HomeXalka Saami-Qaybsiga Kuraasta Wakiilada – W/Q: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

Xalka Saami-Qaybsiga Kuraasta Wakiilada – W/Q: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

XamdiDoodda saami qaybsiga ayaa ah mida ugu weyn ee Somaliland wakhtigan haysata, caqabadna ku noqon kara hanaanka diimuqraadiyadeed ee bilaabmay 2001 dibna ugu celin kara nidaamkii beeleed.

Mushkilada salkeedu wuxuu yahay is dhex galka dhaqanka iyo siyaasada, oo dhinaca dhaqanka markaynu ka eegno beel kastaaba waxay kuraasta baarlamaanka u aragtaa mid ka turjumaysa cududeeda iyo sharafteeda isla markaana noqonaya waxay ku faanto beeshaasi, oo haddi ay kuraasi yar hesho amaba ay waydo waxay beeshaasi isku arkaysaa mid aan waxbaba ku lahayn Somaliland, maadaama cid iyaga ahi aanuu meesha ugu jirin.

Halka nidaamka dawladnimo uu xildhibaanada u arko inay yihiin kuwo lagu soo doorto mabaadii iyo afkaarta ay xambaarsan yihiin, oo ma jirto beel guulaysanaysa iyo beel guul darraysanaysa, balse waxa jiraaya fikrad guulaysanaysa iyo mid guuldarraysanaysa oo ay shacabku diidaayaan.

Markaa caqabada ugu horraysa ee ugu weyn ee ina hor taalla waxay tahay, Ma reero ayeynu tartansiinaa mise afkaar iyo mabaadii?

Maadaama aynu ognahay dabeeceena soomaaliyeed ee saldhig u yahay faanka iyo isla-weynida ku salaysan qabiilka iyo reernimada, sidaa daraadeed way adag tahay in aynu reer ka dhaadhicino (waad tiro yar tahay) ama waxaad tahay laan gaab, sidaa awgeed tartansiinta qabaayilku wuxuu u eekaanayaa dagaal sokeeye oo lagu dagaalamayo warqad halkii lagu dagaalami lahaa xabad.

Sidaa awgeed waxaan soo jeedinayaa in lagu soo noqdo nidaamkii dawladeed ee aynu qaadanay ama in aynu ka run sheegno nidaamka reereed oo aynu iska dayno muuqaalada beenta ah ee dawladnimada, anigu shakhsiyanna waxaan jecelahay ka hore, maadaama uu yahay ka inoogu haboon aragtidayda.

Xalka aan hayaa wuxuu yahay, in doorashada wakiilada lagu galo hal liisto oo qudha oo ka dhaxaysa dhamaan Somaliland oo ay Somaliland oo dhami noqoto hal degmo-doorasho (constituency) oo musharaxiinta aan gobolo loo kala saarin, oo murashax walba looga codayn karo meel kasta oo Somaliland ah, tusaale ahaan: qofka ka sharaxan Hargeysa looga codayn karo ceerigaabo iyo meel kastaaba oo sanduuq codayni yaallo.

Waxa sidoo kale taasi la raacinayaa in qofka ku guulaysanaaya doorashada uu noqdo murashaxa gobal kastaaa ka hela boqolkiiba 20%, si aanay doorashadu u noqon mid ay ku tartamaan reero, taasoo u eeg habka axsaabta loo kala saaray, oo reer cayimani inta badan wuxuu awood ku leeyahay gobol kaliya ama lababa, laakiin haddii uu shardi noqdo inuu Somaliland oo dhan murashaxu uu cod ka helo waxa xaqiiq ah inuu inoo qabsoomaayo tartan ka korran qabyaalad oo ku salaysan afkaar iyo mabaadii, taasoo uu ka dhalanaayo baarlaaan Somaliland hormar gaadhsiiya, iyadoo ay muhiim tahayna in la adkeeyo shuruudaha murashaxiinta si ay marka horeba tartanka u soo galaan dad xul ah.

Arrintani beelna ka cadhaysiin mayso, cid gaaar ahna ka farxin mayso, ee kaliya culayska kaliya ee ay leedahay waxay tahay daabacaada waraaqaha ay ku qoran yihiin 246 murashax ee Somaliland oo dhan ka tartamaaya ee la dhigaayo goob kasta oo doorasho iyo culayska wacyigalinta muwaadiniinta ee kala saarista astaamaha murashaxiinta.

Ugu dambayn is ma lihi fikradan fudud waa ay madaxtooyadu garan wayday, ama ay saddexda xisbi siyaasadeed ee dalku curin karin waayeen, ama labada aqal ee sharci dajin (wakiilada+guurtidu) ay soo bandhi kari waayeen, balse waxaan hubaa inay dhamaantood fahansan yihiin xalkan fudud, haddii aanay aqoontoodu gaadhsiisnayna inay xalkan fudud curiyaan waxaan aaminsanahay inay masiibo weyn ay tahay inay xilka fadhiyaan, shacabkana ay arrintaasi fadeexad ku tahay.

Iyadoo xalalkani jiro iyo xalal kale oo badan oo wanaaga aynu ku gaadhi karno, waa arrin aad looga xumaado inay Somaliland jarato tikidhka diyaarada gaynaaya qaran duminta, diyaaradaasi oo ku socota xawaaro aan la qiyaasi karin.

Waan ogahay in Somaliland dhaaftay marxaladii talooyinka la soo jeedinaayay oo ay marayso marxaladii ducada loo badin lahaa in Ilaahay madaxdeena iyo shacabkeenaba garansiiyo dantooda aduunyo iyo mid aakhiro, laakiin kaliya waxaan iska ridaayay waajib aan is idhi aqoonyahan ahaan waa mid xil kaa saaran yahay ummadaada inaad fikirka la wadaagtid.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories