HomeXadhiga Hubaal Lagu Riday, Ma Xaqbaa Mise Waa Xaq Daro? W/Q: C/RAXMAAN...

Xadhiga Hubaal Lagu Riday, Ma Xaqbaa Mise Waa Xaq Daro? W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI (WIRDAANI)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Cabdiraxmaan Cabdilaahi

Maalin waliba waayaheed, shalay mar ay goor sheehtu maraysay 2:00duhurnimo ayaan furay raadiyawga si aan u dhageysto idaacada BBC-da, waxan cabaar dhageystaba waxa uu waryihii warka akhriyay sheegay in manta la xukumay wargeyskii hubaal, markaan intaa maqlay ayaan dhagaha la sii raacay waayo arimaha wargeyska ayaan la socday maalmihii u dambeeyey warkiisa, mise warkii waryuhu sheegay waan ka naxay, waxaanu noqdey war xun, kumaan farxin waayo may galabsan, aniguna maan filaneyn, waayo wax looga bartay mey ahayn, kadib ayaan naftayda su’aalahan weydiiyey?.

Miyaanu madaxweyne axmed maxamed maxamuud(siilaanyo) ahayn kii ku doodi jirey xoriyatul qawlka?, miyaanu ahayn kii ku olaleyn jirey xurmadda muwaadinka?, miyaanu ahayn kii xukumadii riyaale ku naqdiyi jiray markay timaado arimaha warbaahinta?, miyaanay saxaafadu ahayn kuwii u hiiliyey markuu olalaha ku jiray?, miyaanay xukuumaddu ahayn tii iyadu samirka looga baahnaa hadii lagu qaldamo?, mise arinkuba wuxuu ahaa kursi uun aan ku fuulo?, mise waxay noqonaysaa jawaabata su’aalahaasi maah-maahdii soomaaliyeed ee ahayd ‘’abaal galaa badan laakiin gudaa yar’’.

Masuuliyiinta hubaal ee maanta la xukumay miyaanay ahayn kuwii shalay iyagoo shaqadooda gudanaya rag booliska ka tirsani isku dayin inay khaarajiyaan, maa hiilkii ay ka dayeen maxkamadda ayaa iyagii dib dacwad loogu qaaday, goormay garsoorayaashii ka dhigeen eedeeyihii eedaysane, xadhiga wargesku waa dulmi aan geed loogu soo gaban, waa ma iga awood badantahay, waa ha qorin, waa ha hadlin oo ha maqlin aan lahayn gorgortan, waxaan xasuustay, ‘’cali sugulle’’ riwaayadii la odhan jirey kala-haab, ee uu ku jirey uuna lahaa,

’’Waa ha hadlin

Oo ha arkin

Oo ha maqlin

Waa habaar

Waa habaar

Waa habkeynu nahee’’

Hadaba xukuumada arinkeedu ma wuxuu noqday, kii hadla qabo, kii ku dhaliila xidh, kii wax iga sheega xabsiga dhig, miyaanay xukuumadu iyadu ahayn tii looga baahnaa inay dulqaadka iyo samirka la timaad, miyaanu madaxweynuhu ahayn kii shalay lahaa waxaan dhiiri galinayaa xoriyada saxaafada, goormay kulmiye wixii shalay markuu mucaaradaka ahaa xaaraanta ku sheegayey maanata xalaaleeyeen? Mise daliil cusub ayey u heleen, sawtii la lahaa gorsoorku wuu ka madax banaanyahay dawlada, sawka maaha noqday adeegaha xukuumadda, goormay noqtay madashu waa mid kaliya ee ka mid noqo ama xabsi.

Hadaba hadii arinkaa maanta dhacay laga noqon waayo, waxay noqon mid sharateeda, iyo sumcadeeda dawladnimo disha, waxayna noqon mid laga aamin baxo, hadaba anuu waxaan ku talin lahaa ‘’baruur qudhuntay baa baruuryo qadhmisee’’ waar qudhunka halaga saaro xukuumadda, inta baalashaka madaw daba sidata ee dawlada sharfteeda dilaysa banaanka hala dhigo, wargeyska hubaalna waxaan leeyahay kii kaa roonaan lahaa haduu kugu qaldamay aduu ka roonaw, akhriste adoo ka jawaabaya ciwaanka maqaalkayga ee ah XADHIGA HUBAAL LAGU RIDAY, XAQBAA MISE WAA XAQ DARO??, rayigaaga ka dhiibo hareerahana iska eeg. Waxaana kugu dhaafi ereyadii abwaan maxamed xaashi dhamac ‘’Gaariye’’ rabi godka ha u nuuree.

Dal ayaan ku noolahay,

Saddexdii dalaaqood,

Lagu furay dadnimadii,

Da waxaan ku noolahay,

Runtu arag-darraysoo,

Daaddihi” la yidhi been,,

Hadday dunida ceeb tahay,

Dusduskiyo khiyaamadu,

Noo dabeecad weeyaan,” abwaan Gaariye

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories