HomeXafiiska Xisbiga UCID oo dib loo furay iyo Masuuliyiinta Xisbigaas ka tirsan...

Xafiiska Xisbiga UCID oo dib loo furay iyo Masuuliyiinta Xisbigaas ka tirsan oo dhaliilo huwiyay Xeer Ilaaliyaha Guud

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Xubno ka tirsan Guddida fullinta ee Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa shaaciyay in lagu wareejiyey Muftaaxii Xarunta guud ee Xisbiga, isla markaana dhammaanba Xafiisyadii  Xisbiga UCID ee dalka Somaliland dib loo wada furay.

blankMaxamed Xasan Kheyre (Shabaash), oo ka tirsan Xubnaha Xisbiga oo Shir jaraa´id ka hadlay ayaa sheegay in la wada furay Xafiisyadii Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelku ku lahaa Gobollada iyo degmooyinka dalka, isla markaana Muftaaxii xarunta dhexe lagu wareejiyey, hase yeeshee waxa uu sheegay in Xisbiga laga dhacay Lacag, taasoo uu sheegay in lagala baxay Bangiga dhexe iyo Xawaalada Mustaqbal ee magaalada Hargaysa, waxaanu tilmaamay in hantidaas uu amray la bixitaankeeda Aadan Mirre Waqaf. “Halkani waa Xafiiskii Xisbiga UCID oo muddaba uu Gilgil iyo Xadhig ku socday oo maanta (shalay) Muftaaxii nalagu wareejiyey waa Illaahay mahadii, ta labaad waxaanu doonaynaa inaanu ka hadalno laba qodob oo muhiima Xafiiska waxa ka maqan Saddex iyo Soddon Milyan oo Bangiga dhexe yaallay iyo Toddoba Kun oo Doollar oo lagala baxay Xawaalada Mustaqbal, waxaanu haynaa cadaymo muujinaya in Lacagtaas isku wakhti lala baxay oo taariikhdu ahayd 17-kii bishan aynu ku jirno. arrintaas waxaanu la socod-siinay Ciidanka Booliska si wanaagsan ayey noola hadleen waxay nagu yidhaahdeen Xeer ilaaliyaha qaranka u taga, markaa Hantidadaasi waa mid Qaran oo Xisbi qaran ayey ka maqan tahay, waana Hanti ay Ummadi leedahay markaa Afar xubnood oo fullinta ah iyo Guddoomiyaha waxaanu u tagnay Xeer ilaaliyaha oo aanu tusnay Waraaqa muujjinaya in Laanta bangiga dhexe lagala baxay Saddex iyo Soddon Milyan iyo Toddoba Kun Doollar oo lagala baxay Xawaalada Mustaqbal. Hantidaas waxay ku baxday amarka Aadan Mirre Waqaf oo saxeexiisa isticmaalay. waxooggaa markii aanu Xafiiska xeer ilaaliyaha fadhinay ayuu soo galay Xeer ilaaliyihii halkii aanu ka filaynay inuu na soo dhaweeyo oo aanu arrintayada u sheegano ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe maxaa Xafiiskayga keenay, isagoo taagan ayuu yidhi Guddidii fullinta warqad ka soo qora, waxaanu ku nidhi Gudidaas ninkaas Aadan Mirre Waqaf ayaa watay ee Go´aankii Maxkamadda miyaanad aqoonsanayn dabadeedna waxa uu Guddoomiyihii ugu jawaabay ku Meel-gaadh ayaan kuu aqoonsanahay,markaa waxa uu ka mid yahay ragga nagu haysta Xisbiga.” ayuu yidhi  Maxamed Xasan Kheyre (Shabaash)

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Xuseen Badmaax oo ka mida Guddida fullinta ee Xisbiga UCID, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa maanta furmay Xafiisyadii Xisbiga Caddaalada iyo daryeelka ee UCID ee dalka oo dhan, waxaan u mahad celinayaa Shantii Xaakin ee Cadaalada ku adimay ee Maxkamadda sarre. waxa la yaab ah in Toddobadii xubnood ee Xisbiga ka baxay inay wali faro-gelin ku hayaan Xisbiga, iyagoo kaashanaya garabkii ay markii horeba isku halaynayeen, taasoo cadaynaysa hanjabaada uu Masuuliyiinta Xisbiga UCID uu kula kacay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranku, isagoon eegin shaqada uu Ummadda u hayaa waxay tahay

Waxa kale oo Shirka jaraa´id ka hadlay Maxamed Cali Madoobe (Jiir) oo isaguna sheegay inaanay Xukuumadda talada haysaa aanay gooni isu taaga Somaliland aanu dhab ka ahayn, isla markaana waxa uu Shacbiga reer Somaliland kula dardaarmay inay la socdaan qaddiyada jiritaankooda.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories