HomeXageed ku Socotaa? Bal Miisaan Maalmaha Nolosha ee Isguraya

Xageed ku Socotaa? Bal Miisaan Maalmaha Nolosha ee Isguraya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Illaahay waa qani, danbi dhaafe adoomaha naxariista wada gaadhsiiya. Waxa maalmuhu i bareen in Alle qofka sida uu jecel yahay ama haabka uu ku hayo uun Alle arsaaqada u soomariyo, haddaad xalaasha jeceshay sidaas uun filo, haddise aad raacdo ugu jirto meel dhac-dhac le, wax u dhaw filo. ‘Nin baahan nin buka badhax looguma dhiibo’, waxa ay daaran tahay sheekada sawirka, qofku marka inta badan xil loo dhiibo Jinbaa galla iyo cabsi xilka haddii lagaa qaado hageed qaban, tani waxa ay dadka qaar gayaysiisaa in darka uu leefo, waxna uu u cuno siddii oo aan bari arsaaqadi jirin. Intaa waxa raaca noloshu waa imtixaan sida Alle ku yidhi suuratul Cankabuut/Caarada, Aayada 2: ‘Dadku ma waxa ay moodayaan in lagu dhaafayo rumaynta oo aan la tijaabinayn, waa aanu tijaabinay kuwii idinka horeeyay, wuu ogaanayaa Alle kuwa ay ka dhab tahay iyo beenaalayashaba.’ Arrinku waa imtixaan iyo hubsasho, haddaba dharaga iyo baahiduba waa laba imtixaan oo kala duwan oo dadka oo dhami ay ku jiraan imikaba, bal fiiri keebaad ku jirtaa adigu, ka bacdina xisaabtaada iyo waxa ku mashquuliya u eeg sidii oo aad bari ka tagayso adduunyada, iyo waxa aad jeceshay in dadku ay ka sheekaystaan marka lagu bud-dhigo, waxa kuu soo bixi doona ahdaaf nololeed oo ka qiimo iyo aragti dheer jihada aad hadda u socoto. Qor liista sifooyinka aad jeceshahay in dadku dhimashaada dabadeed kugu xanto, u badal u jeedooyin sugan, ka bacdi isku day in aad kuwaa culayska saarto maalmaha guclada ku jira.

Tusaale ahaan shaqo la’aantu waa imtixaan dhalinta sabanku ay wajahayaa, laakiin kuwa shaqeeya iyo kuwa aad fursad shaqo haynba waxa aan kula talin lahaa in ay ku buuxiyaan firaaqada ay haystaan barashada diinta oo aad Kitaab Quraanka ee mudada dheer ku agyaala aad fahamto, markaa bilaw in aad xeraw noqoto oo aad tafsiirka raacato, haddii aanad Af-carabiga ku fiicnayn, bilaw kooras sanada oo Carabiya, barashada Carabigu waa luqad caalamiya marka koowaad mar labaadna waxa ay kuu sahlisaa barashada diinta. Kitaabka Alle fahamkiisu waxa uu ku furi doonaa nolol cusub, fahamka xikmada nolosha iyo fariintii Alle oo koobsanisa dhamaan dhinacyada nolosha ee Ibnu Adamka oo ay ka mid tahay dhaqaalaha, siyaasada, sharciga, horumarka iyo akhlaaq dhamaystiran, waxa aanad arki doontaa adiga oo mudo yar gudahood firfircoonaaday horumarna sameeyay.

Mabaadii’da Quraanku uu tartiib tartiibta u dhigay isku day in aad fahamto dhamaantood, maxaa yeeelay dadka imika diinta bartaa waa dad aan aqoon kale lahayn markaa adigu waxa aad dheer tahay wixii aad hore u baratay, ku xigsii barasha sunnada Rasuulkeena (CSW) oo ah in aad kitaabka Bukhaari aad bilawdo ama kutubta kale ee u dhiganta, si aad u fahamto fulintii waxyiga Alle oo uu hogaaminayo nabi Muhamed (CSW). Jidkani ma dheera oo haddii aad Digriiga Jaamacada afar sano kugu qaadatay kaba yar, waana bilaash barashada cilmiga samaawigu inta badan. Waxa jira dad badan oo aanu saaxiibo nahay oo ka hela in aan u sheego buugaagta faraha badan iyo tabobada shaqo ee aan warkooda hayo oo si niyad samaana u dhageeysta markaa aan fikir u sheego, haddii aan dhaho buugaa anaa hayana jeclaysta in aan u soodiro. Laakiin marka Kitaabka Alle lagu waaniyo yar jeesta, markaa haddii aad yara jeedsato, xasuuso cadawgaaga oo ah Iblays iyo ardaydiisa oo jecel in ay kugu shaqaystaan jarna kaa tuuraan aakhiritaan ka, sida Alle inoo sheegay.

Nin dhalin yaro ah oo reer miyiya ayaa bari hore lagu wacdiyay in uu tukado, markaas buu yidhi waxa iman doonta mar aan wax kale aanan qaban doonin oo u uga jeedo, wali waxa aan ahay nin dhalin yaro ah oo waxa aan sugayaa inta aan gaboobayo iyo tusbaxa. Ha noqon kan oo kale, geedka waxa la toosin karaa inta uu yar yahay laakiin haddii uu qalooc ku jiridaysto waa ay adkaanisaa in la toosiyaa mustaqbalka. Midkiin waxa uu odhan anigu waxa aan ahay Siyaasi markaa, intaa fajiban iska eegayaa oo haddii aan tafsiirka bilaabo saw ciyaartu dhamaan maysto inta aan ku jeedo, haddii uu sidan kugu dhigo Shaydaanku, waxa laga yidhi adigu ma hubtaa in aad wax wado ileen isteerinka Alla kuu hayee, halkan iyo guushana isaga kugu simay.

Ugu danbayntii wakhtigu waa ordayaa, wax aad cuntana waayi maysid, ama dharagsanaw ama waayuhu dabada ha ku yar hayo, waxa aan leeyahay waa la doogiye yaan la dacaroon, nolosha wakhtigeedu waa yar tahay ugu badnaan intaa aad si fiican u shaqayn kartaa haddan badiyo waa 65 sano, waxii intaa ka danbaysa haddiba aad noolaato dhan walba waad ka naafoobisaa inta aan raqdaada god lagu ridin. Markaa iska reeb xasuus mudan, xakamee naftaada, taageer dadka jilicsan, dadkana khayrka far, wanaaga ka shaqee, guushuna waa hortaada iyo hareerahaga In Shaa Allah.

Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

Senior Advisor and Lecturer

+ 252 (0)634418302

hhmadaxyare@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories