HomeXabsiga Maraykanku u adeegsado Jidh-dilka oo ee Guantanamo Bay oo Xaaladdii ugu...

Xabsiga Maraykanku u adeegsado Jidh-dilka oo ee Guantanamo Bay oo Xaaladdii ugu Liidatay ku sugan iyo Maxaabiis tiro badan oo Cuntada ka soontay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

New York (SLpost)- Xabsiga Guantanamo Bay ee Maraykanku ku leeyahay dalka Cuba isla markaana ay ku xidhan yihiin Maxaabiis badankoodu dhalasho ahaan ka jeedaan dunida Carabta, ayaa wakhtigan maraya xaaladdii ugu qalafsaneyd, ka dib markii ay cuntada ka soomeen tiro badan oo maxaabiis ah.

100 maxbuus  oo kamid ah 130-ka qof ee ku jira xayndaabka Camp 6 oo ah qayb kamid edegaha uu u qaybsan yaha xabsiga Guantanamo Bay, ayaa cunto-joojin ku dhaqaaqay, kadib markii  laga hor istaagay inay cibaadeystaan ama akhristaan Qur’aanka Kariimka ah.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP, garyaqaanada qaar kamid ah maxaabiista qaybta lixaad (Camp 6 ) ee jeel ciqaabeedka Guantanamo Bay ayaa sheegay in badi dadkii ku xidhnaa xayn-daabkaasi ay gebi ahaanba joojiyeen cuntada , isla markaana qarka u saaran yihiin inay geeriyoodaan, kadib markii maamulka xabsigu ka hor istaagay inay si xor ah u gutaan cibaadada Eebbe ku Waajabiyey.

guantanamo“Maxbuuskii aan u doodayay iyo rag badan oo kale oo kula xidhan xayndaabka lixaad ( Camp 6) ayaa ku jira cabashada cunto ka soomid ah,” sidaa waxa AFP u sheegtay Pardiss Kebriaei oo ah looyarad xarunteedu tahay magaalada  New York , una doodda maxbuuska reer Yemeneed ee  Ghaleb Al-Bihanim.

Haweenaydan Qareenka ahi waxa ay sheegtay in maxbuuska ay u dooddaa u muddo 30 maalmood ah ka sooman yahay cuntada, “Toban Kiile oo Miisaan ah ayaa ka dhacay muddadaas, dhakhaatiirtuna waxay sheegeen in xaaladiisa caafimaad halis ku sugan tahay maadaama uu cudurka macaankuna hayo,” ayey tidhi haweenaydani.

Masuuliyiinta jeelka Guantanamo ayaa qirtay in kacdoonka cunto ka soomidda ahi uu ka jiro xabsiga, laakiin waxay ku doodeen in tiradu ka yartahay inta lagu sheegay. Afhayeen u hadlay xabsiga oo magaciisa la yidhaahdo Robert Durand, ayaa tilmaamay in sagaal maxbuus ay cunada joojiyeen, isla markaana ay jiraan shan xubnood oo cuntada qaadan kari waayay laakiin markii dambe lagu quudiyey hanaanka tuumbada caloosha loo dhaadhiciyo. “Cuntada oo uu diido iyo inuu cuno midna ma tilmaamayso xaalada maxbuusku inay tahay kacdoon ama cabasho” ayuu yidhi sarkaalkaasi.

Garyaqaanada xaaladan ka qaylinaya , ayaa ku baaqay in degdeg loogu gurmado maxaabiistaas, haddii kale xabsiga ay gacanta ku hayso xukuumada Maraykanku uu gaadhi doono xaaladii ugu xumayd.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories