HomeXaddiga Hoos-u-dhac ku Yimi Miisaaniyadda Xukuumadda Somaliland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay...

Xaddiga Hoos-u-dhac ku Yimi Miisaaniyadda Xukuumadda Somaliland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Taageere Dhaqaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in saddexdii bilood ee sannadkan u horeeyay uu hoos u dhac 9% ku yimi dakhliga dowladda, ka dib markii uu xanuunka Covid-19 saamayn ku yeeshay dhaqaalihii iyo ganacsiga adduunka.

blankQoraal ay wasaaradda maaliyadda Somaliland diyaarisay bishan April oo u muuqda mid ay beesha caalamka u dirayso si looga taageero saamaynta dhaqaale ee uu Somaliland gaadhsiiyey xanuunkani oo aan saxaafadda loogu tallo gelin balse uu Wargeyska Geeska Afrika helay, waxay wasaaraddu ku sheegtay in dhaqaalaha iyo dakhliga Somaliland uu ku xidhan yahay hadba sida uu yahay dhaqaalaha adduunka oo uu wakhtigan gilgilay Covid-19.

Waxa ay xukuumaddu sheegtay in Somaliland oo aan helin taageero miisaaniyadeeda lagu kabayo iyo weliba deynta ay dunidu siiso dalalka soo koraya ay u baahan tahay lacag ka badan 110 milyan oo dollar oo qayb ka mid ah lagu kabi doono miisaaniyadda.

“Saddexddii bilood ee u horeeyay ee sanadka , dakhiliga ka soo xarooda kastamadu wuxuu hoos u dhacay 9%.” ayaa lagu sheegay qoraalka wasaaraddu diyaarisay.

Waxaanay intaas raacisay “Waxaanu rumaysanahay in dhibaatadu ugu badani dhici doonto qaybta labaad ee sannadka (April ilaa June), waxaanu qiyaasaynaa hoos u dhac ah 30% dakhiliga.”

Wasaaradda maaliyadda Somaliland waxay sheegtay in bilaha dhexe ee sannadkan ay rejo ku qabto in Somaliland ka soo kaban doonto dhaawaca ka soo gaadhay hoos u dhaca dakhiliga.

“Waxaase aanu rajaynaynaa inuu soo kaban doono saddexda bilood ee dhexe ee sannadka oo uu khasaaruhu hoos ugu dhici doono 20%” ayay tidhi wasaaraddu, waxaanay intaas ku dartay in miisaaniyadda dawladda ee saddexda bilood ee sannadka u dambeeya aanu hoos u dhaceedu ka badan doonin 10%.

Xukuumaddu waxay sheegtay in ka hor intii aanu xanuunka Covid-19 dilaacin ay xukuumad ahaan aaminsanayd in dhaqaalaha dalku uu kor u kici doono qiyaastii 2% oo ahayd cabiraad lagu saleeyay miisaaniyadda 2020 “Laakiin hadda waxaanu rumaysanahay inuu hoos u dhici doono ugu yaraan 5%.”

Xukuumadda Somaliland waxay dunida ka dalbatay lacag dhan $ 110,805,000 (Boqol iyo toban milyan, siddeed boqol iyo shan kun oo dollar), si wax loogaga qabto cawaaqib xumada uu Somaliland gaadhsiiyay Covid-19.

Lacagtan qaybo ka mid ah oo dhan $36,600,000 (36 milyan iyo lix boqol oo kun oo dollar), waxa lagu kabi doonaa hoos u dhaca miisaaniyadda, halka 54 milyan oo dollarna loogu tallo galay in lagu caawiyo qoysaska uu xanuunku saameeyay.

Wasaaradda Maaliyadu waxay warqadeeda ku soo koobtay, “Waxa aynu haysanaa wax aynu kala doorano oo ah ‘inaynu ficil samayno’ ama inaynaan ficil samayn, labada markaad eegto waxa inagu qaaliya ‘waxa wax badani inagu kacaysa’ ‘inaynaan ficil samaynin.” Sidaas ayay ku tidhi Qoraalka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories