HomeXALLINTA KHIYAAMADA JACAYLKA

XALLINTA KHIYAAMADA JACAYLKA

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qormadan tii ka horreysay ee aan ugu magac daray “Jacaylka iyo khiyaamada” waxa aan kaga soo hadlay waxyaabaha sababa khiyaamada ay lammaanuhu ku kacaan. Qormadan waxa aan kaga hadli doonaa dawada (xalka) khiyaamada jacaylka lammaanaha is qaba

Dawaynta khiyaamadu waa in ay noqotaa mashruuc ay qaadanayso gabadhu si ay u ogaato waxa ku kalifay in uu ninku khiyaamo ku dhaco.Kee ayaa ay khiyaamadiisu darantahay a ninka mise gabadha? Gabadha ayay khiyaamadeedu darantahay waayo ninku haddii uu khiyaameeyo waxa u khiyaaaynayaa uun jidhkeeda, balse gabadhu haddii ay wax khiyaamayso waxa ay khiyaamaynaysaa mashaacirta iyo jidhka labadaba.

Khiyamadu miyay ku kala duwan yihiin ragga? Haa. Haddii ninka gabadhiisa

khiyaameeyay yahay nin aad u fiican, ixitaam badan wuu ka duwan yahay ninka aan ixtiraam lahayn ee aad fiicnayn bilaa akhlaadka ah. Waayo kan danbe waa mid ka mid ah uun tilmaaihisa xun xun, laakiin ninka hore markiiba uu ka oo noqon karaa.

Ka gabadh ahaan, maxaa la gudboon in ay samayso haddii ay ninka khiyaamo ku aragto? Sidee ayaan u ilaashan karaa jacaylkayga nafeed haddii la I khiyaamo/ogaado? Haddii aan ogaado khiyaamada waxa habboon in ay gabadhu ninka qiimayso inta aanay go’aan gaadhin. Haddii uu ninku nin fiican yahay, kama tagayo balse haddii aanu ninku fiicnayn markiisa hore, waan ka tagaya inaga oo aan eegayn ba khiyaamada uu sameeyay waayo arkiisa horeba muu fiicnayn. Haddii uu ninku fiican yahay waxa laug canaananayaa wanaagiisa iyo qadarinta uu bulshada ku dhex leeyahay. Hadii uu ninku baqdin badan yahay, waan ka baqadsiin uun, tusaale ahaan, in lagaga cabsiiyo xanuunada, in lagaga cabsiiyo in ay dadku ku arkaan. Halkas ayaan galay oo adiga ayay ku hadal hayeen o marka an so galay way aamuseen iwm. Hadii uu nin fiican yahay aad ha u canaanan, haddii uu nin xun ahaa kasi canaantu waxba u tari mayso.

Haddii ay gabadhu ka shakidu in uu ninku khiyaamo sameeyo, ma habboon tahay in ay daba-gal ku samayso oo ay fadh-fadho mobile-kiisa iwm?

Haddii ay gabadhu tahay mid caqli badan oo xakamayn karta caadifadeeda, sida oo kale na dhigi karta mashaariic ay ku soo xero gashan karto ninka, way baaadhi kartaa ninka. Hase yeeshe, haddii ay gabadhu tahay mid caadifad badan, oo haddii ay ninka wax ku aragto aanay xukumi Karin mashaacirteeda, waxa habboon in aanay ninkaa daba galin wayo mushiladda ka dhalanaysa ayaa ka badanaysa. Dabadeedna, inta uu ninku dibada u baxo ayaa khiyaamadiisu sii badan doontaa. Wixii hore ee tagay lama xallin karo. Laakin waxa la xallin karaa wakhti xaadirka iyo mustaqbalka.

Khiyanadu xagay ka bilaabantaa xagay se ku dhammaataa?

Khiyaamadu galmo uun ma aha ee waxa ay ka soo bilabantaa in aad ku fikirto (maskaxdaada ku soo dhacdo), dabadeed ku Hammido (samayntiisa), hadana aad go’aansato in aad ku dhaqaaqdo (rabitaan), (go’aan), ugu danbayntiina aad ficil u bedesho. Marxaladda u horreysa waa la xakamayn

 karaa wana laga noqon koraa. Sidaa daraadeed, qofka caqliga badani waa in uu xakamaynta nafiisa bilaabaa marka u horreysa ee ay niyaddiisa ku soo dhacdo.

 Ahmed Ali Diriye

Mob. Phone: +252 63 346 44 47

Facebook: Ahmed Ali Diriye

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories