HomeXabaalwadareed Laga Helay Halka Uu Soo Maraayo Beebka Biyo Balaadhanta Hargeysa Oo...

Xabaalwadareed Laga Helay Halka Uu Soo Maraayo Beebka Biyo Balaadhanta Hargeysa Oo Aas Loo Sameeyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Hargeysa(SLpost)-Waxa maanta aas qaran loogu sameeyay xabaalaha biyo shiinaha 42 qof oo laga helay xabaalwadareed beebka biyaha magaaladda Hargeysa keenaya dhulkii la soo marinaayay laga helay.

xabaal wadareedkan oo loo sameeyay aas qaran waxa k qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirada cadaaladda,warshadaha,maayarka caasimada gudoomiyaha baadhista xansuuqa,maareeyaha wakaalada biyaha sheekh aadan Siiro iyo masuuliyii kale.

11880546_10153083311697469_2177361580575651328_n 11902316_10153083311237469_5022112927975908831_n 11873798_10153083309002469_7170553184650989748_n11892204_10153083308272469_1269956749635243486_n

Maareeyaha wakaalada biyaha Ibraahin Yoonis ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay ku helaan xabaal wadareedkaas “Waxaanu dib u aasaynaa oo ah dadkii lagu xansuuqay dagaaladii 1988-kii, markaas waxaanu xabaalahan ku helnay waxaanu bilawnay marshuucii biyo balaadhinta ee Hargeysa, markaas halkii beebka la marin lahaa ayaanu ku aranay kuus yar oo ciid tuulan ah oo aan xabaal u eekayn laakiin dadkii deegaanka ayaa sheegay meeshu inay xabaal tahay oo lafo mararka qaarkood ay ka soo baxaan, wasiirka diinta iyo awqaafta ayaanu la xidhiidhnay oo warka gaadhsiinay, wasiirku waxa uu noo soo diray sadex sheekh waxaanay noo sheegeen mar hadii aan lagu tukan oo aan si fiican loo aasin in dib loo saari karo oo inta la kanfo dib loo aasi karo.”

xubin ka socotay gudida tirokoobka xansuuqa ayaa halkaas ka sheegay“dadka halkan lagu laayay waa kuwii magaalada uga soo yaacay madaafiicdii madaarka laga soo ridaayay, kuwaas oo baroon la’la soo dabagalay iyo dayuuradii koonfur afrikaanu ay wadeen.”

Sheekh Aadan Siiro ayaa halkaas isagana ka yidhi” Midnimadeena aynu ilaashano, kuwanina waa ay nasiib badanyihiin waayo qofka in alle dartii loo dilo oo xaqdaro lagu dilo jano ayuu leeyahay sida ay nasuutu ay tilmaamayso, waliba waa dad aan hubaysnayan oo aan dagaalamayn, waa maati hooyooyin iyo caruur ah, waa dadkii ka soo yaacayay dumintii lagu samaynaayay caasimada Jamhuuriyada Somaliland.”

xabaalwadareedkan ayaa la filayaa in wakhtigii dawladii Siyaad Bare inay ka mid ahaayeen dadkii rayidka ahaa ee koox kooxda loo laynaayay, kuwaas oo aan maydkooda hore loo arkin, waxaana halkaas si rasmi ah loogu sameeyay xabaal wadareed guud waana lagu tukaday salaada jinaasada.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories