HomeXafiiska Dhalinyarada Urur-siyaasadeedka WADANI Ee Hargeysa Oo Maanta Si Rasmiya Xadhigga Looga...

Xafiiska Dhalinyarada Urur-siyaasadeedka WADANI Ee Hargeysa Oo Maanta Si Rasmiya Xadhigga Looga Jara

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 09 February, 2012 (SLpost)- Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI ahna guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro] ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiiska dhalinyarada ururka WADANI ee magaalada Hargeysa.

blankXafladda xadhigga lagaga jarayay xafiiskan cusub ee kulminaya dhalinyarada Ururka WADANI ee Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay guddoomiyaha iyo madax sar sare oo ka tirsan WADANI, dhalinyaro, haween iyo dad kale oo tiro badan.

blankGuddoomiyaha ururka WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro] oo xafladdaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku farax san yahayinuu ka soo qayb galo xafladda furitaanka xafiiska dhalinyarada ee Hargeysa; “Waxa aan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qayb galo xafiiskan aad idinku doorateen ee aad samaysareen ee aanu maanta idiin furayno, aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiinna inaad doorataan inaad ka mid noqotaan ururka WADANI.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro,

blankWaxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxaan mar kale ku faraxsanahay in furitaanka xafiiskani calaamad u yahay in dhalinyaragu goosatay inay ka qayb gasho talada dalka iyo hogaanka siyaasadda dhalinyarada Somaliland, waan idinku hamablyaynayaa.”

blank“Dadka illaa hadda caddeeyey inay musharixiin ka noqonayaan ururka WADANI waxay u badahn yihiin dhalinyaro, kuwaas oo isugu jira qaar hadda jaamacadda dhameeyey iyo kuwo sannadkii hore dhammeeyey. Waxaanu rajaynayaa in dhalinyaradaasi dhiig cusub iyo wax-qabad cusub ku soo kordhinayaan golaha deegaanka Hargeysa.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Waxa uu ku booriyey odoyaasha iyo siyaasiyiintii hore oo uu yidhi “Waxaan ku boorinayaa odoyaasha iyo siyaasiyiintii hore inaynu dhiirigelinayo dhalinyaradu ku biiraan siyaasadda, inaynu is-garab taagno, inanu wax la qabanno. Siyaasadda ururka WADANI waxa weeye inuu dhalinyarada is garab-taabo.”

blankWaxa isaguna halkaa ka hadlay Cabdalle Ciise Xasan oo ka mid ah hogaanka dhalinyarada xafiiska loo furay; “Waxa aan u mahdcelinayaa allaha inoo ogolaaaday inaynu maanta xadhiga ka jarno xafiiska dhalinyarada WADANI ee magaalada Hargeysa. Sida aad wada ogoon tihiin xafiiska keliya ee ka sarreeyaa waa ka gobolka Maroodi-jeex.” Ayuu yidhi Cabdalle, isaga oo tilmaamay in Cuddmmiyaha WADANI laf-dhabar u ahaa wax-ka-bedelkii xeerka dhalinyarada u ogolaanaya inay 25 jira ka qayb galaan doorashooyinka dawladaha hoose.

blankWaxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Kollay dhalinyaro ahaan waxaa inoo dan ah ciddii mustaqbalkeenna ka talinaysa maama oo aynu nahay jiil soo koraya, ciddaasina waa urur-siyaasadeedka WADANI oo aad uga cad cad xagga dhalinyarada.”

blankWaxa iyaguna halkaa hadlay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee ururka WADANI Shiine Idiris, Cabdillaahi Siciid Dheere, Najax Cabdillaahi iyo Cabdirisaaq Qawdhan Xasan oo dhammaantood tilmaamay inay ku faraxsan yihiin furitaanka xafiiska dhalinyarada ururka WADANI ee Hargetsa, isla markaana waxay sheegeen inay urur ahaan wax walba diyaar ula yihiin dhalinyarada.

SOMALILANDPOST NEWS

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories