HomeXafiisyadii KULMIYE ee Woqooyiga Ameerika oo la xidhay, Hoggaanka Sare oo ka...

Xafiisyadii KULMIYE ee Woqooyiga Ameerika oo la xidhay, Hoggaanka Sare oo ka indha-saabtay Khilaafka jira iyo Is-casilaadda masuuliyiinta oo sii Tusbax furtay noqotay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Denver (SLpost)- Waxa gebi ahaanba albaabada loo laabay inta badan xafiisyadii uu Xisbiga Kulmiye ku lahaa Woqooyiga Ameerika, gaar ahaan labada dal ee Maraykanka iyo Canada, kaddib markii ay xilalkii iska casileen qaar ka mid ah masuuliyiintii ugu sarreysay ee hawlahaas u qaabilsanaa Xisbiga.

Waxa dhawaan xilalkii ay Xisbiga ugu qaabilsanaayeen dalka Maraykanka iska casilay lix ka mid ah masuuliyiintii ugu sarreysay oo ay ku jiraan Guddoomiyeyaashii Garabyada Haweenka & Dhalinyarada, Afhayeenkii xisbiga iyo tirada dhowr ka mid ah guddoomiyeyaasha xafiisyada uu xisbigu ku leeyahay gobollada Maraykanka, waxaana ilaa immika socda is-casilaadaha masuuliyiinta xisbiga ee gobollada dalkaas.

Go’aanka ay masuuliintani isu-casileen ayaa lagu sheegay khilaaf xooggan oo soo kala dhex-galay iyaga iyo hoggaanka sare ee Xisbiga oo ay ku eedeeyeen cadaalad-darro iyo maamul-xumo, sida ay shaaciyeen masuuliyiinta is-casilay oo warbaahinta ku shaaciyey go’aankooda todobaadkan.

Haddaba, waxa maanta isaguna xilkii uu hayey iska casilay oo warbaahinta la soo xidhiidhay masuul xisbiga Kulmiye u qaabilsan Abaabulka iyo Wacyi-gelinta gobollada Bari ee dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Warsame Xaaji Cabdi oo fadhigiisu yahay magaalada San Fransisco ee gobolka California.

dWarsame Xaaji Cabdi waxa uu masuuliyadda iyo khilaafka jira dusha ka saaray hoggaanka ugu sarreeya ee Xisbiga Kulmiye oo uu ku dhaliilay inay ka indho-saabteen khilaafka jira isla markaana waxba laga qaban waayey, taasina ku kalliftay inuu iska casilo xilkii uu xisbiga ka hayey.

“Anigoo ah Warsame Xaaji Cabdi ahna guddoomiyaha Abaabulka iyo Wacyigelinta ee gobollada Bariga Maraykanka, waxaan halkan ka shaacinayaa inaan iska casilay xilkii aan u hayey xisbiga oo aan muddo badan ka soo shaqaynayey, xubnaha ugu firfircoonna ka ahaa.

Maanta Kulmiye faro madhan buu ka joogaa Maraykan, sababtoo ah waxa xumaaday maamulkayagii sare ee xaggan (Maraykan) oo lagu soo koobay laba wiil oo Siilaanyo adeer u yahay. Waxaan odhan karaa maanta waxa kaliya oo Furan laba xafiis oo ka kala furan Minesotta oo Maraykan ah iyo Toronto oo Canada ah, waxaana labadaas xafiis awooddooda ku takri fala dhaqaalihiisana qaata labadaas nin oo lagu kala magacaabo Cali Salaad iyo Mustafe Cabdi Cartan.

Si xalka dhibaatada aan uga qayb qaato, waxaan la xidhiidhay baaqyona u diray madaxda sare ee Xisbiga, laakiinse waa layga dhaga-furaystay, dhawaaqaygana waa la maqli waayey, runtiina taasaa igu kaliftay inaan aniguna iska casilo xilkii aan hayay, waayo maba jirto meelaan ku hadho iyo maamul aan ka sii tirsanaado, waayo immika waxa la xidhay oo aan shaqayn 17 xafiis oo raggii joogay badankoodu is-casileen qaarna ka cadhoodeen sida waxa loo wado.”

Si kasaba ha ahaatee, masuulkan ayaa noqonaya kii Lixaad ee muddo todobaad ah shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xisbiga Kulmiye laantiisa Woqooyiga Ameerika.

Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ayaan ilaa hadda ka hadal khilaafka kala jabiyey masuuliyiinta iyo taageerayaasha Woqooyiga Ameerika. Haseyeeshee mar aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiinno, nooma suurto-galin inaanu khadka telefoonka ku helo hoggaanka sare ee Xisbiga iyo shakhsiyaadka xisbiga uga wakiilka ah Maraykanka ee laga cawday.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories