HomeXad-Gudubyada Iyo Xurmaynta Saxaafadda! - W/Q: Mohamoud Areb Abdi (Sabuub)

Xad-Gudubyada Iyo Xurmaynta Saxaafadda! – W/Q: Mohamoud Areb Abdi (Sabuub)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

sabuubMarkasta oo doorasho soo dhawaato ama ifafaalo guud oo dorashadu ay soo muuq baxaan waxay dhamaan xisbiyada mucaaradku ololeha ku galaan inay xurmayn iyo xaqdhawrba sii nayaan saxaafadda maddaxa banaan.

Tan iyo markii la hanaaqaaday hanaanka dimuqraadiyada somaliland waxa iyana waa uu u baryahay warbaahinta madaxa banaan ama saxaafadda madaxbanaan taas oo yeelatay dhaq dhaqaaq nidaamsan oo hanaqaad wanaagsan iyo tusale wanaagsan u noqon karta warbaahinta iyo dhalinyarada saxaafadda jecel, dawladii hore markii ay xukunka dalka haysatay waxay saxaafaddu ku shaqayn jirtay hab iyo nidaam aan xor ahayn .taas oo marwalba qori jirtay islamarkaana buun buunin jirtay danaha iyo dooni taanka dawlada iyo rabitaanka waxa la odhan karaa waxay lahayd dhego iyo indho keliya.maalinba maalinta ka danbaysay saxaafadda somaliland waxay soo maraysay marxalado kala duwan oo ku astaysan inay soo bandhigto ra,iyiga iyo soo gudbinta siraha dahsoon iyo cabashooyinka bulshada reer somaliland,walow ay saxaafaddu ay tamar yarayd hadana waxaa soo baxayay dadaalada dheeriga ah ee ay doonaysay inay bulshada ugu adeegto

Xurmaynta saxaafadda oo ay dhiiri gelinayaa si tageero iyo gacan buuxda oo hiil iyo hoo uga helaan saxaafadda .iyada ooo taa caksigeeda ama kasoo hor jeedkeedana ay dawladu marwalba saxaafadda kula kacdo loolan iyo dagaal ka dhan ah saxaafadda islamarkaana ay xadhig iyo dhaqan ka baxsan xeerka saxafa ku abaal mariso

Waxaad mooda inayn kaba waynanahayn oo aynaan baranahaynba danaaha siyaasadeed iyo cawaaqib xumada ay leedahay horaa loo yidhi ” illayn adhi shugux shugux kama waynaado” inaga siyaasi uunbaa inoo soo fadhiisanaya saxaafadda kaddibna ina odhanaya waxaa la jabiyay sharcigii berina isagu halkii ka miisaya ku xadgudbaya saxaafadda.

laacdanka iyo legdanka saxaafadda ee dawlad kastaa waxa uu soo mudh yidhaahdaa marka ay soo dhacda dabayl xagaaga doorashada madaxwaynanimada iyo tartanka hogaanka dalka .

Waxaad moodaa in markasta ay dood adagi ka taaganatahay ka sax san iyo ka wadada toosan haysta ma saxaafadda ayaa saxsan ? Mise dawlada ayaa saxsan? Runtii waa su, aal jawaabteedu fududahay lakiin se ay adagtahay ku dhaqankeedu

Waxa aan odhan karaa maanta labadaba qalad iyo qoonsi wuu jiraa saxaafaddu waa midi laba af leh waxayna samaayn togan iyo mid tabanba ku yeelataa bulshada ay wax u gudbinayso waxanan odhan karaa saxaafadda waxaa ka shaqeeya dad badan oo dhalinyaro ah oo runtii aan odhan karo ma aha kuwo bislaaday aqoon ahaan iyo garaad ahaan si fiican umay fahmin sharciyada saxaafadda haa waa run in wiil yar iyo gabadh yar oo xiiso iyo xaamasad u qabaan inay noqdaan suxufiyiin ay jirto balse hadana waxa haboon in la tageero la tobobaro lana barbaariyo aqoontooda iyo garaadkooda markaasi ayay noqon karaa kuwo howl kar ah oo ka dhex muuqda saxaaffada bulshada iyo dadka ay wax u gudbinayaana si fiican uga dhergin kara waxa tabashadoodu ay tahay

Haddaba warbaahinta waxaa looga baahanayay inuu noqdo mid uu hagayo caqli ka fayow , eex, qabiil, laaluush, nin jeclaysi qaraabaysi, qalad la,aan, xaqiiqo raadis, cadaalad,sinaan, dhexdhexaadnimo, dheelitiraan,iyo waxkasta oo ilaalinaya sumcada iyo maamuska saxaafadda iyo suxufinimadaada .

Dhankale, waxaan odhankaraa qaladka dawladu ma yaraysan farana kalama maqna bahdilida iyo cabudhinta saxaafadda

Haddii aan dib u milicsano barnaamijkii kulmiye ee madaxwaynuhu ku ololaynayay waxaa qodob muhiima oo lama taabtaana ka ciyaaray doorka ugu muhiimsan in haddii kulmiye ku guulaysto uu saxaafadda siinayo xornimo buuxda waxana ay sheegen inay dheeri galin iyo kobcin ay ku samaynayaa saxaafada maanta ay ayba tahay yaa wariye ah xeerkii xuquuqdii iyo xushmayntii saxaafaddu ay noqotay hal bacaad lagu lisay taas oo sababi karta mahalako iyo dhibaato xoogan oo dhalintu ay kula kacaan nafahooda iyo kuwo kale oo galaafasho ahba nidaamka maanta ka taagan dalka ee ku aadan qorshaha siyaasadeed ee saxaafadda waxaan ka cabiran karnaa inuu yahay qorshe fashilmay oo runtii aan doorkiisii ciyaari bulshadu waxay u baahantahay saxaafad wanaagsan oo soo bandhigta baahida bulsho oo ay ku horumarinayaa ama ay ku badbaadinayaa nafahooda si ay u helaan nolol wanaagsan oo waarta

 

Lasoco qaybta 2aad

Suxufi madax banaan :w/q mohamoud areb abdi (sabuub)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories