HomeXaflad Lagu Maamuusay Ardayda ILAYS oo Kaalmaha ugu Horreeya ka Galay Imtixaanka...

Xaflad Lagu Maamuusay Ardayda ILAYS oo Kaalmaha ugu Horreeya ka Galay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Dhexe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dugsiyada Dhexe ee Ileys oo lix arday ku yeeshay 20-ka arday ee ugu sarreeyey dalka oo dhan

Hargeysa (SLpost)- Xaflad lagu fooladaynayey ardayda wax ka barta dugsiyada hoose/dhexe gaarka loo leeyahay ILAYS oo ka mid noqday 20-ka arday ee ugu sarreeyey imtixaanka shahaadiga sannad-dugsiyeedka 2013/2014 ee dugsiyada dhexe ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu dhawaaqay shalay, ayaa lagu qabtay hudheelka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa xalay.

Xafaddan oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ee ILAYS oo ku kala yaal daafaha caasimadda Hargeysa, waxa ka qaybgalay maamulka, macallimiinta iyo waalidiinta guusha weyn ka soo hooyey imtixaanaadka.

Xaflad Lagu Maamuusay Ardayda ILAYS oo Kaalmaha ugu Horreeya ka Galay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada DhexeArdeyda wax ka barta dugsiga hoose dhexe ee Ilays qaybihiisa New Hargeysa iyo Calaamadaha (Ilays Imaamu shaafici),  ayaa wacdaro ka muujiyey natiijada imtixaanaadka shahaadiga dugsiyada dhex ee dalka, kadib markii ay ku guuleysteen kaalinta kowaad iyo shan kaalmood oo kale labaatanka arday ee Somaliland oo dhan ugu sarreeyey.

Maamulaha Dugsiga Hoose/dhexe Ilays ee xaafadda New Hargeysa Mr. Maxamed Xuseen Muuse oo ugu horreyn munaasibaddaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalka weyn ee ay u galeen kor u qaadista tayada iyo waxbarashad ardeyda, “Marka kowaad waxaan u mahad-naqayaa Ilaahay, marka xigana macallimiinta hawsha dhinac ila qabtay, waaliidiinta iyo ardeyda laftooda. Waxaan sidoo kale aad ugu mahad-celinayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, gaar ahaan Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka gaar ahaan xafiiska imtixanadka” ayuu yidhi maamuluhu.

Sidoo kale, waxa munaasibaddaas ka hadlay Maamulaha Dugsiga Ilays ee Calaamadaha Mr. Cismaan Xaaji iyo sarkaal ka tirsan kormeerayaasha waxbarashada ee hay’dda Masno oo dhammaan dugsiyada Ilays hoos tagaan.

Ardayga kaalinta koowaad ka imtixaanka shahaadiga dugsiyada dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Maxamuud Xuseen Warsame, ayaa isaguna tilmaamay dareenkiisa iyo sida uu ugu faraxsan yahay guusha uu u soo hooyey natfiitsa, dugsigiisa iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee dugsiyada Ilays.

Waa sannadkii saddexaad ee ardayda dugsiyada dhexe iyo sare ee Ilays si xidhiidh ah ugu guulaystaan kaalmaha ugu sarreeya imtixaannaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dalka Somaliland.

Gebagebadii munaasibadda waxa shahaado-sharafyo gaar ah lagu maamuusay lixda arday ee guusha taariikhiga ah ka soo hooyey imtixaannaadka qaranka iyo waalidiintooda.

Halkan Hoose ka Daawo Maamulaha Dugsiga Dhexe ee Iley Primary School, New Hargeysa, Maxamed Xuseen oo ka dareen-celinaya guusha ay ka gaadheen natiijada Imtixaannaadka Fasallada 8aad ee Dugsiyada Hoose/Dhexe.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories