil ku rideen siddeed gantaal oo kaliya. Duqeymaha ay diyaaradaha Yuhuuddu shalay ka geysteen Gaza, waxa ku dhintay laba qof, halka sidoo kale Gantaalaha lagu ganay gudaha Israa’iil ay dileen hal qof oo Yuhuudi ah halka dhowr iyo toban kalena dhaawacyo ka soo gaadheen. Waxa kale oo gantaaluhu burbur gaadhsiiyeen dhismeyaal ku yaala magaalada Ashkelon oo ku taala Koonfurta Israa’iil.

Kooxda Xamaas ayaa gacan-ku-haynta marinta Gaza kala wareegtay madaxweyne Cabbaas sannadkii 2007, taas oo sababtay in dawladda Israa’iil ay cuna-qabatayn iyo xayiraadba saarto marinka Gaza.

Dagaalka marinka Gaza oo bilaabmay bishii July ee sannadkan, ayaa galaaftay nolosha 2,139 qof oo Falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan 11,000 oo qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee marinka Gaza. Sidoo kale, waxa ku burburay 17,000 oo guri, taas oo sababtay inay barakacayaan shacab tiradooda gaadhayso 100,000, sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawl-gala deegaannada Marinka Gaza.

Dhinaca Israa’iil, waxa dagaalka kaga dhintay 69 qof oo dhammaantood Askar ah marka laga reebo shan qof oo shacab ah. Sidoo kale, waxa dhaawacyo ka-soo-kabashadoodu muddo qaadanayso ka cabanaya dhaqaalaha dalka Israa’iil oo hoos-u-dhac weyni ku yimi.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories