HomeXalka Lagu Furdaamin Karo Doorasho Somaliland Ka Dhacda March 2019

Xalka Lagu Furdaamin Karo Doorasho Somaliland Ka Dhacda March 2019

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tan iyo Aasaaskii qaranimada somaliland 1991 somaliland waxyaabaha lagu majiirto waxa kow ka ah nabadgalyo taama oo ka hirgashay dhamaan gobolada ay ka kooban tahay jamhuuriiyadda somaliland;  waxaana kaalinta labaad ku jirtay qabsoomida doorashooyin ku dhisan nidaamka dimurqaadiga ee hal qof iyo hal cod (one man one vote election) iyadoo oo ay soomaliland ka qabsoomeen doorashooyin kala duwan kuwaas oo dhacay wakhtiyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen doorashooyinkii dhacay 2003,2005,2010,2012,2017, kuwaas oo dhamaantood ku dhacay jawi nabadgalyo islmarkaana ay u riyaaqeen dhamaan goob joogayaashii caalamiga ahaa ee dusha kala socdey qaabkii ay u dhacayeen doorashooyinkaasi , inkasta oo aaney somaliland kasban natiijadii ka dhalan laheyd in somaliland lagu abaal mariyo ka dib doorashooyinkaasi sida nabadgalyada ah u dhacay haddana waxay somaliland u saamaxeen in beesha caalamku aaney indhaha ka qarsan xaqooyinka ka jira somaliland ee nabadgalyo , dhaqaale,aqooneed iyo dhaqdhaqaaqyada gacansi ee ka socda somaliland

musharax AxmedSi kasta ha ahaatee , iyada oo ay jireen caqabado dastuuri ah oo wakhtiyada qaar keenay in dib u dhac ku yimaado doorashooyinka wakhtigooda ; haddana marna may dhicin in khilaaf soo kala waajaha asxaabta qaranka awgii ay doorashadu dib ugu dhacdo wakhti dheer waxaana iman jirey isu tanaasul dhinacyada asxaabta ah ama go’aan madaxweyne oo xal lagaga gaadho qabsoomida doorashooyinka , mudane Daahir Dayaale Kaahin ayaa noqdey madaxweynihii ugu doorasho qabashada badnaa intii uu hayey hogaanka dalka  isaga oo qabtay doorashooyinkii 2003,2005,2010 iyada oo doorashadii u danbeysayna aheyd tii lagaga guuleystay isaga oo si  niyad sami ah ugu wareejiyey Madaxweynihii dhawaan tallada ka degan Ahmed Maxamed maxamuud (siilaanyo) iyada oo arrinta mucjisada ahi noqotey sidii uu aqbaley natiijadii ka dhalatay doorashada  oo aheyd mid dalalka afrika naadir ku ah

Si kastaba ha ahaatee, waxaan qormadaydan ku soo gudbin doonaa xalka lagu furdaamin karo doorashooyin somaliland ka dhaca march 2019 haddii Eebe ogolaado  waxaana ka mid noqon kara:-

  1. In madaxweynaha Somaliland mudane Muuse biixi cabdi oo qodob dastuuri ah siiyey kala dirista KDQ uu kala diro Guddida KDQ si la mid ah talaabadii uu qaadey madaxweynihii hore ee somaliland Mudane Daahir Rayaale kaahin , ka dibna madaxweynaha iyo Asxaabta qaranku si dhakhso ah u soo magacabaan xubnihii badali lahaa guddidaasi
  2. In xubnaha Guddida doorashooyinka qaranku ay dantooda gaar ka ah ka horeysiiyaan danta qaranka oo xilalka iska casilaan iyagoo u tudhaya danta mushtamaca maadaama oo asxaabta badidoodu aaney kaslooni buuxda ku qabin doorasho ay dhex u yihiin GDQ ee wakhti xaadirkan jooga , si ay xal ugu noqoto doorasho dalka ka qabsoonta
  3. In asxaabta qaranku gaar ahaan mucaaradku soo badashaan xubnahooda kaga jira GDQ, si ay xal ugu noqoto qabsoomida doorashada , inkasta oo xubnaha GDQ yihiin xubno dhaarsan oo ah garsoorayaal dhex u ah asxaabta qaranka haddana waxa asxaabta qaranku ku kala badan yihiin soo xulista xubnaha komishanka oo ka kala yimaada madaxweynaha 2 xubnood, guurtida 2 , iyo asxaabta oo mid mid  ( 3 xubnood)soo magacowda .

 

Qalinkii: Musharax Axmed Max’ed Cisman Caalin

Caalin178@gmail.com

Hargeisa somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories