HomeXabaashii bay Qadisay

Xabaashii bay Qadisay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxa lala soo gaadhey cusbitaalka guud ee Hargeysa goor habeenimo ah, awood umay laheyn inay hadasho amaba dhaqdhaqaaqdo dirqi iyo tu xun bay kusoo gaadheyba meesha, waxaa markiiba ku soo cararey kalkaaliyayaasha caafimaadka ee ku sugan dhakhtarka weyn gaar ahaan waaxda Dhalaanka iyo Hooyada, waxa markiiba jagac isku soo yidhi dhakhaatiirtii, kalkaaliyayaashii iyo bukaankii qaar kamid ahba, xaaladdeedu ma ay wanaagsaneyn oo way wada gariireysay.

Markii lasoo galiyey gudaha waadhka umulaha waxa la moodayey iney tahay hooyo la baaxa dageysa oo aad ugu dhiban fooshii laakiin markii wax layska waydiiyey waxa la ogaadey iney hooyadani hore usoo umushay oo ilmihii aanu ku jirin cajaaib! Haddaa maxaa caloosha sidan ugaley sa waaba xadhig mijaha ilaa feedhaha lagaga wareejiyey oo waliba si aad u giigsan ugu xidhan, Naxdin badanaa wala wada anfariirey.

Xadhigu siduu u giijisnaa iyo adeygiisa awgii waxa lafurfurayey in muddo ah iyadoo xoog iyo xeelad midna aan loola kala hadhin, waa Alle mahadii wuu furmay haddana waxa la arkey yaabka yaabkiis inanta jidhkeedu meel kaliya oo farta lasaaro malaha quraanba meelwalba lagaga qorey subxaana laah waxba yaanan hadal kugu daaline dadkii wadey waxey tibaaxeen in madheertii ay ku hadhsantahay kana soo bixi waydey. La eeg oo wax alla wax ku hadhay majirto waana la arkayaa oo xanuun aad ubadan baa ka muuqda korkeeda, beerka ayay ka gariireysa.

Isla markiiba waxey garteen hawl wadeenadii caafimaadku iney si kale wax u jiraan waxan inanta caloosheeda kasoo weynina ay tahay kaadi ilaa waayadanba ku kaydsameysay gudaheeda lana fahmi la,aa oo qaraxba ay ku dhawdahey koonbadii yareyd ee loogu talo galey iney inoo kaydiso kaadidu.

Umulisooyinkii ku hawlanaa badbaadinta bukaanina waxey tibaaxeen in gabadhan dhaawacyada loo geystay awgood ay XABAASHA UUN QADISEY teediina aaney noqon.

Alla cilmi la,aantu xumaa markii hawshii soo afjarantey, dadkiiyoo dhana u qaadan waa ku noqotey siday hawshu u fududeyd iyo sida loogu maaro waayey, waxaa wareysi hor leh lala galey cidii wadey inantan saxariirtey ee keentay cusbitaalka.

Waxey sheegeen iney  inabadana  ku qayliyeen in hooyada xarun caafimaad meeshii ugu dhaw lala gaadho balse aan dhag jalaq loosiin oo layidhi dumar baad tihiin waliba aan waayo arag aheyn ee inanta waa la dureeyay waa in sideg deg ah loola gaadha dabiib iyo wadaad quraan saara.

Wadaadkii halkanbuu yidhi inanta waa ladureeyay, dabeylaa marey iyo waxaan loo jooginba, wakaa sidii kitaab quraana jidhkeedii ku idleeyay, xadhig weyn oo aad moodo Dabarkii Awrta adeygiisana laga yaabey ayuu intuu isku wada keenay gabigeediiba ayuu sidii geed ugu duubey dabadeedna guntin weyna jiriq ku siiyey.

Waxanoo dhibaato iyo kadeed ah waxa inoogu wacan waa daryeel la,aanta caafimaad ee baahsan ee ka jirta guud ahaanba wadanka iyo iyadoo ladayacey lana mooganyahey in dadkeenu reer miyi iyo reer guuraa u badan yihiin, waliba daryeelka Hooyada iyo Ilmaha waa in aad loogu feejignaada xanaanooyinkuna ay noqdaan kuwo goobkasta iyo wakhtikastaba diyaar u ah sidii ay u badbaadin lahaayeen maatidaa la dayacey.

W/Q Hibo ciise Maxamed (basbaaso)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories