HomeXaddiga ay dhan tahay Odoroska Miisaaniyadda 2021 oo la horgeeyey Golaha Wasiirrada...

Xaddiga ay dhan tahay Odoroska Miisaaniyadda 2021 oo la horgeeyey Golaha Wasiirrada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta la horgeeyey Odoroska Miisaaniyad sannadeedka 2021-ka oo dooddiisa iyo falan-qeynteeda ay isla maantaba galeen Goluhu kaddib markii warbixin laga dhegaystay masuuliyiinta wasaaradda Maaliyadda Somaliland.

Odoroska Miisaaniyad sannadeedka 2021 ayaa miisaaniyad sannadeedkii 2020 ka badan boqolkiiba 2.7% iyadoo xaddiga miisaaniyad-sannadeedkii hore ahaa lacag gaadhaysa 2,751,304,808,098 (2 Bilyaar, 751 Bilyan, 304 Milyan, 808 Kun, 098) Shilin Somaliland.

blankWar-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxweynaha oo lagu shaaciyey qodobbada ka soo baxay shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo qaab online ah u qabsoomay, ayaa lagu sheegay in warbixin ku aaddan xaaladda guud ee ammaanka dalka iyo heerka Xannuunka safmarka ah ee Covid-19 lagaga dhegaystay masuuliyiinta wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Horumarinta Caafimaadka.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Fadhigii 67aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ay ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi , kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo maanta la horkeenay miisaaniyad sannadeedka 2021-ka.

blankUgu horrayn wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee nabadgelyada dalka, sidoo kale, wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, ayaa warbixin golaha ka siiyey xaaladda caafimaad ee dalka iyo heerka uu marayo xanuunka safmarka ah ee covid 19 oo caalamka ku soo laba kacleeyey, dalka Somaliland-na ka jira, kaasoo saamayn ku yeeshay mar kale caafimaadka bulshada, isagoo wasiirku ku dheeraaday dedaalka wasaaraddu ugu jirto la dagaallanka covid 19, waxaanu madaxda iyo shacbiga ku adkeeyey inay ka feejignaadaan fiditaanka xanuunka koroona fayras, una hoggaansamaan awaamiirta caafimaad ee lagaga hortagayo.

Wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha horkeentay Oddoroska miisaaniyad-sanadeedka 2021-ka, waxana golaha sharaxaad ka siiyay wasiir ku xigeenka wasaarada horumarinta maaliyadda isagoo dul istaagay qaybaha miisaaniyaddu ka kooban tahay iyo meelaha ay diiradda saarayso, wuxuuna xusay inay dalka soo food-saareen xaalado dhaqaale oo ay sababeen covid 19, Ayaxii dalka ku habsaday iyo hakintii arrimaha xajka kuwaasoo saamayn weyn ku yeeshay dhaqaalihii dalka, waxaanu tilmaamay in ganacsatada iyo cashuur bixiyeyaasha dalku ay door muuqda ka qaateen bixinta cashuuraha ku waajibay si ay u daboolanto miisaaniyaddii hore ee ay caqabaduhu soo wajaheen.

Ugu danbayn miisaaniyadan 2021 waxay miisaaniyad sannadeedkii hore ka badnaan doontaa 2.7%, waxana goluhu gudo galay doodda iyo falanqaynta miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka, iyadoo goluhu ku ansixin doono fadhiyada dambe.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka oo uu u saxeexnaa Maxamuud Warsame Jaamac, Afhayeenka madaxweynaha Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories