Home“Xagga Qurba-joogta ayaa Somaliland laga haystaa eh, ha loo badiyo waanada iyo...

“Xagga Qurba-joogta ayaa Somaliland laga haystaa eh, ha loo badiyo waanada iyo wax-u-heegga Xaaji Cabdaw! Saw kuwaa xeego baraf ku dheelay Golihii Wakiillada ee…” – Maxamed Siciid Gees

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dharaaro Xusuustood (Q.19aad)

 “WHEN GOING GETS TOUGH, THE TOUGH GET GOING”

“MARKA GEEDIGU ADKAADO, KUWA ADAG BAA WADA”

Marxuun Cigaal ayaa sannadkii 1995-kii ee iska horyimaad ay daba ka riixayso UNISOM iyo Wallaweyntu iyo dal jaar ahi ay ka dhacayeen dalka, waxa uu martiqaaday marxuun qurbo-joog ah oo ay isku waqti ahaayeen oo Hargeysa booqasho ku yimid.

Mohamed Saeed Gees, Executive DirectorMarxuunkii ayuu ka codsaday inuu ku soo daro hawsha dalka oo xukuumadda ka mid noqdo. Marxuunkii waa uu ka cudur-daartay xilkii oo ku yidhi; “Waqtigan Daydaygu meel kasta joogoo xil ma qaban karo oo lama shaqayn karo.” Waxa Marxuun Cigaal ugu jawaabay, “Hebelaw maanta ayaa laguu baahan yahay oo dalka iyo dadku kuu baahan yihiin ee waxa loo baahan yahay cid waayo-aragnimo leh sidaada oo wax u sheegta dhalinta oo wax u dhista. Marka ay dhisanto ee dhalliyaradu wax barato ee dalku dawladoobo cidi kuuma baahna oo ajnebi ayaa xitaa u soo shaqa tegi doona.” Sidii ayey ku kala tageen saaxiibkii.

Maanta wax aan arkaa Hindi, Pakistan, Yamani, Indhayar, Khawaajayaal iyo Afrikan u soo xoogsi tegay Somaliland-tii laga baxsanayey. Dad kooban oo Rag iyo Dumar leh oo ku kalsoon Dadweynahooda iyo Dalkooda ayaa u dhabar-adaygay dhibaatadii oo ka midhadhaliyey oo waataa dalkii istaagay oo tabaagalay.

Dhalintii Daydayga lagu sheegayeyna waa kuwaa garbaha derajada ku sita ee qoorta casaystay ee diyaarka u ah hadh iyo habeen nabadgelyada iyo dadka iyo difaaca dalka oo carruurtoodii jaamacadaha dhammaysatay ama ku jirto. Halka Kumayaal Yamyam iyo Khawaajayaal ihi ay labaataneeyo sanno iyo dheeraad Soomaaliya waxba ka tariwaayeen nabaddeeda.

Nin Dawladda Maraykan u ahaan jiray Xeer-illaaliyaha Guud waqtigii Madaxweynaha uu ahaa Richard Nixon ee fadeexaddii Watergate dhacday oo Dadkii loo haysatay ka mid ahaa, ayaa laga hayaa hadal-hays caan noqday oo uu soo xigtay, kaas oo ahaa; “When going gets tough, the tough get going.” Oo macnaheedu noqonayo, “Marka geedigu adkaado, kuwa adag baa wada.”

Markii Marxuun Cigaal allayastay ayaa waxa Waddanka yimi Wefdi ka soo kicitimay Xamar oo uu hoggaaminayey Marxuun Maxamed Sheekh Cismaan oo xilal badan oo Wasiirnimo ah ka soo qabtay Dawladdii Askarta. Wafdigaas oo rabay inay jinaasada ka soo qaybgalaan, hase yeeshee dib uga dhacay oo markii dembe la dejiyey Hargeysa Club Hotel.

Weftigaas waxa la fadhiistay Guddi Guurtida ah oo uu ka mid ahaa Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe), kaas oo wefdigii ula kala baxay aftahanimadiisii lagu yaqiin oo ku eedeeyey burburkii dalka iyo waxa ay u geysteen Somaliland iyo waxa ay ka sameeyeen koonfur iyo hadda waxa ka socda; dhibtii oo dhan ayuu madax ka saaray oo u xambaarshay Wallaweynta.

Waxa wefdiga ka mid ahaa xubno reer Baydhabo ah, kadibna mid kamid ah ayaa u jawaabay Xaaji Cabdi oo ku yidhi isaga oo sheeko ka sheekeeyey, “Annagu reer Baydhabo ayaanu nahay, haddii cidi naga bukooto ama wax gaadhaan Qur’aan ayaanu saarnaa oo lagu akhriyaa. Haddaba waxa dhacday in nin dhallinyaro ihi uu haruur ka dhergay, deeto calooshii istaagtay oo saxaradii ku joogsatay. Waxa la yidhi Qur’aan ha la saaro oo wadaad ayaa loo keenay. Markuu wadaadkii doonay inuu Qur’aankii ku akhriyo, ayaa ninkii la hadlay oo ku yidhi wadaadkii, Qur’aanka akhrigiisa xagga danbe u badi, xagaas ayaa la iga hayaaye. Sidaa darteed Xaaji Cabdow canaanta ku badi xagga qolada Hawiye xaggaas ayaa nalaka hayaaye.”

Haddaba Xagga Qurba-joogta ayaa Somaliland laga haystaa eh, ha loo badiyo waanada iyo wax-u-heegga Xaaji Cabdaw! Saw kuwaa xeego baraf (Ice Hockey) ku dheelay Golihii Wakiillada ee aanay waxba kala socon sidii lagu soo ulkamay iyo geediga dheer ee loo soo maray.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories