HomeXaglatoosiye Oo Lafdhuungashay Ku Noqday Cali Khaliif iyo Weedhaha Uu Ku Duray

Xaglatoosiye Oo Lafdhuungashay Ku Noqday Cali Khaliif iyo Weedhaha Uu Ku Duray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Buuhoodle (SLpost)-Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-Toosiye ayaa luuqad adag kula haday Cali Khaliif Galaydh isaga oo sheegay in dadka deegaanka uu u diray inuu si nabad ah kaga baxo dhulka Somaliland.

Xaglatoosiya oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi ‘‘Buuhoodle waan joogaa waxaan u imid in aan reer Buuhoodle u sheego oo ku wacyigeliyo in ninkan dabka la wareegaya (cali khaliif) uu si nabad ah uga tago oo ay ka shaqeeyaan inuu si nabad ah uga baxo dalka, arintaa waxgaradka waa ka wada hadalnay waana ku maqan yihiin, waana lama huraan in dadka reer Buuhoodle oo ah dad aad iyo aad u caqli badan ay fahmaan dhibka uu la wareegayo oo ku khasbaan inuu Cali magaalada ka baxo. Somaliland waxay jeceshahay oo aad u qiimaynaysaa in aan dhib iyo colaadi ka dhicin meesha, sababta aan halkan u imidna waa amar Madaxweyne oo ah inaan wax dhib ah ka dhicin magaaladan (Buuhoodle), wasiirku waxa uu intaa raaciyey hadafka cadaawadu ku dheehan tahay ee Cali khaliif iyo xubnaha la socda ee xamar kala yimid ay ku waxyeelaynayaan nabadda Buuhoodle iyo guud ahaanba nabadda Somaliland ‘’Cali Khaliif waxa uu doonayaa in meeshan colaadi ka dhacdo oo dhiig ku daato, taasna aniga iyo dawlada Somaliland iyo shacabka Buuhoodle midna diyaar uma aha, joogitaankayga halkana waxaa ugu muhiimsan in aan kashifno oo aan waxba ka suurtogelin ololaha beenta iyo xaaraanta ah ee uu Cali khaliif halkan ka wado waana sii joogayaa insha allaahu’’.

Dhanka kalena Wasiirka caafimaadku waxa uu tilmaan ka bixiyey xaalada nabadgelyo ee deegaankaasi ku sugan yahay iyo mowqifka Dawlada Somaliland ee ku aadan ilaalinta ammaanka gobolkaasi iyo guud ahaanba dalka waxana isagoo arintaa sharaxaad ka bixinaya wasiirka hadaladiisii ka mid ahaa: ‘‘Buuhoodle nabad baa xiligan ka jirta, colaadii way ka baxeen, Somaliland waxay diyaar u tahay in ay nabadaa koriso, weynayso oo ilaaliso, dhib dambana aanu ka dhicin, laakiin ragga Xamar laga soo diray ee doonaya nabadda Somaliland inay dhaawacaan iyo cidda la shaqaynaysa meel kastaba ha joogtee hadaanu xukuumadda Somaliland nahay midna ka yeeli mayno inay dhib iyo colaad ka abaabulaan Buuhoodle, dadweynaha reer Buuhoodle-na diyaar uma aha inay dib ugu noqdaan colaadii iyo mugdigii’’.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories