HomeXalinta Khilaafaadka Isku-Dhaca Iyo Wada-Xaajoodka - Qaybta 1aad

Xalinta Khilaafaadka Isku-Dhaca Iyo Wada-Xaajoodka – Qaybta 1aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 blankSomaliland waa dad hodan ku ah hiddo samida dhaqan suuban iyo garsoor wanaagsan oo ay ku dheehan yihiin, gobbanimo, is-jidmarin, is-xaalmarin, isudulqaadasho, is-dhaahin iyo wada-noolaansho nololeed oo wanaagsan,  sidaa awgeed waxa aynu halkan ku lafa-guridoonaa taxanaha qormadeenan murtida badan xanbaarsan ee gar xeer-beegti iyo xeerarkeenii ku saabsanaa garnaqsiga dhaqankeena  iyo xeerarkii lagu dabaqi jiray marka ay yimaadaan dhibaatooyin isqabsi ee u baahda in xal loo helo lagu kala saaro dadka ay dhibaatooyinku dhex-maraan.

 

Waxaana  la yidhaahdaa garnaqsi, isla-markaana waxa loo saaraa guddi-dhaqameed loo yaqaan xeer-beegti, kuwaasoo u cuskada gar-qaadkooda iyagoo ku dabaqaaya garahaasi hadba xeerarka uga yaala beelaha ama qabaa’ilka, waxaana jirta cid gaysata iyo cid xalisa.

 

Waxa aynu ognahay in ummad kasta oo ku nool dunida guudkeeda ay leeyihiin qaabab iyo xeerar ay u maraan marka ay soo wajahdo xaalad dhalisa khilaaf iyo  iska-horimaad, laakiinse, marka loo eego keena ayaa ka wanaagsan 100%  shuruucda iyo qawaaniinta ay dunida casriga sheegataa maanta ay ku dhaqanto, sababtoo ah maanta kuma arkaysid cid isu garaabaysa, cid is-garmarinaysa iyo cid garanaysa gartii xeerbeegti ee lagu kala bixi jiray, inkastoo, haddana maanta aanay jirin guurtidii xeerbeegti ahayd ee dadka ku kala hagoogan jirtay marka ay xaajo murugto ee arrimuhu dhab-qaan.

 

Dhinaca suugaantana waxa aynu hodan ku lahayn  balaaqada murtida suugaaneed oo loo istcimaali jiray garaha iyo noocyada garaha ah ee lagu dhaqmi jiray, jidka ka horeeya garta, cadaymaha lagu kala gar helo, sida loo kala gar helo, xeerarka, xeer-ciqaabeedka iyo kuwa xeerka jebiya sida laga yeelaayo.

 

Marka laga hadlayo gar xeer-beegti ereyada loo isticmaalo waxa ka mid ah, gar-muslax, gar-cadaawe, Gar-jid, Gar-xeer, Gar-igmasho, Gar-gudoon, Gar-jillaad, Gar-booli, Gar-samatalis, Gar-hadimo talis, Maah-maah, Murti, Didiif (dedafayn),  Jid-bixin iyo  Jid-bixiye.

 

Guddiga xeerbeegti ee garta qaadaysaa waa kuwo yaqaan waxa ay ka garnaqayaan iyo waxa ay ku dhamaanayso, haddii ay muslax tahay iyo haddii gar cadaawe tahayba, waxaase jiray oo la odhan jiray Samatalis iyo Hadimo talis, taasoo ahayd laba calaamadood ee lagu kala sooci jiray ragga had iyo goor garaha gala, kuwaas oo u qaybsami jiray nin daacad ah oo la odhan jiray waa Samatalis iyo nin aan daacad ahayn oo la odhan jiray Hadimotalis.

Garta hadii la feeniyo ama la Axalo-cunsiiyo cidda garnaqaysaa wax ambiil (Racfaan) ah lagama qaadan karo, taasina waxa weeye garta adag ee loo yaqaan gar-cadaawe.

Qofku waxa uu yaqaanay sida uu ku gar helayo iyo inay gari meesha ugu jirto iyo inkale, waxaana dhici jirtay in la kala gar-helo, iyadoo ay gartu noqon jirtay gar-cadaaladeed iyo gar-eexo, haddii qofka uu gardiid noqdo dhaqanka iyo xeerka ceebbay ku ahaan jirtay,  haddii laga gar helona garawshiinyo ayuu ka bixin jiray, haddii kalese waxa ay ku noqon jirtay inuu qaato gun-nimo, laakiin ninku wuu gar-qaadan jiray, taasina waxay qayb ka ahayd hiddosamida dhaqanka iyo gobanimada dadka reer Somaliland uu lahaan jiray.

 

Inkastoo cidda garta naqaysaa xataa haddii ay si cadaalad ah garta u qaadaan,  cidda garta laga helay ma’gafto waa layga eexday iyo waxba layma waydiin, sidaa darteed cidkastaaba haka cabatee cidda gartaqaadaysaa, waxa mar walba looga baahan yahay cadaalad iyo inay garta aad uga baaraan-degaan, iskana hubiyaan wixii ay cadaalad xumo ugaga iman karto.

 

Dhinacyada kale ee garnaqsanayaana waxa mar walba looga baahan yahay inay gartooda banaanka ku soo akhristaan oo ay qolo waliba dhinaceeda si fiican u ogaato cidda ay is-hayaan waxa ay xaq ugu leeyihiin iyo waxa dheeraadka ku ah ee ay sitaan, waayo,  waxa fiican inta aad banaanka joogto ee aaddan golaha iman inaad gartaada soo akhrisato, maxaad gar u leedahay, maxaadanse gar u lahayn,  waa inaad talo ku dartaa oo aanad galin marka aad aragto in lagaa gar helayo si aanad ugu ceeboobin, haddii aad gar darran tahay aad garawsato, waxa ay  Soomaalidu tidhaahdaa “Nin aan garaw baranini gar ma barran”.

La soco,,,,

 

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories